Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Cilmi-baaris lagu ogaaday in fursado ganacsi ay ka jiraan deegaannada ka baxsan laamiga

Radio Ergo by Radio Ergo
May 27, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hay’adda cilmi-baarista ee PDRC, ayaa cilmibaaris ay ka samaysay lix magaalo oo ka baxsan laamiga kana tirsan gobollada Mudug, Sool, Sanaag, Nugaal, Bari iyo Karkaar ku ogaatay in ay jiraan fursado shaqo abuur ah oo maalgalin u baahan.

Hay’adda ayaa fursadahan ku sheegtay inay ka bannaan yihiin xoolaha, beeraha, xijiga iyo kalluunka. Waxay xustay in haddii la sameeyo shaqo abuur ay wax badan ka tari karto dhallinyarada deegannadaas oo aada magaalooyinka waawayn si ay u helaan shaqooyin.

Weriyaha radio Ergo Cabdiweli Maxamed ayaa arrintan ka wareystay Carshe Maxamed Siciid oo ah cilmi baare ka tirsan hay’adda PDRC, ugu horreynna waydiyay waxyaabaha ay ku ogaadeen cilmi-baaristan oo socotay lix bilood.

Caarshe Mohamed: Cilmi-barista waxay ku saabsanayd fursadaha shaqo abuur ee ka bannaan ee gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya . Waxaan baritaan ku sameeynay wax soo saarka kalluumeeysiga, beeraha, xoolaha iyo xijiga. Waxaan soo ogaannay inay jiraan fursado ganaacsi oo aan wali laga faideysan.

Dadka aan xogta ka soo qaadnay waxay ahaayeen dhallinyarada, haweenka iyo odayaasha.

Waxaan u daarney dadka darasadeena ka qayb qaatay muuqaallo, waxaan sidoo kale tusnay ganacsato abaalmarinno ku guulaystay. Xogtii aan soo aruurinay ayaan u soo bandhignay, ganacsatada , ardayda jamacadaha iyo maclimiintooda.

Radio Ergo: Maxaad ku ogaateen cilmi-baaristiina?

Caarshe Mohamed: Waxaan ku ogaanay in dhammaan ganacsiyadan ay meesha ka baxayaan haddii aan maalgalin lagu samayn oo aan laga faa’ideysan Waxaad arkeeysaa doomo kalluumaysi oo laga leeyahay wadan shisheeye oo ka kalluumaysanaya baddeenna halka dhalinteenna ay shaqo la’aan yihiin. Arrinta kallumeeysiga sharci darrada ah waa mid caalamka oo dhan dhibaato ku haysa haddana Soomaaliya aad ayay ugu nugushahay. Waxaa la dhahay dhulka Puntland beer laguma abuuri karo balse taa been ayay noqotay oo hadda dad badan ayaa beero abuuranaayo. Balse beeraleeydaan waxay u baahanyihiin caawinaad, haddii ay ahaan lahayd tababaro habka loo tacbado beeraha iiyo lagu laga caawiyo suntan ay isagabuufiyaan cayayaannada gala dalagga.

Sidoo kale waxaan soo ogaanay in caanaha geela ee lagu iibiyo magaalooyinka aanan lagu sameeynin wax maalgelin ah. Sidii aan ka sheegnay soo bandhigista xogtaan  shidaalka litarkii waxaa la gadaa $0.60 halka caanaha geel litarki la iibiyo $1.3, oo noqonaysa laba jibbaar lacagta la iibiyo shidaalka. Balse waxaa la yaab leh in dhanka shidaalka ay jiraan ilaa iyo 25 shirkado oo ka ganaacsada halka jirin hal shirkad oo ganaacsato caanaha geela, Marka dhanka caanaha geela dowladda iyo shacabkaba waxaa ugamaqan dhaqaale badan.

Radio Ergo: Waa maxay u jeedka ay PDRC ka leedahay cilmi-baaristaan?

Caarshe Mohamed: Ujeedadeenni waxay ahayd in aan kor u qaadno wacyigelinta si haweenka iyo dhallinyarada shaqo uga helaan maalingalinta khayraadka. Midda labaad, waxaan doonaynay in dowladda iyo ganacsatada ay maalgashi ku sameeyaan fursadahaan dhaqaale.

Radio Ergo: Maxaad ku doorateen lixda magaalo ee aad ku saleeyseen cilmi- baaristiina?

Caarshe Mohamed: Waxaan ku doorannay kheeyraadkooda. Tusaale ahaan magaalada Godad  oo ka tirsan gobolka Mudug oo ka mid ah meelaha aan cilmi-baarista ku samaynay waxay can ku tahay caanaha geela. Sidoo kale magalada Bayle iyadana waxay caan ku tahay kalluumeeysiga. Wali maanan dhameeynin cilmi-baarista. Xogtii aan soo bandhignay waxay ahayd kaliya qaybta koobaad. Waxaan hataan billaabaynaa qaybta labaad ee cilmi-baarista oo aan xog uga soo u ruurinayno tiro ka badan tan aan soo uruurinay.

Radio Ergo: Maalgashiga loo baahnayahay waa maxay?

Caarshe Mohamed: Hataan waxaa jira ganacsiyo yar-yar oo aan rasmi ahayn oo ay gacanta ku hayaan haweenka Soomaaliyeed oo ka shaqeeya arrimaha beeraha, kalluumeysiga iyo waxii la mid. Waxaan ugu baaqaynaa bangiyada iyo hay’adaha kale ee daymaha bixiya inay amaaha siiyaan haweenkan ganacsatada ah.

Sida uu xalku yahay hadda raashinka iyo khudaarta dalka lagu beero waa qaali waayo matoorkii shidaalkiisa waa lacag. Beeraleeydana awood uma laha inay lacagtaas bixiyaan marka sidaa darteeda badeecadaayaa qaali ah. Dowladda waxaan ku dhihi lahayn inay u sameeyaan matoor ku shaqeeyo solar-ka si ay beeraleeyda ugu baaqato lacagta shidaalka si dalagga soo ga’ayaa uu raqiis u noqodo.

Sidoo kale kuwa iibiyo caanaha geela waxay u baahanyihiin shirkado u sameeyo dhallooyin u khaas ah oo sawirka caanahood iyo magaca caanaha ay ku qoranyihiin. Fursado badan oo shaqo abuur ah ayaa halkaan ku jira hadii la helo ganaacsato maalgashi ku sameeyso.

Radio Ergo: Muxuu ka kooban yahay wajiga labaad ee cilmi-baaristiinu?

Caarshe Mohamed: Wejiga labaad waxaan ku dhisi doonnaa xogti aan soo uruurinay wajigii kowaad ee cilmi-baarista iyo waxii nooga soo baxay. Tusaale ahaan, waxaan tababar siin doonnaa dhallinyarada, waxaan dhallinyarada ku xiri doonnaa ganaacsatada awoodda maalgalinta. Waqti ayay qaadan doontaa inaan soo gabogabaynno wajiga labaad balse waxaan rajaynaynaa inaan soo gab gabaynno bisha Luulyo.

Previous Post

Carruur ku waxbarasho beelay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka gaystay Jowhar iyo deegaanno ku dhow

Next Post

Qashin buux-dhaafiyay xeryaha barakaca Guriceel oo dhallinyaro ay si isxilqaan ah uga qaadayaan

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Qashin buux-dhaafiyay xeryaha barakaca Guriceel oo dhallinyaro ay si isxilqaan ah uga qaadayaan

Qashin buux-dhaafiyay xeryaha barakaca Guriceel oo dhallinyaro ay si isxilqaan ah uga qaadayaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo