(ERGO) – Aamino Axmed Aadan iyo carruurteeda oo lix ah waxay hoy la’aan biyo yari iyo cunno yari ku wajahayaan meel taag ah oo duleedka ka ah deegaanka Kulub ee gobolka Mudug.
Waxay ka mid yihiin 226 qoys oo ka barakacay deegaanada markii bacad ku habsaday goryahoodii. Waxay u lugeeyeen duurka iyaga oo gabaadsaday geedaha. Aamino iyo carruurteeda waxaa hoy la’aanta u dheer cunno yari.
Waxaa bacaadku ka aasay guri labo qol ah oo shan sano ka hor ay u dhistay Hay’adda Care. Bacaadka oo is tartiib tartiib ah u koray ayaa sababay in dhamaan uu qariyo. Waxay hadda carruurta ku haysaa geed aan hoos fiican lahayn, tan iyo bishii Noofeebar ee sanadkii hore.
“Dad iska danyar ah ayaan nahay meel aan aadnana ma naqaan, haddaan u guuri lahaa Garacad oo kale. Guri ma kiraysan karno oo ma aadi karno. Walaal nolol iska silac ah ayaan ku nool nahay.”
Qoyska Aamino waxay ku tiirsan yihiin kiish masaggo ah oo bilshii hore ay siisay Hay’adda Bisha-cas. Carruurta yaryar oo aan cuni karin raashinka diirka leh ayay ku qasbanaatay in ay u soo dawarsato dadka ay wada barakaceen ee iyada dhaama. Siddeed saac oo ka mid ah maalintii ayay ku qaadataa in ay hesho wax ay hal mar dabka u saarto.
Waxaa meesha ka baxday shaqadii badda oo ay ka heli jireen nololmaalmeedkooda. Wiil carruurta u wayn oo reerka u shaqayn jiray ayaa hadda ah baagamuudo tan iyo bishii hore. Waxaa saameeyay maraakiib jariif ah oo badda ka saaray dhamaan kalluumaysatada deegaanka.
“Maaddaama aan badda ag degganany badda ayaan ku tiirsanayn baddiina raggii waa ku kacday oo hadda waxba kama keenaan. Maraakiib ayaa badda dhan habeenkii waxaa mooddaa in ay tahay magaalo layrar ayay soo shidanayaan maraakiib shisheeye.”
Waxaa sidoo kale ku adag helidda biyaha oo waxaa bacaadku duugay ceel gacmeed deegaanka laga cabijiray. Waxaa hadda deeganka la keenaa biyo laga soo qaado magaalada Garacad oo u jirta 15 km. Waddada oo bacaad aan gaadiidku mari karin ah darteed waxaa halkii fuusto lagu iibiyaa $7.
Waxaa lagu yeeshay lacag gaaraysa $150 oo dayn ah. Waxaa lagu wargaliyay in haddii aysan bixin lacagta lagu leeyahay ay daynta ka joogin doonaan dhamaadka bishan. Haweenaydan waxay walwalka ugu badan ka qabtaa dhanka biyaha.
“Biyaha aad iyo aad ayaan ugu dhibanahay ceel Ilo la yiraah oo badda agteeda ah ayaan ka dhaansan jirnay ceelkii xitaa waa dumay. Sanadkaan Ilaahay wuxuu noo qoray wayn mayno. Laakiin rajada biyaha aad ayay u gaabantahay.”
Bacadka ku habsaday deegaanka Kulub ayaa wada saameeyay dhamaan dadka deegaanka ku noolaa. Cabdulqaadir Xasan Yuusuf oo qoyskiisu ka koobanyahay toddobo qof muddo laba bilood ah waxay bannaan yaal u yihiin qabowga habeenkii iyo cadceedda maalintii.
Wuxuu ka barakacay 20 Nofeebar guri saddex qol ka koobnaa markii uu macaadku ka fariistay. Wuxuu qoyskiisu hadda ku sugan yihiin duleedka deegaanka oo ay ku haysato hoy la’aan. Dhulka oo ah bannaan aan geedo fiican lahayn darteed waxuu sheegay in ay ku dhacayso dabayl ay kala kulmaan dhibaato aad u wayn.
“Waxay noo saameysay qabow iyo dabayl waad garanaysaa dad hoygii ka xabaalmay hooy kalana aan diyaarsan karfin dhibaatada ay leedahay waxaa kamid dhaxan, ciid joogto ah iyo dayac badan tabar aan hooy kale ku dhistana malaha.”
Cabdulqaadir oo ka mid ah kalluumaysatada ku shaqo waayay jariifka wuxuu sheegay in uu san awoodin in ay reerkiisu aay helaan cunto ku filann. Waxay hadda hal mar oo ah habeenkii ay karsadaan raashin lix kiilo ah oo bariis ah kaas oo uu ku iibsaday $70 oo ay siisay Hay’adda Bisha-Cas.
Wuxuu ka welwelsan yahay sida uu noqon karo xaalkooda haddii uu ka dhamaado inyar oo hadda uga dhaqan. Wuxuu sheegay in ay xirmeen dhamaan meheradihii uu yaqanay ee deegaanka sidoo kalana uusan imaan karin wax gaadiid ah oo raashin keenaya.
Waxaa sidoo kale ka dhamaaday biyo 7 fuusto ahaa oo uu la shubtay qoysas ay daris yihiin. Lacagtii biyahaas oo ahayd $50 oo weli lagu leeyahay darteed wuxuu xusay in ay booyadii biyaha keeni jirtay ay u diiday in ay biya kale daymiso. Biyo la’aantaas ayaa hadda ah dhibaatada ugu daran ee ay wajahayaan reerkiisu.
“Ilmahiiyoo ooman markuu ku yiraahdo boqol doolar baan ku geynayaa boqolkaasna aanan awoodin oo haddaan labaatan bari dib u sii oomanaado aan helayn wax iga baxsha dhibaatda kowaad oo aan ku qabo ay tahay inaana awoodin taas ayaa marka danbe igu qasbaysa inaan meelo kale u doonto.”
Qabdulqaadir wuxuu qorshaynayaa in haddii xaalku sidaan sii ahaado uu dhamaadka bishaan ula guuro reerkiisa magaalada Garacad oo ah meesha ugu dhow oo uu aaminsan yahay in uu ka heli karo shaqo xoogsi ah si uu nololshooda u maareeyo.
Ma ahan qoyska ninkan oo kali ah ee dhamaan dadka deegaanka ayaa qarka u saaran in ay iskaga tagaan sida uu Radio Ergo u sheegay guddoomiyaha deegaanka Kulub Maxamuud Jaamac Faarax. Wuxuu xusay in carro guurku uu xiray xarumihii danta guud sida isbitaalkii iyo iskuulkii, taas oo meesha ka saartay dhamaan adeegyadii bulshada.
Wuxuu sheegay in ay dhawr jeer isku dayeen in xaaladda deegaanka ay la wadaagaan hay’adaha samafalka iyo maamulka Puntland balse, aysan helin wax jawaab ah. Wuxuu intaas raaciyay in haddii ay dadkan aysan helin cid garab istaagta ay wajihi karaan xaalad nololeed oo halis ah.
Waxa sababa bacaadka ayuu sheegay in ay ahaayeen abaarihii dalka soo maray oo xaalufiyay dhirtii dugsiga u ahayd bacaadka.
“Magaaladaan abaaro badan bay soo martay abaarahaas waxay sababeen in dhirtii iyo nabaadkii dhulka ku yiilay ay go’aan kadib uu bacaadku kaco geedgeedba say u goynaysay wey xalufiyeen magaaladaan waxaa loogu noolyahay haraad, isbitaal la’aan baa loogu noolyahay arimaha bulshada waxay ka haysato maleh cid ogna ma jirto.”
Saamaynta carra guurkan ayaa ah markii labaad ee dadka ku lool kulub ay ka guurayaan guryahooda. Waxay horay shan sano ka hor uga guureem meeshii hore oo magaalada laga dhisay, waxay markaas dageen meel taag ah oo ay u arkayeen in ay tahay meel aan bacaadku degayn balse iyadiina ugu danbayn aasantay.