Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Tuugo sababtay in cabsi darteed haweenka ku jira xeryaha ay shaqo tagi waayaan

Jibril Osman by Jibril Osman
January 2, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

IDP mother and her children sit outside their makeshift shelter/File Photo /Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Asmo Shariif Xuseen iyo carruurteeda oo sagaal ah ayaa tan iyo bartamihii bishii hore wajahaya hubanti la’aan cunno, markii tuugo deegaanka ku soo batay ay ka wadi wayday shaqo xoogsi ah.

Haweeneydan waxay ka mid tahay labaatan haween ah oo ku nool xerada Cismaan Quulle, kuwaas oo awoodi waayay inay u xoogsi tagaan beeraha Jannaale iyo magaalada Marka sabab la xiriirta tuugo wadda u galaya marka ay soo hoyanayaan. 

Asmo ayaa tilmaamtay in tuugada ay ka furtaan raashin iyo lacag wixii ay soo helaan. Tani waxay saamaysay dabshidashadooda. Waxay hadda noloshoodu ku tiirsan tahay raashin bisil hal waqti ah oo ay isugu daraan qoysaska ay ragga u shaqeeyaan.

“Hal waqti ayaan wax cunnaa. Kaamkaan  6 sano ayaan deganahay, xaaladeena sida aad u jeedo waaye. Biyaha xitaa meeshaan waa la gataa qarashka biyaha xitaa ma heli karo. Aniga wax aan suubinaayo ma leh, kaamka lee hadda wax aan ka sugooyaa wax la haayo ma leh.”

Haweeneydan ayaa sheegtay ragga dhaca ay ku hubaysan yihiin tooray iyo baangado. Waxay intaas raacisay inay dumarka si gaar u beegsadaan marka laga barbar dhigo ragga xeryaha ka shaqo taga. 

Asmo ayaa xustay inay xerada ay deggan tahay magaalada iyo beeraha ay ka fogtahahay masaafe dhan 7 km. Waddada ayay sheegtay inay tahay mid soo marta dhul hawd ah isla markaana uusan gaadiid marin oo ay tuugadu ay dhexda u galaan. 

“Ani hadda labo mar aa taleefan layga qaatay. lacag oo suuqa aan kala soo laabtay waalayga qaatay labo mar,hadii aad qeylisid cid ku maqleyso majirto.dhulkana dhul howd waaye duur waaye meeha la maraayo oo wadada ah.  ani hada hal bil waa dhantahay inta aan suuqa aadin guriga lee fadhiyaa.  xaaladeydana waa xuntahay.”

Haweeneydan ayaa maalin dhaaf xaabo u keeni jirtay magaalada Marka. Waxay ka heli jirtay saddex doolar. Waxay sheegtay inay shaqadan oo u ahayd isha keliya ee ay ku tiirsan yihiin inay joojisay markii ay nafteeda u baqday in la dhibaateeyo.

Asmo ayaa sheegtay in tuugada wadada u galaysa ay yihiin kuwo isticmaala maandooriyaal.  Waxay tilmaamtay in marar badan ay dhacday inay isku dayeen inay waxyeelo jireed u geystaan, balse ay cagaheeda uga baxsatay.

Haweeneydan oo hadda guri joog ayaa waxaa isugu darsamay nolosha adag ee barakaca iyo shaqo la’aan. Waxay quus ka joogtaa nolosha.

“Tuugada gaar waxay u fiirsadaan dumarka. Nin ma rabaan, naago badan ma rabaan. Saddex iyo labo lee jidka u galayaan wixii aad wadatana way kaa qaadanayaan. Nin walba wixiisa xilliga ay u gadmaan loo soo bixi karaa dad maqrib soo baxaa xitaa iska jira.”

Waxay xustay inay ku fekertay inay haweenka xerada hal mar ay wada shaqo tagaan isla markaana ay isla soo laabtaan balse waxay sheegtay inay suura gal noqon wayday maaddaama ay u kala xoogsi tagaan meelo kala duwan.

Dhibaatada dhaca ayaa wada saamaysay haweenka ku nool xeryaha Buulo-samow, Buulo Maclin iyo Awyaale oo dhamaantood dhaca duleedka Woqooyi magaalada Marka.

Haweenka shaqadooda ka wadi waayay burcadda darteed waxaa ka mid ah Ruqiyo Cali Faarax oo subax weliba u kallihi jirtay beeraha deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ruqiya ayaa hadda carruurteeda oo aysan wax u haynin maalintii la harsata geedka garanwaaga  oo ku horyaalla buulka ay ka deggan yihiin  xerada barakaca ee Buulo Samow. Waxay sheegtay in aysan muddo bil ah aysan aadin shaqadeedii xoogsiga ahayd cabsi ay ka qabto tuugada keymaha ku jira darteed.

Ruqiya ayaa hadda la daalaa-dhaceysa korinta iyo barbaarinta carruurteeda oo todobo ah. Iyada ayaa ah qofka keliya ee ay wax ka sugayaan maaddaaama ay agoon yihiin.

“Nolosheena dadkaan kaamka ku jira lee wax ka helnaa wax kale ma helno. qorshe kale ma hayo ilmo todobo ah ayaa igu xiriira ani lee hooyo u ah ani lee aabe u ah”

Cunno la’aanta waxaa u dheer qiimaha biyaha oo jirigaankii laga siiyo 2,000 Shillin Soomaali oo aysan awoodin. Hoyga ay deganyihiin ayay tilmaantay inuu yahay mid ka sameysan calalo iyo xarko la isu xir xiray. Bacdii aqalka dusha ka saarnayd ayaa hadda ah mid dhamaaneysa oo aan dhibicda ka celi karin maaddaama lagu guda jiro xilli roobaadka deyrta.

“Wixii ka soo helo ayaan ilmaha dabka ugu shidan jiray. hadana  waxaa waaye meeshii ma tagi karo dadaa joogo oo dad dhacow rabaan tooreey iyo mindi ayay wataan, beeso ayay iga dhaceen aniga xitaan nafsad ahaanteyda ayay igu xadgudbi rabeen.”

Haweeneydan ayaa ku tiirsanayd beero ku yaalla deegaanka Jannaale oo ay jibaal  ka soo fali jirtay iyadoona kala soo hoyan jirtay lacag gaareysa $3.5 taasoo 2 waqti oo cunno ah reerkeeda u goyn jirtay.

Ruqiyo ayaa 2019 ka soo barakacday tuulada Busleey-daa’uud markii iska hor imaadyo halkaasi ku dhex mareen Alshabaab iyo ciidamada dowladda. Waxay tilmaamtay in nolosheedii tuulada ay ahayd mid ku tiirsan beer 4 hektar ah oo ay halkaasi ku lahaayeen.

Inta badan dadka ku nool xeryaha nawaaxiga Marka ayaa ku tiirsan lacago bille ah oo ay ka helaan hey’adaha samafalka taasoo  qoyskiiba uu helo 70 doolar balse waxaa jira qoysas badan oo aanan nasiib u yeelan in lacagahaasi ay helaan.

Shaqooyinka xammaaliga ayaa ahaa waxa keliya ee ay u siman yihiin balse iyagiina waxay ka joogtayn la’yihiin tuugo deegaanka ku cusub. 

Cabdi Abuukar Xaashi oo ka mid ah odayaasha xerada Awyaale ayaa sheegay inay dhibbane u noqdeen tuugo aysan awoodin inay wax ka qabtaan.

Ninkan ayaa xusay inuu nolol adag wajahayo qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo sagaal carruur ah oo ay dhaleen. Xaaskiisa oo u shaqo tagi jirtay bacadlayaasha magaalada Marka oo ay dharka u laa-laabi jirtay ayay tuugadu ka hor istaagtay shaqadeeda. Waxay shaqadan kala soo hoyan jirtay saddex doollar.

Wuxuu intaas raaciyay inay qoyskiisa hal waqti dabka ku shitaan madaal gallay ah oo laga soo siiyo beeraha Jannaale oo uu waardiye ka yahay.

Cabdsida waddada ayaa xaaskiisa ku kaliftay inay iska dayso shaqadeedii magaalada marka bartamihii bishii Oktoobar kadib tiro dhow mar ah oo laga qaatay lacago kaash ah oo ay  soo shaqeysatay.

Ninkan ayaa sheegay inay burcaddan ku wargeliyay mamulka degmada Marka balse wuxuu sheegay inaan ilaa iyo hadda wax laga qaban.

“Dad tuugo ah maa markasta la waardiyeyn karaa?  mala waardiyeyn karo. mamulka dhowr mar ayan u sheegnay  way tagaan waala raadiyaa lama arko.”

Dhibaatooyinka dhaca ah ee ay la kulmayaan haweenka barakaca ah ayaa ku sii kordhinaya nolosha adag ee ku haysata xeryaha ay soo miciin biddeen iyaga iyo qoysaskooda.

Previous Post

Dhallinyaro tahriib ka soo laabtay oo nolol cusub iyo ganacsi ka billaabay Baydhabo

Next Post

Jowhar: Rag shaqo xoogsi ah ay ka istaagtay oo ka quustay maaraynta nolosha qoysaskooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Jowhar: Rag shaqo xoogsi ah ay ka istaagtay oo ka quustay maaraynta nolosha qoysaskooda

Jowhar: Rag shaqo xoogsi ah ay ka istaagtay oo ka quustay maaraynta nolosha qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo