(ERGO) – Cabdiqaadir Cali Xasan oo ah aabaha toddobo caruur ah waxaa ku adag helidda cunno uu hal waqti u karsado qoyskiisa. Waxaa isu biirsaday shaqo la’aan iyo sare u kac dhanka maciishadda ah.
Ninkan oo barakac ku ah xerada Daawo ee magaalada Baydhabo ayaa nolol maalmeedka uga soo dhicin jiray qoyskiisa shaqo dhagax jebin ah. Roobka socda awgiis, waxaa meesha ka baxay shaqadii uu ku tiirsanaa. Maalinkii ayuu xusay inuu shaqdiisa ka soo heli jiray $4, taasi oo ku filnayd raashinka saddexda waqti.
Hadda oo aysan shaqo jirin wuxuu nolosha ku celceliyaa lacag shaxaad ah oo uu ka soo helo asxaabtiisa.
“Markii hore ee uu wakhtiga ficnaa saddex jeer ayaan dabka shidanaayey. Hadda shaqadii oo yaraatay awgeed, maalinkii aan shaqo helo hal mar ayaan shitaa, maalintii aan waayana waan iska qadnaa. Nolosha aad ayay igu adagtahay, wixii aan soo shaqeeyo, wax dab iska leh ayay ahaayeen. Maalmaha qaar marka aan wax la’aan noqdo qof walaal ah ayaan wax weydistaa, waayo Soomaalida waa ay isku dhex nooshahay,” ayuu yiri.
Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in raashinka uu qiimahiisa laba jabaarmay.
Kiilada bariiska oo uu markii hore ku soo iibsan jiray $0.6 ayaa hadda gaartey $2.5. Burka ayuu xusay inuu kiiladiisa ay tahay $1.5, inkastoo uu markii hore ahaa $0.6. Qiimo kororka badeecada ayaa loo tiirinayaa inay sababtay buundada magaalada oo ay biyaha daadka goyeen, taasi oo saameeyn ku yeelatay isu-socodka.
Ninkan ayaa tilmaamay in raashinka noocyadiisa qaar uusan xitaa hawo ka galin.
“Raashinka intii aan markaa haayo ayaan ku maareeyaa. Halkii markii hore aan burka ka iibsan jiray, waan iska dhaafey, waayo saliid ayuu rabaa dubistiisa, bariis iyo sonkor ayaan soo iibsadaa. Waxaan isku dayaa inaan isgaarsiiyo labo doolaar maalinkii,” ayuu yiri.
Cabdiqaadir wuxuu ka soo barakacay tuullada Tuusikaar oo 59 km u jirta Baydhabo, bishii siddeedaad 2019, markii ay abaar ka laysay 70 neef oo ari ah. Wuxuu hadda ka dayrinaayaa sida ay nolosha qoyskiisa noqon doonto haddii ay xaaladda sidaan si ahaato.
Cabdinuur Xuseen Xasan oo ah aabaha siddeed carruur ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ay saameeynta ka soo gaartey sicir bararka raashinka. Wuxuu ka shaqeyaa uruurinta jayga guryaha lagu dhiso. Labadii maalin ayuu xusay inuu ka heli jiray $3. Hadda, waxaa shaqadiisa saameeyay daadka ka dhashay roobka dayrta.
Ninkan ayaa tilmaamay in sicir bararkan ka hor ay dabka shidan jireen saddexda waqti ee maalinkii. Hadda ayuu xusay inay ku adagtahay helidda hal waqti.
“Saa’id ayay u saameeysay dab shidashadaanaga. Horay hal doolaar iyo bar ayaa nagu filnaa, hadda saddex xitaa nagu ma filna. Xabad rooti ah oo suuqa laga soo gaday ayaa carruurta shaax lagu siiya, sidaasi ayaa lagu nool yahay,” ayuu yiri.
Cabdinuur oo ku nool xerada Al-aamin ayaa tilmaamay in dayntiisa ay badanayso, oo lagu leeyahay $230. Lacagtan ayuu xusay in dukaan uu raashinka qoyska uga qaado uu ku yeeshay.
“Mehradii aan saarnaa ayaa la iga leeyahay, maaddaama kolba meel ay ku soo ekaaneyso oo shaqada xilliga ay soo bixi doonto aan la ogeyn. Roobka inta uu soo dhacay ma shaqeyn, wixii bariiska ah mise burka ah meelaha laga soo gacma gacmeesto ayaa dabka la saaraa. Dadka isku mid ma ahan, kuwa naga roon ayaa bariiska laga soo baryaa,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa xusay in xaaladdaan ay tahay middii ugu adkayd ee soo martay. Lix sano oo uu barakac ku ahaa magaalada Baydhabo ayuu tilmaamay in xaalad cunno yari tan la mid ah uu san arag.
Cabdinuur ayaa ka soo barakacay tuulada Dhuuray oo 20 km u jirta magaalada Baydhabo. Abaaro isxigay ayay uga la’aadeen labo boqol oo ari ah oo uu deegaanka ku dhaqanaayay.
Roobka Deyrta oo wali ka da’aaya magaalada Baydhabo ayaa xiray wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taasi oo laf dhabar u ah soo galidda badeecooyinka. Waxaa sidoo kale xiran buundada magaalada ugu weyn ee isku xirta Baydhabo iyo Baardheere. Magaalada ayaa hadda ah mid go’doonsan oo aan badeeco soo galin.
Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamed waa ganacsade meherad raaashinka iyo bagaashka lagu iibiyo ku leh magaalada Baydhabo. Sare u kaca qiimaha raashinka ayuu xusay inay sabab u tahay waddooyinka ay daadadka xireen.
Ninkan ayaa tilmaamay in badeecada taala aysan ku filnayn dadka magaalada ku nool muddo bil ah. Sonkorta, burka, bariiska iyo saliidda ayuu sheegay inay gabaabsi yihiin.
Sare u kaca qiimaha raashinka ayuu xusay inay saameeyn gaar ah ku yeelatay dadka danyarta ah ee magaalada ku nool.
Ibraahim oo muddo 15 sano ganacsade ah ayaa sheegay in hadda qaar ka mid ah dadkii ku xirnaa ee dan yarta ahaa aysan waxbo iibsan.
“Dadkii danyarta ahaa qiimahan qaaliga ah aad ayuu saameyn ugu yeeshay. Sidii hore wax uma iibsadaan, maaddaama ay wax walbo qaali noqdeen. Anaga na waxbo uma qaban karno,” ayuu yiri.