Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku nool Ceelhuur oo mar kale uu barakiciyay bacaadka guur guura

Radio Ergo by Radio Ergo
November 28, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa sii kordhaya saameynta ka dhalatay bacaadka guur guura oo ku habsaday magaalooyin Hobyo, Dhinowda, Budbud iyo Ceelhuur ee gobolka Mudug, taasoo sababtay in dad badan ay ka barakacaan guryihii ay deganaayeen tobanaan sano. Sidoo kale waxaa ku xirmay xarumihii adeegyada bulshada sida isbitaalladii, Masaajidii iyo goobihii waxbarashada.

Cabdi Cali Xuseen oo qoyskiisa uu ka kooban yahay lix qof muddo laba bilood ah waxa ay  bannaan-jiif u yihiin qabowga iyo  dabeylaha ka dhacaya magaalo xeebeedka Ceelhuur oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug, markii gurigii ay kunoolaayeen in ka badan 20 sano uu ku habsaday bacaadka guur guura.

Ninkan waxaa uu ka mid yahay 150 qoys oo guryo beellay Bacaadka guur guura Ceelhuur  labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo qaarkood aan awoodin in ay dhistaan guryo kale.

Hadda waxaa uu la dhibtoonaya lacag deyn ah oo dhan Shan kun dollar oo ku galay sanadkii hore guri ka kooban laba qol oo Jiingad ah oo dhistay, balse laba bilood ka hor mar kale uu Bacaadka ku fadhiistay.

Cabdi ayaa xusay in hoy la,aanta  ay u dheer tahay biyo yari. Waxaa uu noo sharaxay dhibaatada ay ku qabaan helida biyaha iyo sida uu bacaadka u saameeyay.

’’Ceelashii biyaha inta badan waa duugmeen, ciid  ayaa ku fadhiisatay, hadda biyaha aan cabno waxaa laga keennaa ceelka goryaale oo noo jira 20KM, halkii fuusto waxa ay ku timaada magaalada lacag dhan Lix dollar, biyaha waxaa qaali ka dhigay gaari ayaa lagu soo qaaddaa maalinwalba.”

Bacaadka waxaa kaloo uu gooyay wadooyinkii soo galaayay Ceelhuur ee ka imaanayay magaalooyinka waa weyn sida Hobyo iyo Xarardheere taasoo sababtay in ay sare u kacaan qiimaha cuntooyinka quutudaruuriga ah.

Sida uu sheegay Cabdi Xuseen hal gaari oo aan ciida galin ayaa soo gala magaalada  kaasoo ah nooca ay Soomaalida u taqaano faraseelka (Taamamka).

Waxaa uu kusoo qaadaa halkii kiish ee sokorta oo ay ku jirto 50 kiilo  lacag dhan Shan dollar halka magaalooyin kale ee Galmudug lagu qaado hal dollar.

Ninkaan ayaa tilmaamay in sidoo kale bacaadka uu ku habsaday goobihii ugu muhiisanaa bulshada ee adeegyada bulshada.

’’Iskuulkii waa uu aasmay isagoo dhisan, dhammaan irdihii laga galaayay ayaa xirmay, waxaa uu baahan yahay in ciida laga qaado, Ilmihii iskuula dhigan jiray waa ay ka tageen magaalada Xamar ayaa qaarkood galeen, dhibka waa uu siisiyaadaya haddii aan la helin waxqabad ama wax nagala qaba.”

Bacaadka guur guura ayaa ku qasbay qoysas badan oo deganaa magaalada in ay noqdaan xoolo dhaqato markii guryihii iyo ganacsiyadii ay heystay ay ka sare martay ciida.

Axmed Cabdullahi Cali hore ahaa kalluumeyste degan magaalada Ceelhuur hadda waxaa uu ari tiradiisa lagu qiyaasay kontan neef uu ku heystaa baadiyaha magaalada markii tiro saddex jeer ah laba qol oo uu ka dhistay magaalada uu qariyay Bacaadka sanooyin kala duwan.

Ninkaan sida uu noo sharaxay bacaadka waxaa ahaa mid daba socday hadda meeshii uu magaalada ka dego taasoo sii qasbaysay in uu sii barakaco marwaliba uu sii sameeyo hoy cusub.

’’Ciiddaan waa socotaa waxay ka soo baxdaa baddeey ka soo baxdaa annaga hadda waxaan joognaa meel xeeb ah Ceelhuur haddii lagu yiri ceelhuur laguu soo sheegay  ninkaasi meeshaasuu jooga baddey ka soo baxdaa ciiddu waa ciid hagaagsan oo socota meel lagu laaban kara ma ahan waabo bacaadaa fadhiya, bacaddaa fadhiya een adiga gurihii dhammaa ka kormaray ka kor maray yaabo fadhiya meeshaas yaabo aadi kara kuwaas.”

Axmed ayuu xusay in uusan ku laaban Karin guryihiisii oo ciiddii ay jiifto,haddii kuwo kale uu sameysan lahaana uu ka welwelaayo in mar kale uu ku yimaado bacaadka.

Dadaallo kala duwan oo ay sameeyeen dadka deegaanka ayuu sheegay in ay ku guuldareysteen in ay hakiyaan bacaadka.

’’Hadduu qofka uu guryihii lahaa ka guuro oo ka kaco ka barakaco oo meel kale wax sameesi ka dhisi tago hadde qof kasta oo aqli leh ayaa dareemaayaa qarashka ku baxaya ama wax lagu qaadaayo ama wax lagu keenayo lacag ilaa 5000 ah ayaa la igu leeyahay, jiingad iyo alwaax iyo shamiito iyo maano doonbare ee fuundi waxaaseey igu gashay.”

Khuburada dhanka deegaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatada baacad guurka ee Soomaaliya loo sababeyn karo isbedelka cimilada iyo xaalufka sida joogtada deegaanka loogu haayo.

Cabdiraxmaan Maxamuud Diiriye oo maadada deegaanka ka dhiga qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaallo Muqdisho sheegay in hadda loo baahan yahay in la helo qorshe qaran oo lagula dagaallamaayo bacaadka.

Waxaa noo faahfaahiyay sababaha keenay in Bacaadka uu ku habsado magaalooyin ka mid ah gobolka Mudug kuwaasoo dhammaantood ku teedsan dhanka xeebta.

’’Waxaa sababa bacaacdkaan guurguura horta waa dabeesha  dabeelaa meel ka soo qaado meel kaleetana keento dhadhaqaajisa oo guurguuriso, tan labaad dhibaatadaan waxaa keeno waxaa waaye hadaan gudaha u sii galo waxaan la yiraahdo inaan anaka samayno waxa loo yaqaano dhir guristii ama xaalufinta dhirta inaan samayno faristiishin loo yaqaano dhirtiina inaa infaarmeentiga ka xaalufinay oo dhirtii shalay bacaadka inuu guuro diidi lahayd inuu meel ka tago celin lahayd waxaa dhacaayo  marka inay dabeeshii xoogaysato inay bacaadkii qaado bacaadkii markay qaado meeshii intay ka qaado ay meel kale isugu geeyso.”

Barre Cabdiraxmaan ayaa noo sharaxay sida xal loogu heli karo magaalooyinka hadda ay dhibaatada ay ka taagan tahay iyo waxyaabaha la gudboon dadka hadda wali ku nool meelahaasi iyo kuwa ka barakacay.

’’marka koowaad  waxaan soo jeedi lahaa in lagu guuro meeshaas. meeshaas wax howl ah lagama qaban karo dadka kama shaqayn karaan ayadoo meesha dadkiina ay dhex daganyihiin oo ay ku rafaadayaan ugu yaraan waa kiilo mitir meel u jirta dadka kaamam iyo waxyaabo ku meel gaar ah guryaal yar oo ku meel gaar ah ha looga dhiso,  meeshaas sida caadiga ah ayaan qabaa oo inta meeshaan yarta ah ay shaqada ka socoto markaas laga guuro ka dib ayaa waxaa loo soo dajin karaa qorshihii bacaad dajinta.”

Previous Post

Dhadhaab: Nin qaxooti ah oo noloshiisu isbeddeshay markii uu ku shaqo billaabay taksi

Next Post

Beeraleyda Buulo-gaduud oo rajo beel ka qaaday fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba

Related Posts

Muqdisho: Dhallinyaro la shaqaalaysiiyay oo nolol xumo ka saaray qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro la shaqaalaysiiyay oo nolol xumo ka saaray qoysaskooda

October 28, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

October 24, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

October 23, 2025
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

October 22, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dad abaar ay barakicisay oo dhaqaale ka helaya qodista kaydad biyood oo laga qodayo Bay

October 21, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween barakac ah oo il-dhaqaale ka hela caagadaha lagu tuuro jidadka Dhuusomareeb

October 20, 2025
Next Post
Juba river floods wash away hopes of recovery for impoverished drought-hit farming families

Beeraleyda Buulo-gaduud oo rajo beel ka qaaday fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-OCT-2025

IDAACADDA 28-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2025
October 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2025
October 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2025
October 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2025
October 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-OCT-2025
October 24, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo