Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jowhar: Rag shaqo xoogsi ah ay ka istaagtay oo ka quustay maaraynta nolosha qoysaskooda

Jibril Osman by Jibril Osman
January 3, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Rag shaqo xoogsi ah ay ka istaagtay oo ka quustay maaraynta nolosha qoysaskooda

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Xuseen Cabdi Yuusuf waxaa ku adag inay helaan cunto hal waqti ah tan iyo bishii Oktoober ee sanadkan. Waxaa u sabab ah shaqo la’aan ku dhacday, markii laga joojiyay howl maalmeedkiisa oo ahaa soo saaridda jaygu lagu dhiso guryaha.

Wuxuu ka mid yahay 250 qof oo ah dad soo barakacay oo shaqadan ka maareyn jiray noloshooda. Jayga oo ah dhagxaan yaryar ayay ka jabin jireen darbiyada iyo waddooyinka aan laamiga aheyn ee ka dambeeya warshaddi sonkorta ee magaalada Jowhar, halkaas oo ay ku taallo xerada ay deggan yihiin ee jiliyaale.

Maamulka magaalada Jowhar ayaa labo bil ka hor ka mamnuucay danyartan inay halkan u shaqo tagaan, markii dhisme qadiimi ah oo dumay uu ku dhintay hal qof, labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Xuseen oo 38 jir ah ayaa Radio Ergo u sheegay in shaqo la’aantu sababtay in qoysku ay wajahaan cunno yari. Shaxaad iyo qaraabada oo uu wacdo ayuu tilmaamay inay tahay sida kaliya ee hadda ay ku helaan cunto hal waqti ah.

Wuxuu xusay inuusan kalsooni badan ku qabin ku sii tiirsanaanta gacanta dad kale, balse ay ku qasbeyso dhaqaale darrada oo uusan xal u helin.

 “Saddexda waqti aa ciyaalka markaas loo karinayaa. Halka cawo hada hesho ayaa nasiib ah. Haddaan kalmo aan heli laheyn san waa ka sii ficanaan laheyn.”

Xuseen oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa tilmaamay inuu raadiyay shaqooyin xoogsi ah oo uu ku maareeyo nolosha reerka, balse uu waayay. Wuxuu xusay in walaac joogta ah ay ku hayso xaaladda hubanti la’aanta ah ee xalkeedu ku adkaaday.

Sannad iyo bar uu ku nool yahay xerada ayuu sheegay in noloshoodu ku tiirsaneyd $6 illaa $7 oo si maalinle ah uu uga helayay shaqada ka istaagtay oo ay kala shaqeyn jirtay xaaskiisa oo hadda guri joog ah.

Dhaqaale yarida ayuu uga baqayaa inay ka saameyso waxbarashada labo carruur ah oo bishii uu ka dhiibi jiray $12. Iskuulka Horseed oo ay dhigtaan ayuu xusay in mar laga soo ceyriyay, balse maamulka ayaa u ogolaaday inay sii wataan waxbarashadooda, isaguna uu raadiyo lacagta oo wali laga sugayo, waloow aysan caddeyn siduu ku heli doono.

“Dadka baladka jooga qof alle qofkii aan asxaab nahay ayaan dhahaa ilmihii iskulka ayaa laga soo cayriya, waxna mahaysto ax ma heysto.”

Xuseen ayaa tilmaamay in xaaladan ay tahay tii ugu adkeyd ee uu ku wajaho magaalada Jowhar oo uu soo maciin biday sanadkii 2016. Wuxuu ahaa beeraley ku nool deegaanka jiliyaale ee gobolka Shabeellaha dhexe, balse dagaal qabiil oo halkaas ka dhacay ayaa ka soo fogeeyay beer hiktar iyo bar ah oo aheyd isha kaliya dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.

Wuxuu sheegay in dib ugu noqoshada deegaanka uu horay uga quustay qabiilada oo aan wali heshiin darteed. Rajo xumo kale ayay ku beertay shaqo la’aanta oo uu tilmaamay inay dhaxal-siisay noloshii ugu adkeyd ee Jowhar ay ku wajahaan.

Dadka soo barakacay ayaa ah kuwo aan inta badan helin shaqooyin rasmi ah oo leh dammaanad, taasi waa sababta ay ugu soo noqnoqotay inay ka burburaan ilaha dhaqaalaha u ah iyagoo aan badal helin.

Cismaan Cabdi Cali oo ka mid ah dadka ay arintan saameysay ayaa xusay in labo bil oo uu shaqo la’aan yahay ay carruurtiisu noqdeen kuwo muqaal ahaan isbadalay oo lafaha feeruhu wada muuqdaan.

Hal waqti ayuu maalinkii reerku dabka ku shitaa kaalmo yar oo dariskoodu ku caawiyo. Wuxuu xusay inuusan waxba awoodin oo dantu fariisay hoyga ay ka deggan yihiin xerada oo ah aqal cooshad ah.

“Halkii il ee dhagaxa ka waxeysaneynay haddii uu maamulka naga diiday oo shaqo la’aana ay jirto inaan ka hajirno meeshan meel ka roon inaan raadino aan isku dayaynaa.”

Cunno yarida ayuu xusay inay u dheertahay waxbarasho la’aanta labo carruur ah oo laga soo ceyriyay iskuulka ay dhiganayeen, markii uu awoodi waayay lacagta bishii uu ka dhiibi jiray oo ah $15.

Xaaladan ka hor ayuu tilmaamay inuu ahaa qof ku filan maareynta noolasha oo lacag joogta ah ku xisaabtama.

“Jayga aan soo aruurino oo jijibino juhdi galino oo nadiifino waxaa naga soo donaan jiray dadka dhismaha oo guryaha dhisanayo $5 ila $7 midba ayaan siin jirnay. Maamulka ayaaa naga diiday. Wax aan faro ku heyno maleh.”

Cismaan oo 40 jir ah wuxuu beer ku lahaa deegaanka jiliyaale, taas oo uu aaminsan yahay in tacabkeeda uu ku baahi bixi lahaa, balse hadda xal uma noqon karto dhibaatada uu wajahayo, xasilooni darrada halkaas ka jirta awgeed.

Maxamuud Maxamed Cali oo isna ka mid ah danyar dhaqaale darrada wajahaya ayaa tilmaamay in goobta ay u shaqo tagi jireen ee laga mamnuucay ay hadda jayga ka gurtaan gawaari ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay.

Maamulka oo ay ogolaasho ka haystaan ayuu xusay inay u gudbiyeen cabashadooda iyo sida aysan uga maarmin shaqadan, balse jawabta ay ka heleen ayuu sheegay inay noqotay in go’aanku sidii hore yahay oo aan waxba laga badaleyn.

Waxuu intaas ku daray inaan loo faah-faahin sababta iyaga looga joojiyay, dad kalana loogu fasaxay.

Maxamuud oo 44 jir ah ayaa xusay inuu ahaa qofka kaliya ee reerka u shaqeeya, markii taasi meesha ka baxdayna ay wajahayaan cunno yari, ayna u dheertahay waxbarasho la’aanta afar carruur ah oo uu awoodi waayay inuu bixiyo $27 oo ah lacagta ay ku dhiganayeen iskuul hoose iyo dhexe ah.

“Macalimiinti xita waan la hadlay waxayna igu yirahdeen meeshan waxaas lama qoro. Maalintii lacagta aad hesho ayaad ilmahaga keensan karta.”

Toddobo sano ayuu xusay inuu ku tiirsanaa shaqadan xoogsi ah. Halka jawaan ee jayga ah ayuu sheegay in laga siin jiray $4 illaa $5.Maxamuud oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in waxa kaliya ee xerada ay ku haystaan ay tahay biyaha oo bilaash ay ku siiso shirkadda Farjano.

Radio Ergo ayaa xiriir la sameeyay maamulka si arrintan ka dhalatay go’aan kooda ay uga hadlaan, balse jawaab lagama helin.

Xerada jiliyaale oo ku dhextaalla dhulka Warshaddii sonkonta ee magaalada waxaa ku nool ku dhowaad afar boqol oo qoys oo uu maamulku u ogolaada toddobo sano ka hor, xilli ay colaad ka soo barakaceen.

Previous Post

Tuugo sababtay in cabsi darteed haweenka ku jira xeryaha ay shaqo tagi waayaan

Next Post

Baydhabo: Nolol xumo ka dhalatay suuq la’aan ku dhacday ragga burjikooyinka sameeya

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Baydhabo: Nolol xumo ka dhalatay suuq la’aan ku dhacday ragga burjikooyinka sameeya

Baydhabo: Nolol xumo ka dhalatay suuq la'aan ku dhacday ragga burjikooyinka sameeya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo