(ERGO) – Waxaa sii kordhaya saameynta ka dhalatay bacaadka guur guura oo ku habsaday magaalooyin Hobyo, Dhinowda, Budbud iyo Ceelhuur ee gobolka Mudug, taasoo sababtay in dad badan ay ka barakacaan guryihii ay deganaayeen tobanaan sano. Sidoo kale waxaa ku xirmay xarumihii adeegyada bulshada sida isbitaalladii, Masaajidii iyo goobihii waxbarashada.
Cabdi Cali Xuseen oo qoyskiisa uu ka kooban yahay lix qof muddo laba bilood ah waxa ay bannaan-jiif u yihiin qabowga iyo dabeylaha ka dhacaya magaalo xeebeedka Ceelhuur oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug, markii gurigii ay kunoolaayeen in ka badan 20 sano uu ku habsaday bacaadka guur guura.
Ninkan waxaa uu ka mid yahay 150 qoys oo guryo beellay Bacaadka guur guura Ceelhuur labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo qaarkood aan awoodin in ay dhistaan guryo kale.
Hadda waxaa uu la dhibtoonaya lacag deyn ah oo dhan Shan kun dollar oo ku galay sanadkii hore guri ka kooban laba qol oo Jiingad ah oo dhistay, balse laba bilood ka hor mar kale uu Bacaadka ku fadhiistay.
Cabdi ayaa xusay in hoy la,aanta ay u dheer tahay biyo yari. Waxaa uu noo sharaxay dhibaatada ay ku qabaan helida biyaha iyo sida uu bacaadka u saameeyay.
’’Ceelashii biyaha inta badan waa duugmeen, ciid ayaa ku fadhiisatay, hadda biyaha aan cabno waxaa laga keennaa ceelka goryaale oo noo jira 20KM, halkii fuusto waxa ay ku timaada magaalada lacag dhan Lix dollar, biyaha waxaa qaali ka dhigay gaari ayaa lagu soo qaaddaa maalinwalba.”
Bacaadka waxaa kaloo uu gooyay wadooyinkii soo galaayay Ceelhuur ee ka imaanayay magaalooyinka waa weyn sida Hobyo iyo Xarardheere taasoo sababtay in ay sare u kacaan qiimaha cuntooyinka quutudaruuriga ah.
Sida uu sheegay Cabdi Xuseen hal gaari oo aan ciida galin ayaa soo gala magaalada kaasoo ah nooca ay Soomaalida u taqaano faraseelka (Taamamka).
Waxaa uu kusoo qaadaa halkii kiish ee sokorta oo ay ku jirto 50 kiilo lacag dhan Shan dollar halka magaalooyin kale ee Galmudug lagu qaado hal dollar.
Ninkaan ayaa tilmaamay in sidoo kale bacaadka uu ku habsaday goobihii ugu muhiisanaa bulshada ee adeegyada bulshada.
’’Iskuulkii waa uu aasmay isagoo dhisan, dhammaan irdihii laga galaayay ayaa xirmay, waxaa uu baahan yahay in ciida laga qaado, Ilmihii iskuula dhigan jiray waa ay ka tageen magaalada Xamar ayaa qaarkood galeen, dhibka waa uu siisiyaadaya haddii aan la helin waxqabad ama wax nagala qaba.”
Bacaadka guur guura ayaa ku qasbay qoysas badan oo deganaa magaalada in ay noqdaan xoolo dhaqato markii guryihii iyo ganacsiyadii ay heystay ay ka sare martay ciida.
Axmed Cabdullahi Cali hore ahaa kalluumeyste degan magaalada Ceelhuur hadda waxaa uu ari tiradiisa lagu qiyaasay kontan neef uu ku heystaa baadiyaha magaalada markii tiro saddex jeer ah laba qol oo uu ka dhistay magaalada uu qariyay Bacaadka sanooyin kala duwan.
Ninkaan sida uu noo sharaxay bacaadka waxaa ahaa mid daba socday hadda meeshii uu magaalada ka dego taasoo sii qasbaysay in uu sii barakaco marwaliba uu sii sameeyo hoy cusub.
’’Ciiddaan waa socotaa waxay ka soo baxdaa baddeey ka soo baxdaa annaga hadda waxaan joognaa meel xeeb ah Ceelhuur haddii lagu yiri ceelhuur laguu soo sheegay ninkaasi meeshaasuu jooga baddey ka soo baxdaa ciiddu waa ciid hagaagsan oo socota meel lagu laaban kara ma ahan waabo bacaadaa fadhiya, bacaddaa fadhiya een adiga gurihii dhammaa ka kormaray ka kor maray yaabo fadhiya meeshaas yaabo aadi kara kuwaas.”
Axmed ayuu xusay in uusan ku laaban Karin guryihiisii oo ciiddii ay jiifto,haddii kuwo kale uu sameysan lahaana uu ka welwelaayo in mar kale uu ku yimaado bacaadka.
Dadaallo kala duwan oo ay sameeyeen dadka deegaanka ayuu sheegay in ay ku guuldareysteen in ay hakiyaan bacaadka.
’’Hadduu qofka uu guryihii lahaa ka guuro oo ka kaco ka barakaco oo meel kale wax sameesi ka dhisi tago hadde qof kasta oo aqli leh ayaa dareemaayaa qarashka ku baxaya ama wax lagu qaadaayo ama wax lagu keenayo lacag ilaa 5000 ah ayaa la igu leeyahay, jiingad iyo alwaax iyo shamiito iyo maano doonbare ee fuundi waxaaseey igu gashay.”
Khuburada dhanka deegaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatada baacad guurka ee Soomaaliya loo sababeyn karo isbedelka cimilada iyo xaalufka sida joogtada deegaanka loogu haayo.
Cabdiraxmaan Maxamuud Diiriye oo maadada deegaanka ka dhiga qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaallo Muqdisho sheegay in hadda loo baahan yahay in la helo qorshe qaran oo lagula dagaallamaayo bacaadka.
Waxaa noo faahfaahiyay sababaha keenay in Bacaadka uu ku habsado magaalooyin ka mid ah gobolka Mudug kuwaasoo dhammaantood ku teedsan dhanka xeebta.
’’Waxaa sababa bacaacdkaan guurguura horta waa dabeesha dabeelaa meel ka soo qaado meel kaleetana keento dhadhaqaajisa oo guurguuriso, tan labaad dhibaatadaan waxaa keeno waxaa waaye hadaan gudaha u sii galo waxaan la yiraahdo inaan anaka samayno waxa loo yaqaano dhir guristii ama xaalufinta dhirta inaan samayno faristiishin loo yaqaano dhirtiina inaa infaarmeentiga ka xaalufinay oo dhirtii shalay bacaadka inuu guuro diidi lahayd inuu meel ka tago celin lahayd waxaa dhacaayo marka inay dabeeshii xoogaysato inay bacaadkii qaado bacaadkii markay qaado meeshii intay ka qaado ay meel kale isugu geeyso.”
Barre Cabdiraxmaan ayaa noo sharaxay sida xal loogu heli karo magaalooyinka hadda ay dhibaatada ay ka taagan tahay iyo waxyaabaha la gudboon dadka hadda wali ku nool meelahaasi iyo kuwa ka barakacay.
’’marka koowaad waxaan soo jeedi lahaa in lagu guuro meeshaas. meeshaas wax howl ah lagama qaban karo dadka kama shaqayn karaan ayadoo meesha dadkiina ay dhex daganyihiin oo ay ku rafaadayaan ugu yaraan waa kiilo mitir meel u jirta dadka kaamam iyo waxyaabo ku meel gaar ah guryaal yar oo ku meel gaar ah ha looga dhiso, meeshaas sida caadiga ah ayaan qabaa oo inta meeshaan yarta ah ay shaqada ka socoto markaas laga guuro ka dib ayaa waxaa loo soo dajin karaa qorshihii bacaad dajinta.”