(ERGO) – Asmo Shariif Xuseen iyo carruurteeda oo sagaal ah ayaa tan iyo bartamihii bishii hore wajahaya hubanti la’aan cunno, markii tuugo deegaanka ku soo batay ay ka wadi wayday shaqo xoogsi ah.
Haweeneydan waxay ka mid tahay labaatan haween ah oo ku nool xerada Cismaan Quulle, kuwaas oo awoodi waayay inay u xoogsi tagaan beeraha Jannaale iyo magaalada Marka sabab la xiriirta tuugo wadda u galaya marka ay soo hoyanayaan.
Asmo ayaa tilmaamtay in tuugada ay ka furtaan raashin iyo lacag wixii ay soo helaan. Tani waxay saamaysay dabshidashadooda. Waxay hadda noloshoodu ku tiirsan tahay raashin bisil hal waqti ah oo ay isugu daraan qoysaska ay ragga u shaqeeyaan.
“Hal waqti ayaan wax cunnaa. Kaamkaan 6 sano ayaan deganahay, xaaladeena sida aad u jeedo waaye. Biyaha xitaa meeshaan waa la gataa qarashka biyaha xitaa ma heli karo. Aniga wax aan suubinaayo ma leh, kaamka lee hadda wax aan ka sugooyaa wax la haayo ma leh.”
Haweeneydan ayaa sheegtay ragga dhaca ay ku hubaysan yihiin tooray iyo baangado. Waxay intaas raacisay inay dumarka si gaar u beegsadaan marka laga barbar dhigo ragga xeryaha ka shaqo taga.
Asmo ayaa xustay inay xerada ay deggan tahay magaalada iyo beeraha ay ka fogtahahay masaafe dhan 7 km. Waddada ayay sheegtay inay tahay mid soo marta dhul hawd ah isla markaana uusan gaadiid marin oo ay tuugadu ay dhexda u galaan.
“Ani hadda labo mar aa taleefan layga qaatay. lacag oo suuqa aan kala soo laabtay waalayga qaatay labo mar,hadii aad qeylisid cid ku maqleyso majirto.dhulkana dhul howd waaye duur waaye meeha la maraayo oo wadada ah. ani hada hal bil waa dhantahay inta aan suuqa aadin guriga lee fadhiyaa. xaaladeydana waa xuntahay.”
Haweeneydan ayaa maalin dhaaf xaabo u keeni jirtay magaalada Marka. Waxay ka heli jirtay saddex doolar. Waxay sheegtay inay shaqadan oo u ahayd isha keliya ee ay ku tiirsan yihiin inay joojisay markii ay nafteeda u baqday in la dhibaateeyo.
Asmo ayaa sheegtay in tuugada wadada u galaysa ay yihiin kuwo isticmaala maandooriyaal. Waxay tilmaamtay in marar badan ay dhacday inay isku dayeen inay waxyeelo jireed u geystaan, balse ay cagaheeda uga baxsatay.
Haweeneydan oo hadda guri joog ayaa waxaa isugu darsamay nolosha adag ee barakaca iyo shaqo la’aan. Waxay quus ka joogtaa nolosha.
“Tuugada gaar waxay u fiirsadaan dumarka. Nin ma rabaan, naago badan ma rabaan. Saddex iyo labo lee jidka u galayaan wixii aad wadatana way kaa qaadanayaan. Nin walba wixiisa xilliga ay u gadmaan loo soo bixi karaa dad maqrib soo baxaa xitaa iska jira.”
Waxay xustay inay ku fekertay inay haweenka xerada hal mar ay wada shaqo tagaan isla markaana ay isla soo laabtaan balse waxay sheegtay inay suura gal noqon wayday maaddaama ay u kala xoogsi tagaan meelo kala duwan.
Dhibaatada dhaca ayaa wada saamaysay haweenka ku nool xeryaha Buulo-samow, Buulo Maclin iyo Awyaale oo dhamaantood dhaca duleedka Woqooyi magaalada Marka.
Haweenka shaqadooda ka wadi waayay burcadda darteed waxaa ka mid ah Ruqiyo Cali Faarax oo subax weliba u kallihi jirtay beeraha deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ruqiya ayaa hadda carruurteeda oo aysan wax u haynin maalintii la harsata geedka garanwaaga oo ku horyaalla buulka ay ka deggan yihiin xerada barakaca ee Buulo Samow. Waxay sheegtay in aysan muddo bil ah aysan aadin shaqadeedii xoogsiga ahayd cabsi ay ka qabto tuugada keymaha ku jira darteed.
Ruqiya ayaa hadda la daalaa-dhaceysa korinta iyo barbaarinta carruurteeda oo todobo ah. Iyada ayaa ah qofka keliya ee ay wax ka sugayaan maaddaaama ay agoon yihiin.
“Nolosheena dadkaan kaamka ku jira lee wax ka helnaa wax kale ma helno. qorshe kale ma hayo ilmo todobo ah ayaa igu xiriira ani lee hooyo u ah ani lee aabe u ah”
Cunno la’aanta waxaa u dheer qiimaha biyaha oo jirigaankii laga siiyo 2,000 Shillin Soomaali oo aysan awoodin. Hoyga ay deganyihiin ayay tilmaantay inuu yahay mid ka sameysan calalo iyo xarko la isu xir xiray. Bacdii aqalka dusha ka saarnayd ayaa hadda ah mid dhamaaneysa oo aan dhibicda ka celi karin maaddaama lagu guda jiro xilli roobaadka deyrta.
“Wixii ka soo helo ayaan ilmaha dabka ugu shidan jiray. hadana waxaa waaye meeshii ma tagi karo dadaa joogo oo dad dhacow rabaan tooreey iyo mindi ayay wataan, beeso ayay iga dhaceen aniga xitaan nafsad ahaanteyda ayay igu xadgudbi rabeen.”
Haweeneydan ayaa ku tiirsanayd beero ku yaalla deegaanka Jannaale oo ay jibaal ka soo fali jirtay iyadoona kala soo hoyan jirtay lacag gaareysa $3.5 taasoo 2 waqti oo cunno ah reerkeeda u goyn jirtay.
Ruqiyo ayaa 2019 ka soo barakacday tuulada Busleey-daa’uud markii iska hor imaadyo halkaasi ku dhex mareen Alshabaab iyo ciidamada dowladda. Waxay tilmaamtay in nolosheedii tuulada ay ahayd mid ku tiirsan beer 4 hektar ah oo ay halkaasi ku lahaayeen.
Inta badan dadka ku nool xeryaha nawaaxiga Marka ayaa ku tiirsan lacago bille ah oo ay ka helaan hey’adaha samafalka taasoo qoyskiiba uu helo 70 doolar balse waxaa jira qoysas badan oo aanan nasiib u yeelan in lacagahaasi ay helaan.
Shaqooyinka xammaaliga ayaa ahaa waxa keliya ee ay u siman yihiin balse iyagiina waxay ka joogtayn la’yihiin tuugo deegaanka ku cusub.
Cabdi Abuukar Xaashi oo ka mid ah odayaasha xerada Awyaale ayaa sheegay inay dhibbane u noqdeen tuugo aysan awoodin inay wax ka qabtaan.
Ninkan ayaa xusay inuu nolol adag wajahayo qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo sagaal carruur ah oo ay dhaleen. Xaaskiisa oo u shaqo tagi jirtay bacadlayaasha magaalada Marka oo ay dharka u laa-laabi jirtay ayay tuugadu ka hor istaagtay shaqadeeda. Waxay shaqadan kala soo hoyan jirtay saddex doollar.
Wuxuu intaas raaciyay inay qoyskiisa hal waqti dabka ku shitaan madaal gallay ah oo laga soo siiyo beeraha Jannaale oo uu waardiye ka yahay.
Cabdsida waddada ayaa xaaskiisa ku kaliftay inay iska dayso shaqadeedii magaalada marka bartamihii bishii Oktoobar kadib tiro dhow mar ah oo laga qaatay lacago kaash ah oo ay soo shaqeysatay.
Ninkan ayaa sheegay inay burcaddan ku wargeliyay mamulka degmada Marka balse wuxuu sheegay inaan ilaa iyo hadda wax laga qaban.
“Dad tuugo ah maa markasta la waardiyeyn karaa? mala waardiyeyn karo. mamulka dhowr mar ayan u sheegnay way tagaan waala raadiyaa lama arko.”
Dhibaatooyinka dhaca ah ee ay la kulmayaan haweenka barakaca ah ayaa ku sii kordhinaya nolosha adag ee ku haysata xeryaha ay soo miciin biddeen iyaga iyo qoysaskooda.