Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhadhaab: Kumannaan haween ah oo laga caawiyay xirfado ay ku shaqaystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
July 28, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Aamino Cabdulqaadir oo dhex-fadhida koox haween ah oo ku shaqaysta xirfadda la baray/Bashiir Gaaxnuug/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dallad ay ku midaysan yihiin haween la baxay Together Women Group ayaa haweenka ku nool xerada Xagardheer ee qoxootiga Dhadhaab ka caawiya shaqo abuurka iyo akhris qoraalka maadooyinka aasaasiga ah.

Waxay baraan xirfado ay ka mid yihiin karinta iyo  rinjiyaynta dharka, karinta cunnooyinka, iyo samaynta macmacaanka. Xirfadahan ayaa marka ay ka qalin-jabiyaan waxay ku dhiiradaan inay si madax bannaan ugu shaqeystaan.

Faadumo Mataan Cabdullaahi oo 43 jir ah waxay ka mid tahay haweenka shaqo abuurka ku helay aqoontii la baray. Tababar ay qaadatay lix bilood ayaa u horseeday furashada ganacsi u gaar ah oo dhar karin ah. Waxay bishii shaqadan ka heshaa 540 doollar. Lacag ayay u kala qeybisaa ganacsiga iyo nolosha.

Haweeneydan ayaa sheegtay inaysan hadda wax welwel ah ka qabin maaraynta nolosha qoyskeeda. Dhaqaalaha soo gala ayaa ka caawiyay inay carruurteeda oo shan ah ay u hesho cunno saddex waqti ah iyo daryeel buuxa.

Waxay xustay inay isbeddelka muuqda ka dhaxleen shaqada la siiyay oo ay tilmaamtay inay u noqotay il dabooshay baahiyihii ay la halgamaysay.

“Ciyaal baan iskuullo ka geystay. Guryihii hore ee ay hay’adda i siisay way iga dumeen, guryo ayaan ka dhistay. Musqullo ayaan ka dhistay. Waalidkay baan wax taraa.  Hadda meel aan aniga leeyahay oo ganacsi ah ayaan samaystay. Waan ku faraxsanahay.”

Saddex ka mid ah carruurteeda oo kala ah labo gabdhood iyo wiil ayaa dhigta iskuul si gaar ah loo leeyahay Laguna magacaabo Cambridge. Waxay bishii ku bixisaa waxbarashadooda  $47.

Sidoo kale waxay dhisatay 2 qol iyo barando iyo musqul. Waxaa uga baxay qarashka gaaraya 2,669$. Waxay isku helaan hoy wanaagsan iyo nolol uga wacan middii ay ku sugnaayeen ka hor inta aysan shaqadan billaabin.

Saygeeda ayay sheegtay inuu bukaan socod la yahay cudurka dhiig kar isla markaana aysan wax taageero ah ka helin. Waqtigeeda ugu badan waxay ku soo qaadatay nolosha qaxootinimada. Ilaa iyo maanta waxaa xasuusteeda ku kaydsan duruufihii ay soo martay.

“Noloshaydu way iska liidatay. Ma aanan haysan maro aan ku lebbisto. Gabadha facay ah dharka ay qabto ma aanan qabin.”

Ka hor shaqadan waxay ku tiirsanayd raashinka xeryaha laga bixiyo. Bishii waxay qoys ahaan ku helaan  45 kg bariis, 45 moordi, 6.5 litar saliid ah deeqdan ayay xustay inay ka dhamaan jirtay marka la gaaro bartahaha bisha. Waxay wajihi jireen hubanti la’aan balse hadda waxay gaareen isku kilnaan.

Faadumo waxay dhanka cunnada ka kabta labo qoys oo ay qaraabo yihiin oo ka yimid Soomaaliya, kuwaas oo bishii May ku soo biiray xerada ay ku nooshahay.

Haweenkan midoobay ayaa kumannaan haween ah u sameeyay shaqo abuur si dadban iyo si toos ah. Haweenka ayaa marka ay tababaraan si gaar u shaqeysta balse waxaa jira kuwo ka hawl gala xarumo ay gacanta u hayaan.

Deeqo Cabdiraxiim Salaad oo 29 jir ah, waxay ka mid ah tahay haweenka fursadda shaqo abuur ka helay warshadda macmacaanka samaysa oo si iskaashi ah ay ku fureen bishii Maarso ee sanadkan dalladda.

Warshadan iyo maxaaqi ku lamaan oo lagu gado wax soo saarkeeda waxaa fursad shaqo abuur ka helay lix haween ah, kuwaas oo qabta hawlaha shaqooyin kala duwan.

Warshadda ayaa Deeqo u sahashay inay helaan daqli kor u qaaday hab nololeedka qoysaskooda oo horey ula daalaadhacay helidda hal waqti oo cunno ah balse hadda waxay gaareen isku filnaansho dhaqaale.

Haweeneydan oo ah carmal haysata gabar saddex jir ah ayaa bishii mushaar ahaan u qaadata 140 doollar. Waxay sidoo kale shaqadan ka kabtaa walaalaheed iyo hooyadeed oo ay la noolshahay. Waxay sidoo kale shaqadan ka caawisaa sagaal qof oo isugu jira walaaleed iyo qaraabo.

Deeqo waxay isbarbar dhig ku samaynaysaa faraqa u dhaxeeya nolosheedii inta aysan fursad helin iyo hadda waxa ku soo kordhay.

“Maanta waxaad heshid ama ha kuu yaraadaana ama ha kuu bataan waa wax aad heshay. Laakin markaad meel banaan taagantahay oodan waxba haysanin isku mid ma ahan. Isbeddel wayn ayaan gaaray.”

Deeqo waxay haweenka la deggan xerada Xagardheer ku wacyi gelisaa muhiimadda ay leedahay in shaqooyinka lagu dhiirado beddelkii guryaha la joogi lahaa.

“Hormar gaara, wax qabsada. Shaqo sideeda ceeb ma aha, laakiin haddii aad guriga iska fadhidid wixii aad rabtay ma helaysid, noloshii aad rabtayna ma gaaraysid. Waxaan gabdhaha ugu baaqayaa shaqo ha yaraato ama ha badnaado waa uun shaqo.”

Raashinka waxay bishan heshay 45 kg oo bariis ah iyo 45 kg oo moordi ah iyo 6.5 litter oo saliid ah. Baahida qoyskeeda ayay tilmaamtay inaysan kaalmadan ku filnayd taas ayaa ku xanbaartay inay shaqayso.

Nolosha qoyskeeda ayaa ku tiirsaneyd raashinka xeryaha laga bixiyo oo aan ku filneyn balse shaqadan cusub ayaa u sahashay inay helaan cunno saddex waqti ah.

Aamina Cabdiqaadir Cali oo ah hormuudka dallada haweenka ayaa sheegtay inay aasaasidda warshadda u soo mareen geedi dheer. In ka badan shan sano waxay ka shaqeynaysay xirfad baridda haweenka.

Dhaqaale ay mudadaas iska aruurinayeen ayaa fududeeyay furidda xarunta.

Waxay ku hanweyn tahay inay wax ka qabato heerka shaqo la’aanta haweenka xeryaha. Waxay ka hadlaysaa dadka ay mudnaanta siiyeen markii ay shaqaale qaadanayeen.

“Haweenka ay dhibaatooyinka ay ku soo dhacaan sida kufsiga oo kale. Sida gabdhaha yaryar ee ilamaha lagu dayriyay oo kale. Waxaan soo xulnay garoobada. Waxaan soo xulnay agoonlaynda. Dadkaas jilicsan ayaan ku bilownay. Dadka ugu tabarta yar ee la dhihi karo dhaqaalaha xaggiisa waa laga kaalmayn karaa,” ayay tiri.

Haweeneydan waxay xeryaha ku soo biirtay 1991. Waxay la hardamaysay nolosha balse hadda waxay dareemeysa isku filnaan.

“Waxaan yeeshay dhaqaale. Maanta lix kun ama toddobo kun [Kenya Shilling] ayaan dhigaalsadaa. Nolol fiican ayaan ku noolahay waayo qadaan cunaa, quraac baan cunnaa, cashaan cunnaa. Xirfadda aad ayay wax iigu soo kordhisay. Xagardheer haddii aan dhexmaro qof baabuur iyo qaada iyo qof ii joojiya waaye,” ayay tiri.

Haweenkan ayaa xerada ku dhex leh dhismooyinka labada oo ay ku shaqeeyaan balse waxay soo mareen xilli ay agabka dhulka ku aasi jireen sabab la xiriirta inaysan haysan meel ay dhigtaa.

Waxay sheegtay inay ku talo jiraan sidii ay u ballaarin lahaayeen wax soo saarkooda. Tan iyo markii ay midoobeen sanadkii 2018 waxay fursad shaqo abuur u sameeyeen haween la furay oo la halgamayay korinta carruurtooda.

Previous Post

Muqdisho: Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee bartay warbaahinta oo wajahaya shaqo la’aan

Next Post

Shabeellaha hoose: Beeraleyda Wanlaweyn oo qasaare uu ka soo gaaray daad baabi’iyay dalagyo ay beerteen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Jowhar: Qoysas ay go’doomisay fatahaadda oo ka walwalsan inay biyaha guryaha ugu soo galaan

Shabeellaha hoose: Beeraleyda Wanlaweyn oo qasaare uu ka soo gaaray daad baabi’iyay dalagyo ay beerteen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo