(ERGO) – Cumar Xasan Yuusuf wuxuu ku sugan yahay gurigiisa oo ay biyaha daadka fadhiyaan, kaasi oo ku yaala xerada Tawakal ee xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. Labadii isbuuc ee la soo dhaafey ayuu sheegay inuu xaaladaan ku noolaa haddana uusan weli xal hayn. Ninkan oo barakac ku ah xeradan toddobo sano ayaa xusay inuu isaga nagaadey gurigiisa markii uu garan waayay meel uu carruurta la aado.
Cumar oo ah aabbaha lix carruur ah oo midka ugu yari uu jiro labo sano ayaa nolol maalmeedka qoyskiisa uga soo saari jiray gaari gacan uu alaabta ugu qaado dadka ku nool xaafadda Siigaale. Halkii mar uu xamaalo alaabta ayuu heli jiray 10 kun oo shillin Soomaali ah ($0.5). Hasee ahaatee, tan iyo shantii bisha Nofeembar ee sanadkan wuxuu noqday guri joog, si uu carruurta uga ilaaliyo inay biyaha warta Siigaale ay ka qaadaan.
Xaaskiisa ayuu tilmaamay in labada lugood ay naafo ka tahay oo aysan awoodin inay carruurta celiso. Roobka ka hor waxaa ilaalinta carruurta ka caawin jiray qoysaska deriska la ah, kuwaasi oo hadda daadka ka barakacay.
“Hal waqti ayaan ciriiri ku helnaa, habeenkii oo keliyah ayaan helnaa. Saakay hal koob oo shaah ah haddii aan cabo wax dambe ma jiraan. Haddii wax kale la helo ilmaha ayaa loo hambeeyaa.”
Cumar wuxuu ka mid yahay 70 qoys oo ku soo haray xeryaha ku yaala xaafadda Siigaale. Guriga uu qoyskiisa kula noolyahay ayaa ka sameeysan alwaax iyo gasacadaha caanaha ka dhamaadeen. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu la socdo ammarka maamulka gobolka Banaadir ee ah in laga guuro xerada uu wali deggan yahay, maaddaama ay ku taalo dhul joogiisa hooseeyo.
Inkastoo uu dareensanyahay khatarta ay leedahay ku sii sugnaashaha gurigiisa, haddana wuxuu sheegay inuu ka door biday inuu u guuro bannaan cidlo ah.
“Inta waxaa uga guuri waayay nolosheyda ayaa ku jirta, sababtoo ah suuqaasi hadba meel ayaan iska tagaa. Haddii aan wax soo waayo, waxaan ku soo laabtaa dadka deriska ah ee aan barakaca ahayn oo aan dhaho ilmaha ayaa iga baahan, ilmaha ayay noo caawinayaan. Marka haddii aan ka guurno yaa noo maqan, anaga cidna nooma maqnaa ceelna nooma qodna.”
Cumar oo 2017 ka soo barakacay dagaal ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tilmaamay in roobkan uu yahay midkii ugu adkaa ee soo mara sanadyadii la soo dhaafay. Musqilihii ayuu xusay inay ku darsameen biyaha daadka. Wuxuu sheegay in hadda ay ka cabsi qabaan in cuduro ay dillaacaan.
Noloshiisa iyo tan dadka xerada kula nool ayuu tilmaamay inay halis ku jirto, haddii uu roobka sidaan ku sii socdo.
“Hadda xilliggaan gurigeyga biyaha waa ku jiraan. Rafashadii aan bilaabay saaka si aan biyaha u dhuro hadda ayaan ka soo baxay, waad ii jeeddaa in aan macawis iyo funaanad xiranahay. Dhib ayaa na heysta, roobabka saameyn ayay nagu yeesheen xataa go’doon ayay na galiyeen, biyo ayaa nagu wareegsan.”
Afar boqol oo qoys oo ku noolaa xeryaha xaafadda Siigaale ayaa ka guuray guryahooda, markii ay maqleen digniinta uu maamulka soo saarey. Waxaa ka caawiyay guurista urur dhallinyaro ah oo is-xilqaamay, kuwaasi oo si bilaash ah u soo raraayay qoysaska barakaca ah iyo alaabtooda. Qaar ka mid ah qoysaskii guuray ayaa xeryihii ay aadeen ku wajahaya hoy xumo.
Madiino Diiriye Xasan oo ah hooyada afar carruur oo agoon ah, waxay ka guurtay xerada Alle-Aamin ee degmada Hodan. Waxay ka mid ahayd qoysas ka baxay guryahooda dhammaadkii bisha Oktoobar, markii ay maqleen digniinta dowladda.
Waxay hadda nolol adag ku wajahaysaa xerada Danyar ee degmada Dayniile, halkaasi oo aysan ku haysan biyo iyo hoy.
Madiino ayaa xustay in roobkii da’ay maalmihii la soo dhaafay uu ku dhammaaday korkooda. Waxay tilmaantay in qoys kale oo barakac ku ah xerada Danyar ay kula talliyeen inay soo guurto, maaddaama ay ku soo fatahi karto Warta Siigaale.
Hasee yeeshee, qoyskii ay dulsaarka ku ahayd ayaa waxaa sidoo kale saameeyay roobka. Guri cooshaad ah oo laga sameeyay baco iyo maryo dhamaad ah oo ulo lagu xiray iyo agabkii dhex yaalay ayaa waxaa ka qaaday daadka.
“Wax aan hoy heysano ma leh, ilmihii dhaxan meesha waa ku dishay, rafaad, gaajo, meel aan inta ka dhoweyn oo taag ah ayaan biyaha ka keensannaa. Habeenkii, banaanka ayaan iska seexannaa, gurigii dhammaa wuu soo daatay, bac nooma saarnaa, laamayeeri nooma saarnaa. Wax waliba oo aad isku daydo in aad soo iibsatana waa lacag.”
Madiino ayaa xustay inay hadda ku tiirsanyihiin raashin hal waqti ah oo ay ku caawiyaan haween deegaan ku ah degmada oo go’aansaday in subaxii ay quraac u sameeyaan dadka barakaca ah.
Seygeeda ayay tilmaantay inuu ku geeriyooday qarax miino ah oo ka dhacay degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose 2020. Qoyskeeda waxay daadka ka hor ka maareeyn jirtay shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka soo qabanaysay xaafadaha degmada Hodan. Shaqadii ayaa hadda meesha ka baxday.
“Welwel iyo wel bahaar ayaa na haysta. Haddii uu roob yimaado meel aan ka galno ma heysanno, dharkii meel aad gashato ma lahan – jawaanno ayaan ku ridan jirnay, iyagii waa qoyeen oo waa ku waan aad u jeedo. Roobka hadduu sidaan kusii socdu waa uu na dilayaa.”
Madiino ayaa sanadkii 2021 ka soo barakacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, markii ay fatahadda webiga Shabelle ku waysay dukaan ay halkaa ku lahayd.
Guddoomiyaha xeryaha dadka soo barakacay ee xaafadda Siigaale, Siidow Nuur ayaa sheegay in mar waliba oo roob xooggan ka da’o Muqdisho uu saameeyo dadka halkaa ku nool. Wuxuu xusay in biyaha ka soo gaddooma degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Waabari ay fariistaan Warta Siigaale oo ah meel hoy u ah ku dhawaad kun qoys oo soo barakacay.
Wuxuu tilmaamay in biyaha daadka uu saameeyay 26 xero oo ku yaala xaafadda Siigaale. Dadkii ku noolaa xeryahan ayuu sheegay inay qaar ay dhul taag ah u guureen. Lix boqol oo qof ayuu tilmaamay inay ku hareen xeryaha oo ay hadda ku jiraan guryahooda oo ay dhex jiifaan biyaha daadka