(ERGO) – Khaliif Faarax Shuuriye oo ah 76 sano jir la nool cudurka HIV-AIDS, noloshiisu way ka fiican tahay sida ay ahayd sanad ka hor. Waxaa ku adkayd helidda cunnada iyo biyaha ku filan iyo hoy dugaal leh.
Dad xogtiisa helay markii sanadkii hore uu baahiyay Raadiyow Ergo ayaa u soo diray lacag u sahashay inuu uga baxo xaaladdii adkayd. Dhaqaalaha uu helay uu ka billowday $10 wuxuu gaaray 1,400 oo doollar.
Khaliif oo ku noolaa buush ah ka sameysan baco iyo maryo, wuxuu deggan yahay qol jiingad ah oo leh barsad iyo musqul. Dhismaha guriga oo la dhameeyay bishii Janaayo ee sanadkan ayuu sheegay inay uga baxday $600 oo ka mid ah caawimaaddii uu helay.
Khaliif oo ku tiirsanaa cunnada uu dariska ka helay ayaa sheegay in hadda karsadaa raashin nafaqo leh oo horay dhaqaatiirta daawada u soo qortay ay kula taliyeen, hase yeeshee uu awoodi waayay inuu iibsado.
“Noloshayda wax badan ayaa iska bedalay, waan iska fiicnaaday. wax aan cunno waan heystaa, markii hore meel ma heysan roob ayaa igu da’ayay. Hadda nolol laygu soo hagaago oo aan jiifto oo ku noolaado ayaan heystaa. Wixii kale oo jira dadka ayaan ula mid ahay. Waan u mahadcelinaya walaalihii Soomaaliyeed ee i caawiyay.”
Khaliif ayaa sheegay inuu ka maarmaaray caawinta dadka dariska la ah oo uu ku tiirsanaa in ka badan 10 sano. Wuxuu tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkan ka ganacsadaa ukunta digaag uu dhaqdo oo maalintii uu ka helo 25 xabo. Wuxuu sheegay inuu ka helo 3-4 doollar oo ugu filan inuu noloshiisa ku dabbaro. Digaagga uu haysto oo dhan 50 xabbo ayuu ka gatay lacagtii uu helay.
Wuxuu cabaa biyo nadiif ah oo ay ka caawisay helitaankooda haweenay oo ku nool dalka Ingiriiska. Lixdii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah ayay uga bixinaysay korontada iyo biyaha oo qiimahooda ay dhan yihiin bishii $15.
“Mugdi iyo iftiin isku mid maahan, wax badan ayay iga caawisaa korontada, markii hore dhib yar ma qabin qof wayeel ah ayaan ahay haddii aan rabo Mugdiga waan iska dhacaya. Biyo waan helay, awal jeerikaan ayaan ka soo qaadi jiray xaafad shanaad ama ciyaalka ayaan ila qaada dhihi jiray. Marmarka qaar waxba ma karsan jirin ileen ma awoodo inaan biyo doontee, balse hadda xaafadayda ayay biyaha iigu jiraan. Waxaan isticmaala markii aan u baahdo, waan ka soo shubtaa waan qubeystaa, dhar waan dhaqdaa.”
Khaliif ayaa sheegay in dadkii kaalmeeyay ee codkiisa ay maqlay ay ku jireen kuwa ay ku kala lumeen xilliyadii dagaalladii Sokeeye.
Qoysaska dariska la ah ayuu sheegay in ay ku hayeen takoor iyo naceyb joogta ah oo la xiriira xanuunka uu la ildarnaa, qaarkood waxa ay ku eedeyn jireen haddii ay la joogteeyaan xiriirka in ay ka qaadi karaan cudurka. Wuxuu xusay in mararka qaar uu ku waayi jireen kaalmadii uu ka heli lahaa dadka dariska la ah.
Wuxuu sheegay in hadda ay la leeyihiin macaamil wanaagsan oo ay mar walba soo weydiistaan waxyabaha ay uga baahdan sida biyaha, korontada iyo dabka, taasina ay farxadgaliso, maaddaama ay meesha ka saarayso takoorkii lagu haayay muddada dheer.
khaliif ayaa rajeynaya in uu sii balaariyo ganacsigiisa oo uu ku soo daro fikrado cusub oo ka caawinaya in noloshiisa ay noqoto mid ka soo kabanaysa duruufaha dhaqaale la’aan ee soo wajahay. Wuxuu ka warramay sababta uu u doortay dhaqashada digaagga.
“Yacni in aanan isla hadlin oo aan wax ka dhigto, sababtoo ah aniga waxaan ahay qof jiran baan ahay oo positive ah, haddii aan isla hadlo jirada ma iga baxayso, marka haddii aan wax celcelinaayo qof wax dhaqanaaya ayaan u egahay.”
Khaliif ayaa sheegay in daawooyin cudurka loo qaato uu si bilaash ah uga helo hay’adda Laanqeyrta-Cas. Mararka qaar oo uu hay’adda ka waayo ayuu sheegay in uu hadda meelo kale kasoo iibsado balse markii hore uu sugi jiray inta laga keenaayo.
Waxaa uu xusay in cudurkaan lagu takooray nafsad ahaantiisa, taas oo keentay in kaligiis uu noolaado oo uu ka soo dhex baxay dhammaan dadkii ehelka iyo qaraabada la ahaa.
Khaliif ayaa cudurkan laga sheegay sanadkii 2012, markii la baaray isagoo muddo xanuunsanaya. Wuxuu xusay inuu u maleynayo inuu ka qaaday xaaskiisa oo ay kufsadeen koox hubaysan xilli ay dhibane u ahayd xanuun dhimirka. Xaaskiisa oo aan daryeel helin ayaa dhimatay sanadkii 2010.










