(ERGO) – Kun iyo saddex boqol oo beeraley ah oo ku nool gobolka Nugaal ayaa goostay dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin, saddex sano kadib. Waxay ka soo kabteen abaar saameysay beerahooda, taasi oo cunno xumo bidday.
Fartuun Cabdi Warsame waxay shantii bishan billawday inay dalagga u soo go’ay oo iskugu jira galley, masago, digir, liin iyo noocyo kale oo khudaar ah u iib-gayso isbuuciia mar magaalada Garowe. Waxay xustay inay ka hesho faa’iido u dhaxaysa $200-250.
Haweenaydan ayaa tilmaantay in wax-soo-saarka beerteeda ay u sahashay inay si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurteeda oo 8 ah, kuwaas oo ay ku adkeed inay hal mar dabka u shiddo. Waxay sheegtay in tacbashadan ay qoyskeeda u horseedday isku filnaan dhaqaale.
“Haddii xitaa abaaru dhacdo dad beertooda ku baxsanaya ayaan nahay, laakiin awel haddii aad shqo aado shaqadu waa kaa dhamaanaysaa lacag haddii aad haysato waa kaa shamaanaysaa, laakiin tacbashada beertu waa wax muhiim ah oo baahideena dabooli karta.”
Qoyska Fartuun oo beer hal hektar ah ku leh deegaanka rabaable oo Garowe 30 u jirta ayaa ka mid ah qoysas ka faa’iidaystay abuur, tababar, qalabka falista beeraha iyo haamo lagu shubo sunta lagu buufiyo cayayaanka oo ay ka heleen hay’adda SDC bishii Maarso ee sanadkan.
Waxay awood u yeelatay inay iska guddo dayn dhan $650 oo ay reerkeeda lagu yeesha sanadkii tagay oo aysan waxba tacban.Waxaa meesha ka baxday qasaaro joogto ahayd oo ay kala kulmi jireen abuurka ay beerta galiyaan, taas oo ay u tiirinayso inay ahayd aqoon-darro ka haysatay dhanka beerashada iyo roob yarida soo laalaabatay.
Waxay sheegtay in qalabka iyo abuurka la siiyay miro-dhalkooda ay kaalin muhiim ah ku lahayd tababar ay qaadatay oo lagu baray qaabka loo tacbado abuur hormarsan iyo ilaalinta badqabka dalagga.
“Waxaa naga soo gaaray qalab na anfacay oo waxtar noo leh. Barnaamijkan waa barnaamij aad u taakulaynaya dadka beeralayda ah ee doonaya inay wax tabcadaan oo wax soo saartaan.”
Qoyska Fartuun ayaa sanadkan qorshaynaya inay waxbarashada ku daraan shan ka mid ah carruurtooda oo tacliinta seegay, markii ay bixin waayeen qarashka iskuulka oo ah bishii min $10. Waxay sheegtay inay hadda awood u yeesheen bixinta lacagtaas.
Qoyska Fartuun ayaa horay ugu tiirsanaa wuxuu soo helo aabbaha reerka oo shaqo xamaali ah u aadi jiray magaalada Garowe. Waxay xustay in wuxuu keeno aysan ku filnayn nolosha qoyskooda ballaaran. Saygeeda oo ahaa nin waayeel ah ayay hadda u suuragayshay inuu ka nasto shaqadii adkeed oo dantu ku qasbaysay.
Beeralayda ka faa’iidaystay Caawintanan ayaa dhamaan gaaray soo kabsasho dhanka dhaqaalaha ah. Axmed Xirsi Geelle oo beer saddex Hegtar ah ku hel deegaanka Cuun oo 60 km dhanka bari uga beegan Garowe ayaa sheegay in labadii isbuuc ee la soo dhaafay ay reerkiisu ku tiirsan yihiin wax soo-saarka beertiisa.
Ninkan oo haysta toban carruur ah ayaa tilmaamay in barnaamijkan u noqday fursad wanaagsan oo ka caawisay in uu sameeyo dib u soo kabasho nolaleed, maadaama mudda seddex xilli beeraad ah uusan wax dalag ah u soo go’in oo abaaruhu ay baajinayeen mar kasta wuxuu beerto.
“Waxaanu ka faa’idnay qaabka dhirta loo daaweynayo oo cayayaanka looga ilaalinayo. Waxanu ka faa’idnay Siir tayo leh oo haddeer aan weli soo go’in iyo qalab tayo leh. Waxaas oo dhan waa faa’iido, wax la haystay ma ahayn.”
Axmed ayaa sheegay in abaarta saamaynta ka dhalata ay beertiisa u dheereed cayayaan si baaxad leh ugu baabi’in jiray dalagga, kaas oo hadda meesha ka baxay waxii ka danbeeyay, markii la baray qaabka looga dilo.
Wuxuu sheegay in hadda beertiisa ay kula tiirsan yihiin labo qoys oo ehelo la ah oo ku xoola beelay abaartii sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo uu ku wargaliyay in ay la soo deggaan markii uu arkay baaxadda wax soo saarka beerta ee sanadkan. Si kasta oo ay isku beddeshay noloshiisa wuxuusan mar kasta ilaawin saamayntii abaarta.
Xilliga adag ee uu soo maray ayaa nolosha qoyskiisa ku tiirsanayd wixii ay soo helaan laba wiil oo u dhalay oo jiray magaalada Muqdisho oo qabta shaqooyin xamaali ah iyo asaga oo suuqa magaalada Garowe u shaqo tagi jiray.
Beerta oo inteeda badan ahayd goof aan la abuuri jirin ayuu sheegay in sanadkan ay wada abuuray isaga oo ka faa’iidaystay qalabka la siiyay oo iskugu jira yaanbo, Faasas, badeello iyo tubooyin ka saacida waraabka.
Dalagyada ka baxa beertiisa oo kala ah Raashinka diirka leh iyo Khudaarta ayuu xusay inuu u iib geeyo magaalada Garowe. Dhaqaalaha uu ka helo ayuu ka kala qaybiyaa nololsha reerka iyo dayac-tirka beerta oo ood la’aan noqotay sanadihii abaarta. Wuxuu sheegay in dalagga saaran sanadkan uu ku qiyaasay inay ka soo xaroon doonto dhaqaalo dhan $3,000.
Wuxuu ka fikirayaa sidiii uu ku hir-gelin lahaa mashruuc uu ku baxsado xilliyada abaaruhu dhacaan isaga oo ka faa’iidaysanaya lacagta uu qabto sanadkan, maadaama uu tababarkii la siiyay uu qayb ka ahaa maaraynta dhaqaalaha.
Maxamed Aadan Jaamac oo ah agaasimaha hay’adda caawisay beeralaydan ayaa sheegay in dhamaan beeralayda nasiibka u yeeshay taageerada oo ku kala sugan deegaanada Jibi-gale, Cuun, Rabaable iyo Laacdheere oo ka wada tirsan gobolka Nugaal ay si muuqata uga faa’iidaysteen barnaamijkan oo lagu magacaabo Kobciye.
Wuxuu xusay in hay’addu ay mar kale billawday wajiga labaad ee taageerada beeralayda maadaama kii hore laga gaaray miro-dhal muuqda. Wuxuu intaas ku daray in marki hore ay sameeyeen sahan ay ku ogaanayeen qoysaskan xaalkooda.
Sahanka oo ay ku tageen deegaanadan ayuu sheegay inay ku soo xuleen qoysaskan oo ay u arkeen inay yihiin kuwa ugu mudan in la tageero marka loo fiiriyo xaalkooda. Hay’adda waxay sheegtay in ujeedka laga leeyahay taageerada ay tahay sidii ay beeralayda Puntland u sameyn lahaayeen wax soo saar xoog leh. Agaasimaha ayaa xusay in la gaaray qaar ka mid ah hadafkii la laga lahaa.
“Markii aan mashruuca bilownay, dhulku wuxuu ahaa mid eber ah oo aan waxba ku beernayn. Maantana waa wada cagaar, lagasoo gurayo khudaar aad u xooggan. Beero badan oo isbeddelkaas ka hadda ka muuqdo oo ku dayasho leh ayaa jira. Waxyaalaha isbeddelka keenay oo runtii hadda muuqda, oo islamarkiiba hadda aanu success story, ka qori karno waxaa kamid ah, dadkii inay iyagu maanta hormuud yihiin. Awal waxaa dhacday qof magaalada iska jooga oo beertiisa goof ahayd, markaan mashruuca kusoo darnay in maanta uu isagii na horkacayo uu beertii uu joogo.
Caawintan oo uu maalgelinayo Midawga Yurub ayaa u muuqda mid waxbadan ka taray baahida beeralayda gobolka Nugaal oo la daalaadhacayay saamaynta ka soo gaartay abaarihii soo maray dalka.










