(ERGO) – Xasan Maxamuud Yuusuf, oo ah 30 jir aan lixaadkiisa dhameeystirnayn wuxuu takoor kala kulmay shaqooyin kala duwan oo uu ka raadsaday xaruumaha warbaahinta ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Wuxuu aaminsan yahay in shaqooyin uu qaban karay loogu diiday lixaadkiisa oo aan dhameeystirnayn awgeed. Labada lugood ayaa waxaa ka naafeeyay dabeeyl.
Ninkaan oo ah aabbaha afar carruur ah ayaan hadda awoodin in uu bixiyo nolol maalmeedkooda. Wuxuu ku tiirsan yahay dad ehel ah oo ka caawiya kirada guriga iyo raashin ay hal waqti maalinkii karsadaan.
“Maanta waxaan ahay qof aan kaafin karin qoyskiisa oo aan ku filnaan karin. Subax walbo qof ayaan ku dhahaa ilmaheyga waxba uma haayo ee maanta iga toosi. Balse, haddii aan ahaan lahaa qof wixii uu bartay ku shaqeysta, waxaan noqon lahaa qof noloshiisa ku filan,” ayuu yiri.
Xasan wuxuu 2017 ka qallin jabiyay kulliyada saxaafadda ee Royal Academy, halkaasi oo ka qaatay diploma sare.
Wuxuu xusay in saddex idaacad uu shaqo ka helay intii u dhaxeeysay 2019 ilaa iyo 2021. Waqtigii ugu dheeraa ee uu la soo shaqeeyay xaruumahaan ayuu tilmaamay inay ahayd saddex bilood.
“Dadka lixaadkooda dhameeystiran yahay ee aan isla bilownay xaruumaha shaqada iyo kuwii iga dambeeyay, waxaan dareemayay in iyaga la siinaayo ahmiyad gaar ah. Dhaqaale ayay shaqada ka qaadanayeen oo mushahaar ayaa loo billaabay. Aniga mar waliba, waxaan la kulmaayay takoor ah inaan shaqada qaban karin, mushaar la’aan iyo in la i dareensiiyo waxa aan ahay ee Rabaaniga ah,” ayuu yiri.
Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhismooyinka ay ku yaalaan idaacadaha aysan lahayn jaraanjaro loogu tala galay dadka isaga la midka ah.
Dhallinyarada baratay warbaahinta ee maqalka naafada ka ah ayaa si la mid ah wajahaya shaqo la’aan.
Maxamed Xasan Muxyadiin oo ah sawir qaade muddo laba sano ah xirfaddan ku bartay ayaa wajahaya shaqo la’aan. Wuxuu xusay in xirfadda sawir qaadista uu si bilaash ah ku baray nin ay asxaab yihiin.
Ninkan oo 2020 ka qallin jabiyay jaamacadda Jobkey, kulliyadeeda komputerka ayaa sheegay in rajadiisa ay ahayd inuu ku shaqeeysto xirfadan sawir qaadista, maaddaama uu shaqo ku waayay xirfadiisa computerka.
Wuxuu shaqo ka raadiyay dhammaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta, sida Tv-yada iyo raadiyayaasha. Balse, kuma uusan guuleeysan.
“Aniga dhowr mar waan isku dayay inaan ku shaqeeyo xirfadaan. Balse, shirkadihii aan ka codsaday inaan la shaqeeyo waxay i sheegeen in loo baahan yahay qof maqal leh oo aysan qaadan karin qof maqalka la. Anigoo huba inaan ku wanaagsanahay xirfadda Cameramaan-ka [sawir qaadista], ayaa hadda la qaatay kuwo aan ka fiicanahay,” ayuu yiri.
Maxamed oo maqalka naafo ka ah ayaa waligii jeclaa inuu noqdo suxufi u turjuma wararka dadka la midka ah, si ay ula socdaan dhacdooyinka caalamka.
Wuxuu hadda u wareegsaday xirfadda macalinimada oo ku dabaro nolol maalmeedka qoyskiisa, markii uu ka quustay shaqada warbaahinta.
“Saameyn weyn oo ballaaran ayay igu yeelatay, xitaa waxaan iska dhaafay xirfadeydii sawir qaadista oo waxaan meel iska dhigay caameradii oo dhan. Qofka naafada ah haddii uu shaqo soo waayo lamid ma ahan dadka kale ee waxaa uu isleeyahay waxa lagaga tagay waa naafanimada, aniga arrinkaasi waan la kulmay,” ayuu yiri.
Wariyeyaasha aragga naafada ka ah ayaa ah kuwa keliyah ee si dhif iyo naadir ah u hela fursad ay uga howl-galaan warbaahinta.
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed oo aragga naafo ka ah wuxuu ka howl-galay warbaahino kala duwan muddo afar sano ah. Wuxuu go’aansaday inuu iska dhaafo shaqada sanadkii 2020, markii uu arkay inuu san helin xuquuqaha shaqaallaha kale ee xarumahaasi, sida mushahaar kordhin iyo dallacsiin dhanka shaqada ah.
Wuxuu hadda raadinaya shaqooyin kale oo aan ahayn saxaafadda, si uu u dabaro nolol maalmeedkiisa iyo tan walidkiisa oo isaga ku tiirsan. Ninkan ayaa tilmaamay in dadka aan lixaadkooda dhameeystirnayn ay inta badan kalsooni buuxda ka helin maamulka ay u shaqeeynayaan.
“In aan indho la’ahay wax caadi ah ayay ahayd, maamulkeyga goobta shaqadana way ka warqabeen. Balse, waxaa jiray waxyaabo badan oo aan tabaayay, sida dhanka dalacsiisiinta mushaaraadka oo lagaa sari marinaayo qof kaaga dambeeyay shaqada. Waxaad u naqdinaysaa in arrintaasi ay ku timid naafanimadaada,” ayuu yiri.
Xogayaha ururka suxufiyiinta naafada ee Soomaaliya Cabdifatax Maxamuud Galgacal ayaa sheegay in dadka baahiyaha gaarka ah qabo ay inta badan la kulmaan shaqo la’aan. Wuxuu xusay in dalka ay ku suganyihiin in ka badan 100 dhallinyaro oo naafo ah, kuwaasi oo bartay suxufinimo.
Ururkan oo la aasaasay sanadkii 2018 ayaa labadii sano ee ugu dambeeysay sameeyay wacyi gelin ku aadan kartida dadka aan lixaadkooda dhameeystirnayn. Wuxuu xusay in dadkan qaarkood aysan helin xuquuqdii ay lahayeen, xitaa haddii ay dhacdo in shaqo lagu aamino.