Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysaska dadka naafada ah oo xaalada wax la’aan ah ku wajahaya xerada Ifo2

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysaska dadka naafada ah oo xaalada wax la’aan ah ku wajahaya xerada Ifo2

Qoyska Canab oo dhowaan ka soo qaxay tuulada Khaam-Khaam ayaa xerada Ifo2 ku wajahaya hoy la’aan iyo cunno yari/Bashir Baarut Gaxnuug/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Canab Xassan Mukhtaar oo xerada Ifo2 timid 28 Luuliyo waxay wajahaysaa cunno yari, hoy la’aan iyo biyo yari. Ma haysato kaarka lagu qaato raashinka gargaarka ah ee la siiyo dadka ku nool xerada.

Haweeneydan oo ah hoyada afar carruur ah ayaa waxaa la socda walaalaheeda iyo aabaheeda oo lug iyo gacan isxiga naafo ka ah. Daash yar oo ka sameeysan maryo dhamaadey iyo ulo la isku xiray oo ay u dhiseen dadkii ay xerada ugu yimaadeen ayaa hoy u ah. Qoyskan oo tiro ahaan 24 qof ah ayaan ku wada hooyan garin daashka.

Canab ayaa xustay in aabaheed iyo carruurta kuwooda yar ay ku hoydaan daashka. Qoyska intiisa kale ayaa seexda bannaanka. Haweeneydan iyo qoyskeeda ayaan haysan gogol ay bacaadka iska mariyaan.

“Dadkan wax ay cunaan iyo wax ay cabaan uma hayno, nolosha xaaladeedu waa ay iska xuntahay. Ilaahay wax walba waa u jeedaa, wax ay dadku noo soo uruuriyaan mooyee wax hadda shaqeeya iyo wax faro lagu haayo ma jirto,” ayay tiri.

Canab ayaa tilmaantay in seygeeda ay kala tageen muddo saddex sano laga joogo oo ay kaligeeda carruurta korsato. Labo ka mid ah carruurta ayaa naafo ah, inkastoo ay mid u dheertahay xanuunka dhimirka.

Aabbaheeda oo hadda ah bukaan jiif la xanuunsan dhiig kar ayay tilmaantay inuu biili jiray iyada iyo carruurta. Waxay sheegtay in xanuunka uu ka naafeeyay lug iyo gacan isku dhinac ah, oo uusan awoodin hadal iyo socod toona.

“Odhayga haddii uu dhiigga ku kaco oo aan isbitaal gayno, kaar ayaa la rabaa. Musqul, guri, gogol iyo biyo ma haysano. Waxaan rajaynayaa in wax naloo qabto,” ayay tiri.

Canab iyo qoyskeeda ayaa ka yimid tuulada Khaam-khaam ee gobalka Jubbada Hoose. Labo maalmood ayay xustay inay ku soo qaadatay wadada ka hor inta aysan soo gaarin xerada.

Lacagta ay ku soo safartay oo ahayd $455 ayay tilmaantay inay isugu soo dareen dad ay deris ahayeen oo ay u dan sheegatay. Xerada Ifo2 oo ay soo maciin bidday ayay ka filaysay nolol ka wanagsan middii ay ka soo qaxday.

“Ani waxaan is dhahaayay markaad saa u tagtaan horay ayaa la idinka qaabili oo guri aad dagtaan iyo waxbaad helaysaan. Laakiin sidii aan rajaynayay ma noqonin,” ayay tiri.

Inkastoo dadka imaanaya xerada Ifo2 ay u siman yihiin caqabadaha adag ee ka haysta dhanka nolosha. Haddana, waxaa xusid mudan in dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo haweenka aan ragoodu wahelinin ay yihiin kuwa ugu nugul ee ay ku adagtahay helidda raashin ay quutaan maalinkii.

Ubax Cali Bayow oo sidoo kale ka mid ah dadka dhowaan xerada yimid ayaa sheegtay inay ku adagtahay helidda raashin ay hal waqti maalinkii dabka saartaan.

Haweeneydan oo ah hoyada toddobbo carruur ah ayaa xustay inay la joogaan hoyadeeda oo wayeel ah iyo walaasheeda oo naafo ah oo aanan u adkeeysan karin baahi.

Ubax oo xerada ifo2 timid 25 Luuliyo ee sanadkan ayaa tilmaantay in raashin la’aanta ay u dheertahay hoy la’aan. Waxay xustay inay ku hooydaan geed xerada ku dhex yaala oo ay laamihiisa ku xirteen bac iyo maryo dhammaad ah.

“Waxaan la soo kulannay meeshii oo kaar ma leh la leeyahay oo la iska joogo. Musqul ma haysanno, guri ma haysanno. Bannaan iyo dabayl baa na dishay, biyahana mar waa la helaa marna waa la waayaa,” ayay tiri.

Ubax iyo qoyskeeda ayaa ka soo qaxay baadiyaha tuulada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, markii ay abaar ka laysay 37 neef oo geel ah oo ka mid ahaa 45 neef oo ay noloshooda ku tiirsanayd. Seygeeda ayaa uga soo haray deegaankii ay ka soo tageen, si uu u ilaaliyo siddeeda neef ee xoolaha uga soo haray. Wuxuu ku daray geel ay leeyihiin dad kale oo uu isaga qowsaar ka yahay.

Balse, Ubax ayaa xustay in loo soo sheegay in geelii uu la jiray uu dhaawac soo gaarsiiyay oo hadda lagu baxnaaninaayo degmada Afmadow. Lugta ayay sheegtay inuu ka jabay.

“Meeshan ayaan ilmaha iskala dhex fadhiyaa, aniguna dal iyo dad toona ma aqaanno. Caawinaad ayaan soo raadsaday, hay’adihiina waxba kama helin. Wax aan haysanno ma lahan. Dhulkii aan naqaannay ee aan iska joognay dhibkii aan uga soo cararay ayaan qabaa,” ayay tiri.

Waxay tilmaantay in $260 oo ay ku caawiyeen dad ay seygeeda ehel yihiin ay ku soo safartay.

Maamulka Ifo2 ayaa ka dayriyay nolosha dadka dhowaan yimid xerada ee aan weli helin kaarka qaxootiga.

Warsan Cabdiraxmaan oo ka mid ah maamulka xerada ayaa sheegatay in dadka baahiyaha gaarga ah qabo ay ugu daranyihiin dhibaatada. Waxay tilmaantay in dadka lixaadkooda dhameeystiranyahay ay magaalada dhinac ka galaan oo inta yar ay ka soo helaan noloshooda ku maareeyaan.

Balse, dadka baahiyaha gaarka ah qabo ayay sheegtay in magaalada aadisteeda aysan awoodin oo ay ku noolyihiin caawinaadda yar ee ay ka helaan dadka deriska la ah ee aan waxba dhaamin.

Warsan ayaa xustay in 1,400 oo qoys aysan weli helin diiwaan gelinta aqoonsiga qaxootinimada.

Previous Post

Nugaal: Beeraley saddex sano kaddib goostay dalag wax ka baddelay noloshooda

Next Post

Burco: Ku dhawaad 2,000 qoys oo wajahaya biyo yari saameysay nolol-maalmeedkooda

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Burco: Ku dhawaad 2,000 qoys oo wajahaya biyo yari saameysay nolol-maalmeedkooda

Burco: Ku dhawaad 2,000 qoys oo wajahaya biyo yari saameysay nolol-maalmeedkooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-SEP-2026

IDAACADDA 03-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo