Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Gedo: Afar boqol iyo siddeedan kun oo qoys oo ay saameeysay fatahaadda oo hoy la’aan iyo cunno yari wajahaya

Radio Ergo by Radio Ergo
December 2, 2023
in Cunto-Yaraanta, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Afar boqol iyo siddeedan kun oo qoys oo ay saameeysay fatahaadda oo hoy la’aan iyo cunno yari wajahaya

Dad ka gudbaya waddooyinka biyuhu fariisteen ee Doolow/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Cali oo ah hooyada labo iyo toba carruur oo agoomo ah waxay bannaan yaal u tahay roobka deyrta. Hoygeeda oo ku yaalay xaafadda Garboolow ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dumiyay fatahaad ka dhashay webiyada Daawo iyo Jubba ee mara gobolka.

Alaabtii iyo raashinkii guriga u yaalay ayay xustay inay fatahaadda la tageen. Waxay hadda u barakaceen dhul taag ah oo bannaan, kaasi oo aysan ku haysan guri ay ka galaan dhibicda roobka.

“Daawo mahaysanno, cunto mahaysanno, gogol mahaysanno, sufriyo mahaysanno. Weelkoo cidaha aan ka soo qaadannay ayaan ku kululeesannaa, marka aan wax helno. Labo iyo toban saac oo aan wax la’aan ahayn, hadda ayaa meelahan kistoo laga helay oo la karsaday. Wax la karsanayo oo kale malahan bari,” ayay tiri.

Haweeneydan waxay ka mid tahay 480,000 oo qoys oo ku nool degmooyinka Luuq, Doolow, Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ay saameeysay fatahaadda labada webi.

Xaliimo ayaa tilmaantay in fatahaadda ka hor, ay qoyskeeda ka maareeyn jirtay miis yar oo ay khudaar u saarnayd. Maalinkii ayay xustay inay ka heli jirtay khudaarta $2-$3 oo faa’ido ah. Tan iyo intii uu webiga ku soo fatahay waxay sheegtay in nolosha ay ku adkaatay. Khudaar ay qiimo ahaan ku qiyaastay $150 ayay sheegtay inay biyaha ka qaadeen.

“Hunguri haddii caloosha cunin maxaa lagu noolaanayaa. Kan caawa wax ma leh ma kasaa? Hooyo ayuu leeyahay gadaasheyda ayuu soo galaa, waxna uma haayi. Shalay waan baxay magaalada ayaan aadaa ayaan dhahay si aan dadka wax uga soo dawarsado. Wabiga ayaa i qaaday oo buundada gadaasheeda ayaa la iga soo qabtay. Kabihii aan watay biyaha ayaa qaaday,” ayay tiri.

Xaliimo ayaa xustay inay dareemayso in la hilmaamay dhibka ay ku jiraan. Waxay codsatay in gargaar degdeg ah lala soo gaaro.

Qoysaska qaar ee ay fatahaadda saameeysay ayaa go’doon ku ah dhul aan taag ahayn.

Xaawo Xasan Cabdi waxay ka barakacday xaafadda Buulo-musley ee degmada Luuq oo ay fatahaadda quustay guryihii ku yaalay. Waxaa hadda hoy u ah seyladda xoolaha ee Iidaale, halkaasi oo ay ku wehelinayaan boqollaal qoys oo kale.

Saddex ka mid ah carruurteeda ayaa la xanuunsanayo caabuq indhaha ah oo ay ka qaadeen saaladda xoolaha oo ay dul seexdaan.

“Suuqa meesha ariga lagu gado ayaan isku soo xareynay, waad u jeedaa. Biyaha waxaan kala kulannay dhibaato weyn, rafaad iyo silac – Gogol mahaysanno, alaab aan cunto ku karsanno mahaysanno. Digadan ariga xasaasiyada ayaan ka qaadnay. Labo habeen ma seexanin oo cunug yar ayaa tacbaan iga ah. Dhib weyn ayaa na haysto,” ayay tiri.

Xaawo oo ah hoyada lix carruur ah ayaa xustay in noloshooda ay ku tiirsanayd jornaati maalinle ah oo uu seygeeda ka soo heli jiray shaqo xamaali ah. Wuxuu rarka ka dejiyaa gawaarida xamuulka ah, kuwaasi oo hadda meesha ka baxay, maaddaama ay daadadka gooyeen wadada isku xirta Baydhabo iyo Luuq.

Xaawo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in maanta ay taagan yihiin marxalad quus ah oo naf badbaadin ah.

“Biyaha anaga oo jiifno ayay na soo galeen. Gurigii oo waxaan aragnay moxoga biyaha noo joogaan. Nin kasto ilmihii ayuu gacanta soo qabsaday. Ciyaalka xitaa kabo la’aan ayaa la soo waday. Wax laga soo bixiyay malahan. Waxbo mahaysanno dadka guryahooda u qallalan [fatahaadda aan saameeyn] ayaa darmo ka soo qaadannay. Dad dhibaateysan oo rafaadsan ayaan nahay, hadii na laga soo gaarin waxaan ku dhownahay ilmaha in laga cararo,” ayay tiri.

Dadka qaar ee guryahooda ku go’doonsan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay u haysteen in fatahaadda aysan saameeyn doonin, maaddaama ay hadda biyaha soo gaareen deegaanno aysan horay u soo gaari jirin.

Maamulka ayaa sheegay in fatahaadda webiga ay ku dhinteen toban qof oo ay daadadka qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Gedo Ibraahim Madoobe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka barakacay ay xaaladooda aad u liidato. Qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ku noolaa dhanka baadiyaha iyo beeraleeyda ayuu xusay inay saameeynta ugu ballaaran soo gaartey.

“Matooradii beeraha iyo dalagyadii saarnaa kulli waa ay la tageen, biyihiina hadda kor ayay u sii socdaan. Beeraleydii noloshooda aad ayay u liidataa. Ilaa waqtigan wax gargaar ah oo ka soo gaaray dhanka hay’adaha ama dowladda ma lahan,” ayuu yiri.

Fatahaadda webiga ayaa sidoo kale jartay waddooyinkii magaalada soo galaayay, taasi oo saameeyn ku yeelatay isu-socodka dadka iyo gaadiidkaba. Buundooyinka Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo ayaa gebi ahaanba xirmay.

Ibraahim ayaa sheegay inay jiraan qoysas ay biyaha guryahooda ku go’daamiyeen oo meel loo maro la la’yahay. Tuulooyinka qaar ayuu xusay inay biyaha hareereyeen.

Previous Post

Beeraleyda Buulo-gaduud oo rajo beel ka qaaday fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba

Next Post

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo ku go’doonsan xeradooda oo daad ka dhashay roobka uu galay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas barakac ah oo ku go’doonsan xeradooda oo daad ka dhashay roobka uu galay

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo ku go’doonsan xeradooda oo daad ka dhashay roobka uu galay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo