Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle

Sahra oo hor fadhida miiskeeda oo ay saaran yihiin basal iyo baradho uga timid Itoobiya/Cabdisalaan Xasan/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qiimo koror ku timid khudaarta ayaa saameeyay nolosha dadka deggan magaalada Cadaado. Muddo saddex toddobaad ah magaalada ma aysan imaan gawaaridii xamuulka ahaa qudaarta ka soo qaadi jiray magaalada Beledweyne iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya sabab la xiriirta fatahaadda wabiga Shabeelle iyo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka iyo deggaanada ku teedsan.

Goobihii lagu iibin jiray qudaarta ee suuqyada degmada ayaa badi xiran halka kuwa furanna ay hayaan noocyo xaddidan oo dadku aysan wada gadan karin. Qoysaskii ka ganacsan jiray ayaa ah kuwa ugu daran ee ay taabatay dab shidashadoodii maalinlaha aheyd.

Sahro Maxamed Cali oo ah hooyada toban carruur ah, waxay miis yar oo khudaarta lagu iibiyo ku leedahay suuqa Cadaado. Waxay subax walba miiska dhigan jirtay  yaanyo, moos, basal iyo baradho, balse tan iyo labaatankii bishii Apriil ee sanadkan meheraddeeda ma furin.

Arrintan waxay saameyn ku yeelatay nolosha qoyska Sahro oo ku tiirsanaa wax soo saarka miiskeeda. Inta aysan khudaar la’aanta dhicin waxay maalinle uga heli jirtay shaqadeeda lacag u dhaxaysa $5-6 oo faa`iido ah, balse hadda ay ka farro maran tahay.

“Waxii markay qaali noqdeen waa la gadan waayay. Wax yar oo aan soo qaadanno nolosha ayaan ka dabari jirnay. Haddase waan dabari waynay qudaarlayda oo dhan ayaa ila mid ah.”

Sahro waxay sheegtay in helidda khudaarta oo yaraatay darteed ay keentay qaaliga xadka dhaafka ah. Waxa ay xustay in jirgaanka yaanyada oo loogu keeni jiray $12  hadda uu marayo $24.  Si lamid ah waxaa labo jibaarmay khudaarta kale, taas oo beeraleydu sabab uga dhigeen qiimaha shidaalka oo kordhay iyo xirnaanshaha waddada.

Sahro waxaa qoyskeedu ku tiirshan yahay raashin saddex haaf oo Bur, Bariiis iyo Sonkor ah oo ay ka soo daynsatay bakhaar ay macaamiil ahaayeen mana hayso qorshe ay danyntaas oo $70 ah ay ku guddo.

Dhaqaalo xumada soo foodsaartay haweenaydan darted waxay bixin waysay lacagta waxbarashaa saddex ka mid ah carruurteda oo dhigta fasaladda gusiga sare iyo dhexe oo bishii laga qaadin jiray lacag dhan $26.

Waxaa lagu leeyahay bilaha Apriil iyo May. Waxa ay cabsi ka qabtaa in fasal laga saaro, maadaama dhawr jeer loo soo faray carruurta in ay qarashka lagu leeyaha oo dhan $52 ay iska bixiso.

Gansigeeda oo ay ku billawday $250 oo ay daymisay gabar ay qaraabo yihiin sanadkii 2016 ayaa xiligaan wajahaya caqabad aan horay u soo marin. Waxa ay xustay in muuskeedu usan sii furnaan karin waxii ka danbeeya inta bisha ka dhiman haddii aan xaalku isbaddelin. Waxaa lagu leeyahay kiradda labo bil oo ah $20 oo uu ka qaado nin leh tukaan ay hortiisa wax ku gatato.

Ganacsatada khudaarta ee ku shaqo beelay xaaladdan waxaa ka mid ah Ayaan Maxamed Faarax  oo iyaduna suuqa  ku lah meherad lagu iibiyo qudaarta.

“Khudaartaas yartaa reerka noloshiisa ayada ayaan ka raadin jiray, miciishaddii dhameed waanagu qaaliyowday biyo ayaa gooyay carradii sicir barar waa iska jiraa. Markay khudaartu raqiista ahayd waxaan ka heli jirnay, laakiin hadda lafaheedii ayaa nagu go’ay. Waxaan miiskaas ahayn wax igama soo galaan qutul-daruuriga reerka miiskaas ayuu ku jiraa.”

Meheradda waxa kaliya ee ay ku iibiso waa basasha iyo baradhada ka timaadda Itoobiya si aan ganacsigeedu u istaagin, laakiin waxay sheegtay in ay khasaare kala kulanto, maadaama dadku aysan iibsanayn haddii aysan wahlin khudaarta kale.

Qoyska haweenaydan oo ka kooban labada waalid iyo lix Carruur ah waxay ku tiirsan yihiin neef uu u gaday aabbaha reerka oo qoys kale oo uu ku leeyahay miyiga magaalada Cadaado uu uga keenay, markii uu uu xumaaday ganacsigii ay ku tiirsanaayeen.

Gudoomisada ganacsatada heerarka hoose iyo dhexe  ee Galmudug Maryan Cali Cismaan ayaa sheegtay in fatahaadda wabiga iyo roobabka ay sababeen in ay shaqo la’aan noqdeen ilaa 23 kun oo qof oo horay ugu tirsanaa khudaarta, kuwaas oo ku kala nool dhamaan deegaanada Galmudug.

Waxa ay rajo xumo ka muujisay xaaladda qoysaska ay arrintaan saaamaysay oo aan lahayn meel kale oo ay ciirsadaan sida ay Radio Ergo u sheegtay.

“Waxaan dhihi lahaa aniga ha laga soo gaaro ganacsatada yaryar ee reer Galmudug. Waa dareemikartaa qoys dhan oo waxii uu ku tiirsanaa ay soo xirmeen dhibaatada haysa kuma sii jiri karaan haddii aan la gacan qaban.”

Waxa ay xustay in ganacsatada yaryar ee arrintaan saamaysay ay u badan yihiin dadkii ka soo xarooday abaaraha iyo colaadaha oo si ay noloshooda u maareeyaan furtay miisaskan khudaarta, maaddama billawgooda uusan u baahnayn dhaqaalo xooggan.

Previous Post

Afmadow: Daad ka dhashay roobka oo saameeyay waxbarashada boqollaal arday ah oo ku jira xeryaha lagu barakacay

Next Post

Muqdisho: Arday ka soo jeeda qoysas barakac ah oo waxbarasho la’aan noqday markii uu daad burburiyay iskuulkii ay dhigaanaayeen oo ku yaalla degmada Dayniile

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Arday ka soo jeeda qoysas barakac ah oo waxbarasho la’aan noqday markii uu daad burburiyay iskuulkii ay dhigaanaayeen oo ku yaalla degmada Dayniile

Muqdisho: Arday ka soo jeeda qoysas barakac ah oo waxbarasho la'aan noqday markii uu daad burburiyay iskuulkii ay dhigaanaayeen oo ku yaalla degmada Dayniile

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo