Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiyo ka burburay haween iskudayay in ay ka baxaan nolol xumo ku haysa Garowe

Jibril Osman by Jibril Osman
September 2, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsiyo ka burburay haween iskudayay in ay ka baxaan nolol xumo ku haysa Garowe

Xaawo Muuso oo guri-joog noqotay, markii ganacsigeeda uu burburay/Hoodo Axmed Ciise/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa ka sii daraysa xaaladda nololeed ee qoyska Deeqo Maxamed Abshir oo ku nool xerada Hoodaale oo ku taalla duleedka Garowe, markii uu ka xirmay ganacsi yar oo ay hirgalisay si ay uga daabalato dhaqaale xumo ka dhalatay gargaar lacageed oo ka istaagay.

Billowgii bishii Julay ayuu ka xirmay miis ay ku iibinaysay caanaha, kaas oo ay furatay bishii koobaad ee sanadkan. Xoolo-dhaqato caanaha u keeni jiray ayaa ku yeeshay $200, Waxaa isku biirsadeen macaamiil la’aan ku dhacday iyo daynta oo ku korortay.

Waxay halgan ugu jirtaa badbaadada qoyskeeda. Waxaan la kulmay Deeqo xilli galab ah iyadoo agfadhida dab ay ka dajisay shaax ay u karisay carruurteeda oo 6 ah, kuwaas oo hareeradeeda joogay.

Waxay xustay in 48 gudahood labo mar oo ka mid ah ay dabka shiteen. Markan se ilmaheeda oo baahan ay ku sababayso shaax sonkorta ay ku karisay ay ka soo barisay qoys ay qaraabi yihiin.

Waxay sheegtay in $80 oo bishii ay siin jirtay hay’adda WFP ay kaalin wayn ugu jirtay noloshooda, taas oo meesha ka baxday bishii Diseembar ee sanadkii 2024.

“Gargaarkaas waan u darsanay. Biil aan ku tiirsanayn oo aan ku xisaabtamaynay ayuu ahaa. Haddii xitaa aad dayn soo qaadato mid aan ku xisaabtamayso oo beri ka maalin aad bakhaarka ku celin karto ayuu ahaa, waxaa laga yaabaa labada waqti iyo qiilqiil uu iga galo. Saaka hadda quraac ma karin shaax aan karsanay uun baan ku joognaa.”

Waxay ka mid tahay 1000 qoys oo ku nool xeradeeda, kuwaas oo bil walba ay u soo dhici jirtay lacagta ka istaagtay oo taageero dhaqaale u ahayd. Sida deeqo waxaa badankood ku ku adag in ay helaan fursad kale oo kaga baxaan xaaladdan.

Raadiyow Ergo ayay sheegtay in markii ay ka war heshay in la joojiyay lacagta ay billowday qorshe ay ku samatabixin karto qoyskeeda oo cidna u maqnayn ceelna u qodnayn, maaddama saygeeda oo da’ ah uu awoodi waayay qabashada shaqo xoogsi ah.

Waxay si bilaash ah ku billowday iibinta caanaha xoolaha. Reer-guuraaga ay aqoon u lahayd ayay ka codsatay in ay u iibiso caanaha ay xoolahooda ka soo lisaan, taas oo ay ka aqbaleen.

Waxay tilmaamtay in muddo 4 bil ah ay ku maaraynaysay nolosha qoyskeeda faa’iido lacageed oo ay ka helaysa caanaha ay iibiso, kuwaas oo lafahooda ay dib ugu celisay xoolo-dhaqatada.

Hase ahaatee, suuq xumo soo wajahday ayaa u horseedday in lagu yeesho lacag weli aysan daynteeda bixin, taas oo walaac ku haysa.

“Caanihii sidaan u gadayay waxaan ka raadiyo haba yaraatee iyagii ayaan ku daymoobay oo dayn badan la iiga yeeshay, kaddibna waan iska daayay oo waxaan is iri haddii ay kugu go’aan adiga ayay dhibaato kaaga imaanaysaa. Waxaan ka dhex-raadinayay iidaanka, adeegga ciyaalka iyo koombo caano ah oo ciyaalka aan siiyo.”

Ka hor gargaar wuxuu qoyskeedu ku tiirsanaa raashin uu dayman jiray oo wali lagu leeyahay. Arrintan oo caqabad ku noqotay in mid kale ay ka hesho bakhaarrada ku leh. Waxaa intaas u dheer in lagu qasbayo bixinta daynta oo aysan awoodin.

“Lacag badan oo $1,500 gaaraysa baa nalagu leeyahay. Maalintii haddii aysan labo jeer isoo wicin mar bay isoo wacaan iyagoo lacagtii raadinaya. Maalin kasta way isoo wacaan.”

Dayntan qaadashadeeda waxay billowday sanadkii 2018, xilligaas oo xaalad barakac ay ku timid Garowe. Waxay ka soo barakacday miyiga deegaanka Dundumaale ee gobolka Nugaal, halkaas oo abaartu ay uga dishay 100 ari ah iyo hal riti oo ay raran jireen.

Gargaar la’aanta hay’adaha iyo qasaaraha ka soo gaaray ganacsiga Deeqo waxaa la qaba rag iyo haween kale, kuwaas oo la yimid fikrad ay kaga badbaadi karaan nolol xumada.

Burburka ku dhacay ganacsigooda waxaa u sabab ah suuq xumada oo si guud uga jirta deegaannada Puntland sida ay inoo sheegeen dadka ku nool xerada ee ganacsiyadu ay ka burbureen.

Xaliimo Muuse waxaa ka xirmay meherad ay ku iibinaysay shaaxa bishii Juun ee sanadkan. Waxay ka soo saaran jirtay nolol-maalmeedka qoyskeeda oo 11 ah. Maqaayaddan ayay sheegtay in ay dabooshay booskiis ay ugu jirtay lacagta gargaar ahaanta ay heli jireen.

Macaamiil la’aan soo foodsaartay meherada iyo qiimo koror ku yimid sonkorta ayay xustay in ay ku qasabtay xiridda meheraddeeda. Waxay nasiib darro ku tilmaamtay in mar kale ay wayso il-kale oo dhaqaale gargaarka, kaddib.

Waxay sharraxaysa sida macaamiil yarida ay burburka ugu horseedday ganacsigeedii yaraa oo u ahaa soo gabasho dhaqaale.

“Isbuucyo dhan baa cidiba noo imaan ileen meeshu waa cidlo. Way naga istaagtay. Marka meeshu suuq leedahay oo magaaladu dhaqdhaqaaq leedahay ayaa ganacsigu socdaa. Meeshan waa laga shaqo tagaa dadka joogana guryahooda wixii ay helayaan gurahooda ayay ku cunaan.”

Meheradda ka xirantahay waxay ka heli jirtay maalintii $5 oo faa’iido ah ka hor inta aysan macaamiil la’aantu ku dhicin. Lacagtan waxay ugu iibin jirtay qoyskeeda cunno labo waqti ah.

Muddo saddex sano ah ayay ku tiirsanayd $80 oo bille u bixin jirtay WFP, taas oo ku beddelan jireen raashin. Waxay sheegtay in lacagtaas yar ay kabniin u ahayd qoyskeeda, isla markaana ay kaga maarmi jireen in ay ku tiirsanaadaan qoysas kale.

Waxay xustay in ay la daalaadhacdo korinta carruurteeda oo kali ay ku tahay, markii aabbahood ay kala tageen. Waxay gocanaysaa gargaarka ka istaagay xaalka ku sii adkeeyay.

“Raashin baan ku soo qaadan jirnay. Nolosheenu way dhisnayd oo way fiicnayd markaas. Intii ay naga joogsadeen adduunkii oo dhan baa gab naga noqday.”

Xerada ay ku nooshahay waxay ku leedahay guri ka kooban qol, musqul iyo dayd, kaas oo ay u dhistay bishii Nofeembar ee sanadkii hore hay’adda NRC. Waxay sheegtay in aysan meel kale maciin-bidi karin, maaddama ay ku haysato xerada hoy.

Waxaa se hortaalla caqabad kale oo ah daymo is-gaar-gaaray oo ay ku leeyihiin ganacsato ay raashin iyo arrad-tirka carruurteeda uga qaadatay. Waxay xustay in ay gaarayso $1,800 oo bixinteeda aysan awood u lahayn.

Dhibaatadan waxaa ugu wacan abaar dhaafisay sanadkii 2019 150 ari ah. Waxay ku heshay miyiga deegaanka Cadadheer ee gobolka Nugaal, halkaas oo inta badan nolosheeda ay ku soo qaadatay.

Waxaa jiray waalidiin awoodi waayay in ay xal u helaan maaraynta nolosha carruurtooda, kuwaas oo aan ku dhiiran hirgalinta ganacsiyo ay kaga baxaan xaaladda nololeed.

Waxaa ka mid ah Fardowso Faarax oo deggan xerada Hoodaale, halkaas oo cunno xumo ay ku wajahayaan iyada iyo carruurteeda oo toddobo ah. Waxay sheegtay in markii la waayay lacagtii gargaarka ahayd ay dantu bidday in ay dayn sadaan raashinka.

Daynta ayaa sidoo kale hakad ka gashay, markii lagu xujeeyay bixinta lacagaha lagu leeyahay oo ah $500. Waxay xustay in hadda qoyskeeda ay ku maarayso cunno ay soo dawarsato oo aysan joogto u helin.

Waxay sheegtay in ay wajhaday 21 bishan xaalad quus-galisay, markii ay u waysay mid ka mid carruurteeda lacag ay ku gayso isbitaal. Ugu danbayn waxay taageero ka heshay mid ka mid ah howl-wadeennada isbitaal gaar loo leeyahay.

“Wiilkii xalay habeen barkii toddobo saac dawada iigu duray wuu igu leeyahay lacagta. Sidaa ayaan qutul-duruuriga iyo caafimaadkaba u haysan. Xabad kaniini ah maanta waxaan ku soo gato ma haysto.”

Waxay xustay guriga kula tacaashaa ilmaha ka xanuunsan, maaddama aysan haysan lacag ay ku jiifiso xarun caafimaad. Waa wiil ka yar da’da shan jirka oo ay sheegtay in uu shubmayo muddo saddex maalin ah.

Fardowso oo qoyskeeda kala soo barakcday deegaanka Howd ee gobolka Nugaal, halkaas oo dhowr iyo dhowr toban ari ah ay ku dhaqan jirtay. Waxay sheegtay markii abaartu ay ka dishay 2018 ay u soo hayaanta Garowe.

Gargaarka ka istaagay wuxuu u ahaa il-dhaqaale oo qaar badan oo ka mid ah dadka ku jira xeryaha ay isku haleeyeen sii jiritaankiisa, maaddama aysan haysan xirfad ay kaga shaqaystaan magaalooyin, sidoo kale helidda fursadaha xoogsiga ah ay sii wiiqmayaan.

Previous Post

Hanti la’aan, barakac iyo nolol xumo isku biirsaday qoysas ku nool Mudug

Next Post

Qoysas ku wajahaya nolol xumo deegaan u dhow Afgooye oo colaad ay ku saamaysay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
blank

Qoysas ku wajahaya nolol xumo deegaan u dhow Afgooye oo colaad ay ku saamaysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo