Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Afmadow: Daadka ka dhashay roobka oo go’doon galiyay boqollaal xoolo-dhaqato ah

Jibril Osman by Jibril Osman
December 8, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

Dadka Doolow oo dhex socda biyaha fatahaadda oo dhex fadhiya magaaladooda/Maxamuud Cabdirashiid/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal xoolo-dhaqato ah oo ku nool tuulooyinka Taabto, Xayo iyo Qooqaani ayaa wajahaya go’doon ka dhashay daadad gooyay isku socodka dadka iyo gaadiid gayn jiray raashinka laga keeno dagmada Afmadow.

Cabdirahmaan Cumar Daayow oo deggan miyiga tuulada Xayo wuxuu ku xaniban yahay isaga iyo qoyskiisa 13 qof ah iyo ari 70 ah dhul taag, halkaas oo ay badbaado u raadsadeen bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Ninkan oo 60 jir ah ayaa sheegay in aysan haysan cunno ku filan iyo gabaad ay ka galaan roobka, markii uu daadku ka qaaday guri aqal-soomaali ah. Qoyskiisa ayaa dabka saarta 24 saacba hal mar raashin gabaabsi ka sii ah.

Qiimaha raashinka oo kordhay iyo dhaqaale xumo haysa ayaa isku biirsaday Cabdiraxmaan, tiiyoo ay jirto in uusan tagi karin tuuladiisa oo 7 km u jirta daadadka socda dartood.

“$Meeshaan aan kaala hadlayo hadda biyo qulqulaya ayaan dhex-taaganahay. Anigoo taagan meel taag ah ayay biyuhu i dhinac socdaan. Hadde ninyahow qof geed korkiis saaran oo meel uu ku degto aan lahayn baan la mid nahay.”

Qoyskiisa ayaa isticmaalaya 15 kiilo oo iskugu jira bariis, bur iyo sonkor, kuwaas oo ka haray raashin kayd u ahaa. Wuxuu ka walaacsan yahay roobka joogtada ah iyo cunno yarida soo foodsaartay qoyskiisa.

Wuxuu sheegay in dhowr jeer uu isku dayay in uu u barakaco deegaanka Xayo oo miyigeeda uu ku go’doon san yahay, balse carruurta iyo xooluhu ay socon waayeen, markii biyuhu ay gooyeen jidadka gala tuulada.

Wuxuu ka dayriyay nolosha xoolaha u haray oo roobku uu ku dul hooro isla markaana aan haysan meel ay daaqaan. Wuxuu xusay in aysan lahayn caano iyo hilib badbaado u noqon kara qoyskiisa oo ay xaaladdu ku adag tahay.

“Riyo aan badnayn oo waxaas oo roob ah uu ku da’ayo caano lagama maalo iyagaa qoyaan ku jira mana la safriyo. Isku socodka ayaa xun. Bini’aadankii labada lug lahaa ayaan socon karin, magaalada mucaawino nooma oolin waxa aan haysano ayaan wax uga soo gadanaynay. Magaaladiina biyaa gooyay.”

Xoolaha u jooga waxay uga badbaadeen abaaraha soo laalaabtay oo ka dilay 130 ari ah. Wuxuu rajaynayay in xoolaha u haray ay uga faa’iidaystaan daaqa ka dhasha roobkan Dayrta, balse daadka ka dhashay ayaa dhibaato hor leh ku noqday carruurtiisa iyo xoolaha u jooga.

Wuxuu xusay in uusan hayn qorshe uu kaga badbaado biyaha hadii aysan gacan ka helin Jubbaland iyo dowladda dhexe.

“Nolosheenuna caadi maahan. Sababtoo ah xoolihii meesha way ka bexeen magaalana ma joogtid. Gaari iska dhaafe diyaarad uun baa imaan karta dhulkan biyo ayaa carada yaalla.”

Xoolo-dhaqatada go’doonsan waxaan ka mid ah Maxamed Raage Muxumed iyo carruurtiisa oo 14 qof. Wuxuu la fuulay qoyskiisa buur ku taalla miyiga deegaanka Xayo, halkaas oo ay ku la sugan yihiin 20 qoys oo reer guuraa ah.

Carruurtooda cunnada ay u kariyaan waa maalin dhaaf, maaddama raashinku uu gabaabsi ka yahay. Waxay u badan yihiin lo’ay xoolahooda ay irmaan yihiin. Waxay ka helaan caano aan badnayn.

Raage oo dhaqanaya 30 lo’ ah iyo 50 ari ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay isku dayeen xoolo-dhaqatada uu ka mid yahay ee ku xaniban buurta in ay adeegsadaan gaari dameero si ay tuulada u miciin bidaan, balse ay ku adkaatay

“Dameerka haddii la ka xeeyo ma gaari karo tuuladaan 7 km ii jirta. Dhulkaa la go’ay awrna warkiisaba daa. Maqribkan maqribkiisii kale roobkii nagu billowda hadda ayuu naga kacay. Ma qaano waxa noo danbayn doona. Laakiin hadda nolosha walaallow aad bay u adag tahay. Walbahaar baan qabnaa, balse nolosheenu Ilaahey bay ku xiran tahay.”

Wuxuu ku tiirsanaa qoyskiisa iibka xoolihiisa, balse taasi meesha way ka baxday tan iyo markii roobku billoday bil ka hor. Dhaqaale haysa ayuu xusay in ay ka daran tahay go’doonka ay ku jiray oo halis galin kara qoyskiisa.

Xoolo-dhaqatada roobku saameyay qaarkooda ayaa cayroobay, markii daadad iyo fatahaado ay ka qaadeen xoolahooda. Raage ayaa sheegay in roobka da’ay uu ka dilay 15 neef oo ari ah iyo labo sac, markii ay biyuhu qaadeen intii lagu guda jiray bishan Nofeembar.

“Ari badan baa dhulkan ku dhamaadday. Nin waxaa jira 200 neef hal meel ah ay kaga dhimatay. Dhibicda hadda da’aysa ayay ka dhinteen. Ninyahow jugjug meeshada joog weeye nin walba biyihii yoomul qiyaame ayaa dhunta u jooga aad ayaa afka loo ka la hayaa. Nin aan cabadaynin malahan.”

Raage horay abaarta waxay uga dishay in ka badan 200 oo lo’ah iyo 300 oo ari ah. Wuxuu naawilayay in uu ka soo kabto xaaladdaas. Wuxuu sheegay in roobabka badan la saadaaliyay uu horay u la socday, balse uusan qorshaha ku darsan in ay xaalad go’doon daran ah ay galin doonaan.

Maamulka degamada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa ka dayriyay doorka Jubbland ay ugu gurman karto qoysaska badbaadada u raadsaday dhulka taagga ah. Sida uu sheegay Woollow Axmed Cali.

Ninkan oo ah guddoomiye ku xigeenka Afmadow ayaa xusay in sida kaliya ee loogu gurman karo ay tahay diyaaradaha helikobtarka oo Jubbland aysan heli karin. Wuxuu tilmaamay in rajadoodu ay ku xiran tahay helidda cunno deg deg ay u helaan.

“Hadii roobabka isktaagi waayaan in masiibo bani’adannimo ka dhici doonto Ayaan aaminsanahay.Roobku roob istaagaya maahan. Waxaa hadda la sheegayaa Xayo iyo deegaannada kale in ay galeen kale biyo saf balaadhan u socda oo ku fidaya deegaannada duurka ee xooluhu ku noolaan jireen. Dadku safar ma soo samayn karo gadiidkoodana waa baabuur oo aan hadda soconkarin. Kareetana maanta ma  socon karto. Markaa dadkaas xaalkooda sida uu noqonaya Illaahyba garanaya.”

Xoolo-dhaqatada Jubbooyinka ayaa ka hor roobka u isku diyaarinayay ka faa’iideysiga roobka Dayrta inkastoo aysan qorshaha ku darsan biyo go’doon galin kara.

Previous Post

Baydhabo: Sare u kac dhanka maciishadda ah oo saameeyn ku yeeshay awoodda raashin iibsashada Qoysaska Danyarta ah

Next Post

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo