Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee bartay warbaahinta oo wajahaya shaqo la’aan

Jibril Osman by Jibril Osman
July 27, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee bartay warbaahinta oo wajahaya shaqo la’aan

Maxamed Xasan (dhexe) oo maqalka la' wuxuu ka mid yahay dadka baahiyaha gaarka qabo ee wajahaya shaqo la'aanta/Rijal Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Maxamuud Yuusuf, oo ah 30 jir aan lixaadkiisa dhameeystirnayn wuxuu takoor kala kulmay shaqooyin kala duwan oo uu ka raadsaday xaruumaha warbaahinta ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Wuxuu aaminsan yahay in shaqooyin uu qaban karay loogu diiday lixaadkiisa oo aan dhameeystirnayn awgeed. Labada lugood ayaa waxaa ka naafeeyay dabeeyl.

Ninkaan oo ah aabbaha afar carruur ah ayaan hadda awoodin in uu bixiyo nolol maalmeedkooda. Wuxuu ku tiirsan yahay dad ehel ah oo ka caawiya kirada guriga iyo raashin ay hal waqti maalinkii karsadaan.

“Maanta waxaan ahay qof aan kaafin karin qoyskiisa oo aan ku filnaan karin. Subax walbo qof ayaan ku dhahaa ilmaheyga waxba uma haayo ee maanta iga toosi. Balse, haddii aan ahaan lahaa qof wixii uu bartay ku shaqeysta, waxaan noqon lahaa qof noloshiisa ku filan,” ayuu yiri.

Xasan wuxuu 2017 ka qallin jabiyay kulliyada saxaafadda ee Royal Academy, halkaasi oo ka qaatay diploma sare.

Wuxuu xusay in saddex idaacad uu shaqo ka helay intii u dhaxeeysay 2019 ilaa iyo 2021. Waqtigii ugu dheeraa ee uu la soo shaqeeyay xaruumahaan ayuu tilmaamay inay ahayd saddex bilood.

“Dadka lixaadkooda dhameeystiran yahay ee aan isla bilownay xaruumaha shaqada iyo kuwii iga dambeeyay, waxaan dareemayay in iyaga la siinaayo ahmiyad gaar ah. Dhaqaale ayay shaqada ka qaadanayeen oo mushahaar ayaa loo billaabay. Aniga mar waliba, waxaan la kulmaayay takoor ah inaan shaqada qaban karin, mushaar la’aan iyo in la i dareensiiyo waxa aan ahay ee Rabaaniga ah,” ayuu yiri.

Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhismooyinka ay ku yaalaan idaacadaha aysan lahayn jaraanjaro loogu tala galay dadka isaga la midka ah.

Dhallinyarada baratay warbaahinta ee maqalka naafada ka ah ayaa si la mid ah wajahaya shaqo la’aan.

Maxamed Xasan Muxyadiin oo ah sawir qaade muddo laba sano ah xirfaddan ku bartay ayaa wajahaya shaqo la’aan. Wuxuu xusay in xirfadda sawir qaadista uu si bilaash ah ku baray nin ay asxaab yihiin.

Ninkan oo 2020 ka qallin jabiyay jaamacadda Jobkey, kulliyadeeda komputerka ayaa sheegay in rajadiisa ay ahayd inuu ku shaqeeysto xirfadan sawir qaadista, maaddaama uu shaqo ku waayay xirfadiisa computerka.

Wuxuu shaqo ka raadiyay dhammaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta, sida Tv-yada iyo raadiyayaasha. Balse, kuma uusan guuleeysan.

“Aniga dhowr mar waan isku dayay inaan ku shaqeeyo xirfadaan. Balse, shirkadihii aan ka codsaday inaan la shaqeeyo waxay i sheegeen in loo baahan yahay qof maqal leh oo aysan qaadan karin qof maqalka la. Anigoo huba inaan ku wanaagsanahay xirfadda Cameramaan-ka [sawir qaadista], ayaa hadda la qaatay kuwo aan ka fiicanahay,” ayuu yiri.

Maxamed oo maqalka naafo ka ah ayaa waligii jeclaa inuu noqdo suxufi u turjuma wararka dadka la midka ah, si ay ula socdaan dhacdooyinka caalamka.

Wuxuu hadda u wareegsaday xirfadda macalinimada oo ku dabaro nolol maalmeedka qoyskiisa, markii uu ka quustay shaqada warbaahinta.

“Saameyn weyn oo ballaaran ayay igu yeelatay, xitaa waxaan iska dhaafay xirfadeydii sawir qaadista oo waxaan meel iska dhigay caameradii oo dhan. Qofka naafada ah haddii uu shaqo soo waayo lamid ma ahan dadka kale ee waxaa uu isleeyahay waxa lagaga tagay waa naafanimada, aniga arrinkaasi waan la kulmay,” ayuu yiri.

Wariyeyaasha aragga naafada ka ah ayaa ah kuwa keliyah ee si dhif iyo naadir ah u hela fursad ay uga howl-galaan warbaahinta.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed oo aragga naafo ka ah wuxuu ka howl-galay warbaahino kala duwan muddo afar sano ah. Wuxuu go’aansaday inuu iska dhaafo shaqada sanadkii 2020, markii uu arkay inuu san helin xuquuqaha shaqaallaha kale ee xarumahaasi, sida mushahaar kordhin iyo dallacsiin dhanka shaqada ah.

Wuxuu hadda raadinaya shaqooyin kale oo aan ahayn saxaafadda, si uu u dabaro nolol maalmeedkiisa iyo tan walidkiisa oo isaga ku tiirsan. Ninkan ayaa tilmaamay in dadka aan lixaadkooda dhameeystirnayn ay inta badan kalsooni buuxda ka helin maamulka ay u shaqeeynayaan.

“In aan indho la’ahay wax caadi ah ayay ahayd, maamulkeyga goobta shaqadana way ka warqabeen. Balse, waxaa jiray waxyaabo badan oo aan tabaayay, sida dhanka dalacsiisiinta mushaaraadka oo lagaa sari marinaayo qof kaaga dambeeyay shaqada. Waxaad u naqdinaysaa in arrintaasi ay ku timid naafanimadaada,” ayuu yiri.

Xogayaha ururka suxufiyiinta naafada ee Soomaaliya Cabdifatax Maxamuud Galgacal ayaa sheegay in dadka baahiyaha gaarka ah qabo ay inta badan la kulmaan shaqo la’aan. Wuxuu xusay in dalka ay ku suganyihiin in ka badan 100 dhallinyaro oo naafo ah, kuwaasi oo bartay suxufinimo.

Ururkan oo la aasaasay sanadkii 2018 ayaa labadii sano ee ugu dambeeysay sameeyay wacyi gelin ku aadan kartida dadka aan lixaadkooda dhameeystirnayn. Wuxuu xusay in dadkan qaarkood aysan helin xuquuqdii ay lahayeen, xitaa haddii ay dhacdo in shaqo lagu aamino.

Previous Post

Galmudug: Colaad qabiil oo shaqo la’aan ka dhigtay gaadiidleyda gobolka Galgaduud

Next Post

Dhadhaab: Kumannaan haween ah oo laga caawiyay xirfado ay ku shaqaystaan

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
blank

Dhadhaab: Kumannaan haween ah oo laga caawiyay xirfado ay ku shaqaystaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo