(ERGO) – Saalax Adan Isxaaq oo ah beeraleey ku nool deegaanka Buulo-guduud wuxuu wajahaya culeeys dhanka nolosha ah. Billowgii bishii Nofeembar ee sanadkan ayaa fatahaad uu webiga Jubba sameeyay ka baabi’yay beer shan hektar ah.
Bishii Luuliyo ee sanadkan ayuu markii ugu horreysay muddo shan sano ah abuuray beerta. Shan boqol oo doollaar oo ay ku caawisay hay’adda Laan Kheyrta Cas ee ICRC ayaa u suura gelisay inuu soo iibsado abuurka.
Ninkan oo ka mid ahaa 280 oo qoys oo beeraleey ah oo ay hay’adda caawisay ayaa filaayay in dallagga u soo go’a ay noloshiisa wax ka beddeli doonto. Wuxuu intii uu dalagga u abuurnaa uu soo qaatay raashin dayn ah oo ay qoyskiisa quutaan. Qorshihiisa ayaa ahaa inuu iska bixiyo daynta, marka ay beerta u soo go’do.
Lacag dhan 7,000,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $270 oo ay qoyskiisa raashin ku soo qaateen ayuu xusay in lagu leeyahay. Dukaankii ay wax ka qaadanayeen ayaa ka joojiyay deyntii uu siin jiray, markii uu milkiilaha ogaaday in beertii ay biyo qaadeen.
“Beerihii waa naga soo go’een, beero kale oo aan tabcanno ma hayno. Noloshii wax aan hayno ma leh. Dadkii waa isku wada dan oo cid manta loo shaqeeyo oo ku caawisa ma leh. Nasiib waan u yeelan waynay [beerihii] oo waa naga go’een. Haddana xaaladeena wax aan ku timaami karo ma garanaayo. Talo ma hayno, beerna ma hayno.”
Saalax oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in hadda ay isku celcelinayaan 35 kg oo bariis ah iyo saddex liter oo saliid ah oo baaqi uga ah raashin ay soo qaateen bishii Oktoober. Maalinkii ayuu xusay inay dabka shitaan hal waqti.
Welwelkiisa hadda ugu weyn ayuu tilmaamay inuu yahay waxa uu carruurta quudin doono, marka uu ka dhammaado raashinka yar ee u haray.
“Maalmaha soo socda haddii uu xaalka sidaan sii ahaado, waxay noqonaysaa in carruurta aan ula cararo qaxootiga. Wax kale oo aan hadda u hayno ma lahan. Shaqo aan ku tashto oo aan subixii ku tooso ma haayo.”
Saalax ayaa nolosha qoyskiisa ka maareeyn jiray joornaati uu si maalinle ah uga soo heli jiray beero ay dad kale leeyihiin. Wuxuu xusay in beerta ay fatahaadda ka saameeysay ay ugu abuurnayd dalag isugu jira galley, digir iyo sinsin.
Ninkan ayaa tilmaamay in beerta marka ay u soo go’do uu qorsheeynaayay inuu soo iibsado abuur kale oo uu saaro iyo xoolo uu dhaqaale ka dhigto. Sidoo kale uu qoyskiiisa wax ay quutaan meel uga dhigo. Hadda se, wuxuu tilmaamay inuu taagan yahay xaalad ka liidata, middii uu ku sugnaa caawinaadda ka hor.
“Hadii dalagaas Ilaahay ii badbaadin lahaa, sinsinta ilaa iyo sadex iyo toban loor baan ka filaayey. Galaydana 50 loor ayaan filaaayey, digirtana afar loor oo dhay ah ilaa shan loor ayaan ku qiyaasay intaan ka heli lahaa.”
Gini Ibraahim Cismaan oo ah hoyada 10 carruur ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ay beerta ka saameeysay fatahaadda. Dalag isugu jira galay, digir, yaanyo, barbarooni, boqor, qare iyo kabsar caleen oo u saarnaa beer shan hektar ah ayaa waxaa ka qaaday biyaha fatahaadda.
Si la mid ah Isxaaq, Gini ayaa filaysay inay iska bixiso dayn 9,000,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $350, marka uu dalagga u soo go’o. Lacagta daynta ah ayay ku qaadatay raashin ay qoyskeeda ku sii joogaan saddexdii bilood ay sugaysay beerta.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in hadda wax u yaala uu yahay keliyah hal loor oo galley ah oo dallagga uga badbaaday, kaasi oo ay carruurta hal waqti maalinkii u kariso.
“Markii lacagta nala siiyey, beerihii waan geed qaadnay oo makiinad ayaan galinnay. Galay ayaan abuurannay. Wax hal loor dhan ayaan hadda ka hayaa dalaggii oo ilmaha u canbuuleyaa.”
Gini ayaa xustay in dukaankii ay daymaha ka qaadan jirtay uu ku soo war geliyay inuu wax dambe siin doonin, inta ay ka bixinayso lacagtii lagu lahaa. Beerta ay fatahaadda ka qaaday ayay abuurtay, markii ugu horreysay bishii Ogoosto, muddo toban sano ah oo ay dhaqaale la’aan isaga dhaaftey kaddib.
Waxay xustay in nolosha qoyska ay ka maareyn jirtay shaqooyin muruq maal ah, sida dhar-dhaqidda, dhismaha guryaha iyo xaabo ay duurka ka keeni jirtay oo ay suuqa ku iibinaysay. Seygeeda ayay tilmaantay inuu aragga naafo ka yahay oo uusan awoodin inuu shaqeeyo.
Haweeneydan oo hadda quus taagan ayaa xustay in mar kale uu dib ugu soo noqday culays dhaqaalo xumo oo ay islahayd waa ay ka nasanaydaa.
“Maanta haddii uu i soo go’i lahaa [dalagga] oo gacanta ii soo gali lahaa, sida aan hadda ahay waan dhaami-lahayn. Nolol maalmeedkii iyo ilmaha dharkoodi waa ay is fur-furi lahayd. Markii hore Ilaahay ayaa i siiyey, haddana Ilaahay ayaa ii diiday, calafkayaga ma ahayn.”
Guddoomiyaha deegaanka Buula-guduud, Maxamed Cabdullaahi Cabdulle ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadda saameeysay 400 oo beer oo ku yaallay deegaanka. Wuxuu tilmaamay in dadka ay beerahooda saameeynta ballaaran ay soo gaartay ay u badanyihiin, qoysaskii dhowaan la caawiyay.
Maxamed ayaa sheegay in qoysaskan ay beerahooda saarnaayeen jiinka webiga, taasi na ay keentay inaysan waxbo uga badbaadin dallaagii ay xilli beereedkan sugayeen.
“Dadkan waa beero ku nool oo waxa ay degganyihiin waa beero. Midda labaad waa dad danyar ah oo aanu u arknay, haddii la caawiyo inay wax soo saar rasmi ah sameeyn karaan. Dadka halkan waxay isugu jiraan kuwa beeraha ka shaqeeynaayay oo nolol maalmeedka kala soo baxaayay iyo kuwa beeraha lahaa. Ilaahay baa roobka keenay, wax la dhihi karo ma lahan,” ayuu yiri.