Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ceerigaabo: Dadka qaba baahiyaha aragga iyo dhagaha oo ka cabanaya waxbarasho la’aan

Jibril Osman by Jibril Osman
May 17, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ceerigaabo: Dadka qaba baahiyaha aragga iyo dhagaha oo ka cabanaya waxbarasho la’aan

Arday aragga naafo ka ah/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo konton qof oo naafo ka ah indhaha iyo dhagaha ayaa xaalad waxbarasho la’aan ku wajahaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo uusan ka jirin iskuul si gaar ah wax loogu baro dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Cabdullaahi Cabdi Nuur oo 28 jir ah wuxuu naafo ka yahay indhaha muddo 11 sano ah. Wuxuu dedaal ugu jiraa sidii uu u heli lahaa iskuul ku habboon dadka aragga naafada ka ah. Si uu heer uga gaaro waxbarashada.

Sanadkii 2013 ayuu dhameeyay iskuul hoose iyo dhexe ah, balse uma suurto galin in uu sii wato hayaankiisa waxbarasho. Waxaa ku dhacay xanuun ka asiibay indhaha, kaas oo ugu danbeyn galaaftay araggiisa.

Wuxuu sheegay in uu niyad jab ka qaaday waxbarasho la’aanta haysa. Labadii sano ee la soo dhaafay wuxuu sameeyay lix jeer oo iskuday ah. Si uu wax u la barto dadka lixaad kooda qaba, balse wuu ku guul-darraystay.

“Qofka aragga la’ markii uu haysto waxyaabihii ama tasiilaadkii fududaynayay waxbrashadiisa ayuu waxbarashada tagi karaa. Meello gaar ah oo naafada loogu talo galay oo aan jirin. Waa caqabad intii aan kamid ahaa dadka aragga naafatada ka ah isoo wajahay.”

Wuxuu tilmaamay in uu noqday guri-joog ay sii-wiiq-mayaan hammigiisa waxbarasho iyo hadafkiisa mustaqbal. Wuxuu jeclaan lahaa in laga furo Ceerigaabo iskuul u gaar ah dadka baahiyaha aragga qaba, isla markaana leh qalab ay wax ku baran karaan.

Wuxuu xusay in iskuulka ugu dhow ee dadka lamid ka ah wax lagu baro uu ku yaallo Burco oo magaalada Ceerigaabo u jirta 360 km. Ninkan oo la nool hooyadiisa duruufta dhaqaale uma saamixin in uu ku biiro iskuulkaas.

“Tan ugu muhiimsan waxa weeye oo aan deegaanno kale waxbarasho ugu doonan waayay qoyska ayaa danyar ah dhaqaale aan meello kale ku tagi karo oo aan jirin ayaa sababta ugu wayn ah. Haddii aan heli lahaa cid aan saacidaad ka helo waxaan fili lahaa in aan ka soo bixi lahaa kaalintaydii oo aan si fiican wax u baran lahaa, isla markaana ilaa heerkii aan noqoto aan gaari lahaa.”

Cabdullaahi wuxuu ka mid yahay qoys sagaal qof ka kooban oo nolol-maalmeedka ay u soo dhiciso hooyadiis. Waxay ka shaqaysaa suuqa Ceerigaabo, halkaas oo ay ku iibiso khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Wuxuu sheegay in dhaqaale yarida haysa qoyskiisa ay sidoo kale ka hortaagan tahay baartitaan caafimaad oo uu ku oggaan lahaa rajada ah in dib araggiisa uu u soo laaban karo haddii uu hello qaliin iyo daawayn, taas oo wali aan loo sameyn.

Farxiya Daahir Jaamac waxay ka mid tahay waalidiinta ka walaacsan waxbarasho la’aanta ku dhacday carruurtooda baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo aan haysan iskuul wax lagu baro. Waa hooyada gabar 17 jir ah oo maqal naafo ka ah, taas oo lagu magacaabo Xaliimo Axmed Cabdi.

Billowgii sanadkii 2018 ayay ku dartay iskuulka Daallo oo ay dhigtaan carruurta lixaadkoodu dhan yahay. Waxaa se ay ka saartay hal sano kaddib, markii ay la qabsan waysay. Waxaa ku adkaaday fahamka casharrada, ka jawaabidda su’aalaha tooska ah iyo layliyada loo diro ardayda.

“Waxaan ka bixin jirnay lacago siyaado ah. Guriga dhexdiisa ayaan ku taageeri jirnay oo ku caawin jirnay habeenkii. Dad baa diyaar u ahaa in ay wax fahamsiiyaan. Waxay jeceshahay iyada oo hobigeeda ah in dadkaasi laxaadkoodu dhanyahay ay la jaanqaado. Waa qof firfircoon oo soo jeeda oo ku xisaabtamaysa inay nolosheeda wax ka beddesho, markaa waxaan jeclaan lahayn in ololeeyo dadkan baahiyaha gaarka ah leh ama aragga ha la’aadeen ama maqalka naafo ha ka ahaadeen ama jir ahaan naafo ha u ahaadeen in loo helo iskuullo u gaar ah.”

Haweenaydan waxaa ay ku fikiraysaa in maalin uun ay gabadheedu waxbarashada dadka maqalka naafada ka ah ku hesho Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Si himiladeeda ay u rumeyso.

Farxiyo oo nolol-maalmeedka u soo dhicisa 8 carruur ah uma qorshaysna in gabadheeda ay u dirto meel ka baxsan Ceerigaabo, halkaas oo ay ka heli karto iskuul ay wax ku barato. Waxay sheegtay in aysan haysan qof xannaaneeya iyaduna aysan carruurta kale cidlayn karin.

“Mar aad gobolka ka kaxayso oo aad geyso gobolka kale oo aanu aqoon aad gayso way ka sii dhib badan tahay oo ka caqabad badantahay, ama waa inuu qofkii nolosha ka dhaco oo halkiisa aad u dayso ama waa inaad dad u adeega oo wakhtigu aanu kuu saamaaxayn u geyso. Marka waxaan ku boorinaynaa dowlada iyo masuuliyiinta gobolka dhamaantood in ay u ololeeyaan dadkan naafada ah.”

Waxay sheegtay Farxiyo in waxbarasho la’aanta haysa Xaliimo ay ka dhigtay guri-joog ka murugaysan fursadda la’aanta waxbarasho ee ka jirta deegaankeeda. Inkastoo aysan ka niyad jabin in ay rumeyso riyadeeda.

Magaalada Ceerigaabo waxaa ku nool macalimiin takhasus u leh waxbaridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba gaar ahaan kuwa maqalka iyo aragga naafada ka ah. Macalimiintaas waxaa ka mid ah Cismaan Cali Xasan

Inkastoo hadda uusan waxbarin dadka naafada ah, haddana wuxuu macalin ka yahay iskuul hoose, dhexe iyo sare oo ku yaalla magaalada Ceerigaabo, kaas oo carruurta caadiga ah wax lagu baro.

Wuxuu sheegay in dib u dhac wayn ay ku tahay magaalada in laga waayo goob wax lagu baro naafada. Wuxuu Raadiyow Ergo u sharraxay caqabada hortaagan in la helo iskuul u gaar ah dadkan.

“Caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba dhinaca waxbarashada way faro badan yihiin. Waxaa kow ah fahan daro ka haysta dadka ay ku dhex nool yihiin oo aan fahan sanayn haddii dadkan wax labaro in noloshooda meel ka soo bixi karto. Sidoo kale waxaa haysta caqabado dhinaca waxbarashada ah. Malahan goobo waxbarasho oo dadkan ay ku soo bandhigaan hibooyinkooda iyo mid noloshooda ay uga qayb qaadanayaan.”

Dadka qaba baaiyaha gaarka ah ee ku nool Ceerigaabo waxay caqabaddan la wadaagaan kumanaan naafo ah oo ku nool deegaannada Soomaalida, kuwaas duruufta u saamixin in ay helaan iskuullo ay wax ku bartaan ama dhaqaale ay ku tagaan.

Previous Post

Muqdisho: Dhaqaale burbur ku dhacay ganacsato danyar ah oo si xeeladdaysan loogu dhacay suuqa online-ka

Next Post

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo