Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gabar Injineer ah oo hiigsneysa inay heer sare ka gaarto shaqada dhismaha oo ay ragga ku badan yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
November 5, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali news, Somalia live news, Radio Ergo news

Hibaq Maxamed Cilmi oo booqatay mid ka mid ah guryaha ay shirkadeedu ka dhisayso magaalada Berbera/ERGO

6
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Marka ay Hibaaq Maxamed Cilmi booqato meelaha uu dhismaha ka socda ee ay iyadu injineerka ka tahay waxay shaqaaluhu ku qaldaan qof danaynaya inuu kireysto ama iibsado dhismaha cusub. Qofna uma maleeyo inay tahay injineerka qaabeeyay dhismaha oo si ay u kormeerto u tagtay goobta.

Tan iyo intii ay xarigga ka jartay shirkaddeeda dhismaha ee Mama bishii Maarso ee 2020-kii, Hibaaq waxay ka shaqeysay dhismaha 30 guri oo isugu jira kuwo gaar loo leeyahay iyo xafiisyo-dowladeed oo ay ka dhistay magaalada Berbera.

Waxay shaqeysaa 14 saac maalinkii, waxayna waqtigaa ku diyaarisaa qaabka-dhismaha guryaha. Sidoo kale, waxay soo kormeertaa guryaha uu dhismaha ku socdo ee ay shirkaddeeda dhisayso iyo raadinta qandaraasyo cusub. Balse waxay maalin walba bulshada ay ku dhex nooshahay kala kulantaa caqabado maaddaama ay tahay haweeneyda keliya ee dhismaha ka shaqeysa.

“Cabaqaddu ilaa maalinkaan waxbarashadayda billaabay ilaa maalinkaas aan kula hadlayo way jirtaa. Waa mid bulshadeenna kaaga imanaysa oo bulshadeennu maba aqoonsana in ay gabadhi wax dhisi karto oo waa lagula yaabayaa. Iyadoo la arkay [wixii aan qabtay] ayay haddana odhanayaan iyadu may dhisin oo lagu tilmaamayaa inuu dhisay shaqaalaha ii shaqeynaya,” ayay tiri.

Injineer Hibaaq ayaa maamule u ah konton qof oo ay shan xafiiska kala shaqeyso halka 45 kale ay ka shaqeyaan dhisida guryaha. Waxay xustay in shaqaalaheeda oo dhamaan rag ah aysan inta badan si dhab ah u qaadan marka ay shaqo u dirto, maaddaama ay ku cusub tahay haweenay maamule ka ah shirkad-dhisme.

Hibaaq waxay ku biirtay jaamacadda Berbera sanadii 2014-kii kaddib markii ay deeq waxbarasho ka heshay. Waxay ka soo qallinjabisay kulliyadda injineerka dhismaha guryaha ee jaamacadda sanadkii 2018.

Dadka ayaa la yaabay markii ay dooratay inay barato dhismaha guryaha iyadoo ka mid ahayd ardaydii buundooyinka wanaagsan keenay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaadday wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Dad badan ayaa filayay in aysan waxbarashada dhameyn doonin. Balse waxay dhiirigelin ka heshay guddoomiyaha jaamacadda iyo qoyskeeda.

“Maalin ayaan go’aansaday inaan riyadayda ka tanaasulo maaddaama bulshadii igu xeernayd ay lahaayeen ma wanaagsana. Waxaan go’aansaday inaan la tashado guddoomiyaha jaamacadda oo aan ku idhaa ‘waxaan rabaa inaan ka wareegsado kulliyaddaan’. Guddoomiyuhu wuxuu igu yiri ‘ka fikir waxaad ummadda u qaban doonto markaad waxbarashada dhameyso’,” ayay tiri.

Helista qandaraasyada dhismaha ayaa ah caqabad kale oo weyn oo ay wajahdo. Waxay xustay in markii hore codsiyadeeda laga doorbidi jiray kuwa ay shirkadaha ragga hoggaamiyaan. Waxay ku dhowaatay inay quusato kaddib markii ay dareentay in macaamiishu aysan ku kalsooneyn xirfaddeeda. Guusha ay hadda gaartay ayay u nisbeysay qoyskeeda, oo ay sheegtay in mar walba ay taageerayeen, dhiirigelin buuxdana ay u fidinayeen markii ay ku jirtay marxalladdii adkeyd.

“Maalin walba waxaa iga hor yimaada intaas oo sababood oo aan uga baxo xirfaddaan. Laakiin waxa yimaada kuwo kale oo aan kaga gudbayo anigoo samraya. Waan ku faraxsanahay inaan shirkad yeesho, waxaan doonayaa inaan ka miro-dhaliyo oo aan meel sare ka gaaro xirfaddeyda,” ayay tiri.

Hibaaq ayaa xustay in shaqadeeda ay tayo wanaagsan tahay, taas oo ah tan u soo jiidda macaamiil badan oo doonaya inay guryahooda u dhisto.

Bulshada ay la nooshahay oo isugu jira rag iyo dumar ayaa inta badan waydiiya sababta ay u guursan la’dahay. Waxay sheegtay in mararka qaar lagu dhego-hadlo oo lagu yiraahdo, ‘dumarka waxaa loogu talagalay inay guriga joogaan’. Hase ahaatee waxay ku faraxsan tahay inay u calool-adeygto dhego-hadalkaas, tusaalena ay u noqoto gabdhaha kale ee hammigooda uu sarreeyo.

“Waxaan rajeynayaa inaan meel sare ka gaaro xirfaddaan oo dhismayaasha ugu quruxda badan aan dalka ka dhiso. Waxaan rabaa in dhismaha waddanka aan ka qayb qaato oo meelaha ugu sarreeya ee xirfadda dhismaha laga gaaro ayaan hiigsanayaa,” ayay tiri.

Previous Post

Dadka Jowhar oo ka cabsi qaba inay cudurro ka dhashaan biyaha fatahaadda ee fadhiya guryahooda

Next Post

Bacaad aasay guryaha iyo xarumaha danta guud ee tuulada Kulub, Mudug

Related Posts

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 24, 2025
Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta

November 21, 2025
blank
Cunto-Yaraanta

Shaqo la’aan nolol xumo galisay qoysaska rag dhulka kala dalaala oo ku nool Baydhabo

November 20, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dab baabi’iyay boqollaal ganacsi oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

November 18, 2025
Haween iyo rag ka shaqeeya nadaafadda Kismaayo oo hela raashin bille ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween iyo rag ka shaqeeya nadaafadda Kismaayo oo hela raashin bille ah

November 17, 2025
Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo

November 13, 2025
Next Post
Somalia news, Somali news live, Somalia news live, Radio Ergo News

Bacaad aasay guryaha iyo xarumaha danta guud ee tuulada Kulub, Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-NOV-2025

IDAACADDA 23-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2025
November 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2025
November 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2025
November 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-20-Nov-2025
November 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV-2025
November 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

IDAACADDA 19-NOV-2025
byRadio Ergo

IDAACADDA 19-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV-2025
November 19, 2025
Radio Ergo
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2025
November 23, 2025
Radio Ergo
Search Results placeholder
No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo