Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha

Jibril Osman by Jibril Osman
May 14, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha

Maxamed Khayr oo dhinaca midig xiga wuxuu ku howlan yahay isaga iyo koox la shaqaysa iibinta ariga/ Cabdullaahi Shariif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nolosha qoyska Maxamed Maxamuud Mukhtaar oo ka kooban 12 qof ayaa isbeddeshay markii uu faa’iido ka helay ganacsi isaga iyo 29 dhallinyaro ah ay billaabeen bishii Siteembar ee sanadkii hore.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa sheegay inay qiimo yar ku soo iibsadaan ariga wayda ah ee la keeno sayladda Baydhabo. Baxnaanin iyo daryeel dheeraad ah ayay siiyaan, taas oo horseedda inay suuqa uga helaan qiimo sare bilooyin kaddib, waxaa ka iibsada xoolo dhaqato iyo dadka ariga hilibkiisa ka ganacsada.

Dhallinyarada ayaa jaamacado dhameeyay intiii u dhaxaysay 2020-2022, balse waxaa ku adkaatay inay shaqo ku helaan taqasusyadii ay sanadaha aroor walba u kallihi jireen.

Maxamed ayaa sheegay inuu kobac samaynayo ganacsigooda marba marka ka danbaysa. Bishii labaad ee sanadkan ayay soo iibsadeen shan halaal oo irmaan ah, kuwaas oo ay caanahooda suuq geeyaan.

“Maalintii $7 ayuu adeegooda noqdaa intaas ayuu hadda biil kooda ku baxa. Hadda noloshooda isbeddel fiican ayaan ku socda.”

Ariga iyo geela waxay ku hayaan beer ku taalla duleedka Baydhabo. Beertan ayuu sheegay inay markii hore kiraysteen balse ay ka iibsadeen faa’iidadii ay ka heleen bilihii ugu horreeyay ganacsigooda.

Ninkan ayaa tilmaamay inay daqliga soo gala 70% qaybsadaan, halkan inta kale ay u dhigaan socod-siinta shaqada. Maxamed ayaa sheegay inuu bille u qaato 180 doollar oo mushaar ah. Lacagtaas ayuu ka maareeyaan qoyskiisa oo ah danyar.

Maxamed ayaa sheegay inuu shaqadan uga faa’iidaysay waxbaridda toddobo carruurtiisa ah, kuwaas oo dhigta iskuulka Mustafa Sheekh. Wuxuu ka diiwaan geliyay bishii koowaad ee sanadkan fasalada labaad, iyo saddexaad ee dugsiga hoose. Wuxuu bille uga bixiyaa 35 doollar.

Nolosha qoyska Maxamed ayaa ku tiirsanayd ka hor inta uusan shaqadan helin shaxaad uu waydiisto dadka oo uu xusay inay dhibsan jireen balse danta ay ku qasbi jirtay inuu u gacan hoorsado.  Ganacsigan isaga iyo kooxdiisa ay ku dhiiradeen ayaa Maxamed ka baajisay safar tahriib ah oo uu doonayay inuu ku tago dalalka Khaliifka markii masuuliyada qoyskiisa ay ku adkaatay.

Wuxuu tilmaamay inay hadda maskaxdiisa ka baxday inuu nolol u raadsado dal shikeeye, markii deegaankiisa uu ku helay shaqo uu ka soo saaran karo biilka reerka. Maxamed oo si maalinle ah ugu shaqo taga beerta wuxuu qaabilsan yahay xanaaneynta ariga.

“Shaqada aan qabto waxaa weeye xoolaha, markii suuqa laga soo iibiyo oo xerada la keeno qofka qaabilsan waa ani. Xoolahaas sharoobo ayaan siiyaa.  Naaxin ayaan siiyaa. Biyo waraabkooda ayaan sameeyaa oo u nadiifiyaa. Galabtii ayaa la waraabinaa, subixii ayaa sidoo kale la waraabiyaa. Badar ayaan usoo shiidaa. Maankaal ayaa loo soo iibiyaa. Raashin kooda intaas ayuu ka kooban yahay. Neefkii mar dhow la keenay muddo toddobaad ah ayaa meel gooni ah lagu xareeyaa oo raashin lagu siiyaa ilaa si fiican ula qabsanayo.”

Wuxuu sheegay inuu shaqadan fursad ka dhex arkay, markii uu qaatay tababarro la xiriira naaxinta xoolaha ay abaaruhu saameeyeen. Maxamed ayaa xusay inuu hamigiisu yahay inuu gato boos si uu uga maarmo guri kiro ah oo bishii uu ku bixiyo $120.

Dhallinyaradan mashuurac ku bahoobay ayaa howsha waxay ku billaabeen lacag ay mid mid isugu  qoreen. Maxamed Kheyr Maxamuud guddoomiyaha dhallinyarada la baxay Wadajir ayaa sheegay inay ganacsigan ku dhiirradeen markii ay shaqo kale waayeen.

Maxamed ayaa sheegay inay saluugsanaayeen shaqadan balse hadda lix bilood kaddib aasaaskoodii ay ka helaan dhaqaale noloshooda iyo midda qoysaskooda kor u qaadday. Wuxuu xusay inay ariga marka hore ku soo iibsadaan qiimo u dhaxeeya 20 ilaa 30 doollar, isla markaana ay dib ugu gadaan 50-80 doollar.

Wuxuu intaas raaciyay inay durba iyagoo shaqada wada saddex bilood ay heleen faa’iido gaaraysa $4000. Maxamed Kheyr ayaa ka hadlaya waxaa ku dhaliyay inay ku fikiraan hal abuurkan ganacsi ee ay deegaanka ka fuliyeen.

‘’Shaqo abuur wax la yiraahdo ma jirin. Wada tashi aan samaynay waxaa nooga soo baxdey inan iskaashato aan aasaasno. Iskaashatadaas oo qaabilsan xoolaha iyo beer. Sidaas darteed, waxaAn ku billownay lacag kun doolar ah.”

Wuxuu sheegay in shaqadan ay ka caawisay inuu cunno saddex waqti ah u helo qoyskiisa iyo inuu waxbarasho geeyo siddeed ka mid ah carruurtiisa. Maxamed Kheyr ayaa tilmaamay inay hal abuurkooda kaga kaaftoomeen inay shaqo raadiyaan.

Ninkan ayaa sheegay in ganacsidooda uu wax ku soo kordhiyay bulshada deegaanka marka laga tago dheefta ay iyagu ku qabaan.

“Magaalada ayaaba nagu xisaabtanta, qof walba taleefoon ayuu noo soo diraa, waxay na weydiiyaan ariga ma idin waynaaday, wax nafaqeysaan ma jiraan.”

Maxamed ayaa ka qalin-jabiyay Jaamacadda Koonfurta Soomaali kulliyadda beeraha sanadkii 2022, balse waxa shaqo ah kuma helay aqoontii uu bartay. Wuxuu sheegay inuu xafiis kala duwan iyo shaqooyin la soo xayaysiiyay inuu u tartamay balse loo sheegay in la qaaday dadka kale oo uu ka mudnaa.

Aadan Cali Aadan 33 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka hal abuurkan ganacsi isku kaashaday. Wuxuu shaqadan ka biilaa lix carruur  ah iyo xaaskiisa. Wuxuu bishii mushaar uga helaan 200 doollar. Shaqadan waxay u noqoday il dhaqaale oo beddeshay nolosha qoyskiisa tan iyo markii uu billaabay Diseembar 2023.

Aadan ayaa waxbarasho ka bixiyaa shan ka mid ah carruurtiisa oo u bille uga bixiyo 30 dollar. Ninkan iyo qoyskiisa oo horay u deggan labo qol oo jiingad ah ayaa  hadda 110 doollar ku deggan guri u gaar oo ka kooban saddex qol.  Wuxuu si kooban u sawirayaa noloshii ay ku sugnaayeen qoyskiisa shaqadan ka hor iyo hadda waxa ku soo kordhay.

“Dad daruufeysan ayaa la iska ahaa markii hore. Shaqadan wax badan ayaa ka faa’iiday. Dhinaca nolosha aad iyo aad wax ani hadda aan soo koobi karo ma ahan.”

 Ninkan ayaa qaabilsan soo iibinta xoolaha la xannaaneeyo. Labadii toddobaadba mar ayuu tagaa saylada si uu u soo iibiyo ariga jaban. Inta shaqadan uusan billaabin qoyskiisa waxa ay la noolaayeen hooyadii iyo aabbihii balse hadda waxay noqdeen qoys gaar dabkooda u shita.

Dhallinyaradan oo sanadkan ka hor quus ka taagnaa dhanka shaqo helidda ayaa dedaal ay sameeyeen kaddib, waxaa u dhabowday riyo ay lahaayeen oo ahayd inay ka baxaan shaqo la’aanta ku qasbaysay inay cid kale ku tiirsanaadaan. Waxay tiigsanayaan inay ganacsigooda ballaariyaan.

Previous Post

Garowe: Haweeney qarax uu naafeeyay oo lagu caawiyay guri iyo gaari waxtaray qoyskeeda

Next Post

Muqdisho: Dhaqaale burbur ku dhacay ganacsato danyar ah oo si xeeladdaysan loogu dhacay suuqa online-ka

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Dhaqaale burbur ku dhacay ganacsato danyar ah oo si xeeladdaysan loogu dhacay suuqa online-ka

Muqdisho: Dhaqaale burbur ku dhacay ganacsato danyar ah oo si xeeladdaysan loogu dhacay suuqa online-ka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo