Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Carruur ku waxbarasho beelay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka gaystay Jowhar iyo deegaanno ku dhow

Radio Ergo by Radio Ergo
May 25, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur ku waxbarasho beelay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka gaystay Jowhar iyo deegaanno ku dhow

Xaliimo,13,oo ay fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar uu waxbarasho la'aan dhigtay ayaa sawir la galeeyso walaalaheeda ka yar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Cabdulqaadir Cali oo 13 sano jir ah waxay ka mid tahay boqollaal arday ah oo waxbarashadoodii waayay labadii bishan May. Waxay dhiganaysay fasalka saddexaad ee dugsiga hoose iyo dhexe ee Baarey oo ku yaalla magaalada Jowhar, fatahaadda uu sameeyay wabiga shabeelle ayaa saamayn ku yeelatay casharradii ay qaadanaysay, hoygoodii iyo nolol-maalmeedka qoyskeeda.

Waxay isku diyaarinaysay Xaliimo ka hor fatahaadda wabiga galidda imtixaankii ay ugu gudbi lahayd fasalka afaraad ee dugsigeeda hoose, waxay sheegtay in ay dareemayso walaac la xariira sidii dib ay ugu heli lahayd waxbarashadii ka luntay.

“Buuggaagtii iyo dugsigii aan waxbarashada ku haynay inta bada biyaa naga wada qaaday, wax aan  imtixaan ku galno ma haysanno cashirradii noo diyaar sanaa ee imtixaannaadka kuligood daadka naga qaaday wax buug ah xitaa ma haysanno, gurigaan dhex-joogaa wax talo ah oo faro iiguma jirto, diricii aan ku soo cararay ilaa hadda oo 18 maalin laga joogo baan wataa.”

Saddex ka tirsan walaalaheed oo labo ay gabdho yihiin islamar kaana da’ahaan ka yar oo ay wada dhiganayeen iskuulka Baarey ayaa la mid ah oo waxbarasho la’aantu ku dhacday. Iyaga iyo qoyska intiisa kale ayaa hadda barakac ku ah dhul-taag ah oo ay ka dhisteen aqal-yar oo cooshad ka samaysan oo dhaxanta iyo dhibicda roobka wali da’aya ay ka galaan.

Iskuulka Baarey oo wasaaradda waxbarashada Hir-shabeelle ay ka dhigtay waxbarasadiisa bilaash dabayaqaadii sanadkii 2020-kii ayaa la hirgaliyay siddeed sano ka hor, Xaliimo Cabdulqaadir oo sanadkii hore ku soo biirtay markii ay ka soo wareegtay iskuul lacag lagu dhigto oo qoyskeedu ay ka bixiwaayeen waxay rajo fiican ka qabtay in ay heer fiican ka gaarto waxbarashada.

Hadda oo ay barakaceen waxbarashadiina ay ka istaagtay waxay ka warramaysa waxay qabato iyo qorshaheeda.

“Wax qorshe ah oo aan ilaa iyo hadda haynno ama talo aan ahyno maleh lacag macnaha iskuul kale qarash aan ku bixinno mahaysanno beerihii biyaa nooga jira gurigii sidoo kale meel aan ku harsano ayaan la’anahay waxbarasho kale oo la qorshaynayo iyo sida ay u taallo haddii aan wax naloo qabanayn waxba kama sheegi karo annaka laakiin waan rajaynaynaa.”

Qoyskeeda ayaa fatahaadda ku waayay dalag lixdan habeen ku beernaa beertooda oo labo hiktar ah, guri labo qol ka kooban oo dumay, toddobo neef ari ah iyo dhowr toban digaag ah oo ay dhaqanayeen, gargaar raashin ah oo maamulka Hir-shabeelle uu u qaybiyay dadka barakacay maalintii talaadada ee toddobaadkan ayay qoyskeedu ka heleen siddeed kilo oo bur, bariis iyo sonkor iskugu jira oo ay hadda dabka saartaan.

Arday gaaraysa 220 qof oo iskuulka Baarey dhiganayay islamar kaana Xaliimo ay ka mid tahay wuxuu mustaqbalkooda waxbarasho ku xiran yahay dib-u-dhiska iskuulka oo ay fatahaaddu burburisay, maamulka iskuulkaas ayaannu ka ogaannay in aysan jirin rajo ka sokaysa jawaabta ay ka sugayaan wasaaradda waxbarashada Hir-shabeelle oo ay u gudbiyeen qasaaraha iskuulka gaaray iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Maxamuud Yuusuf Suleymaan oo ah maamullaha Baarey wuxuu sharraxayaa burburka ku yimid dhismaha iskuulka ee carruurta ay wax ku barayeen.

“Wuxuu ka koobnaa lix qof labo way liicsan tahay labo-na wuu qaaday labo kaliyaa taagan iyaguna way dhici rabaan, waxaa ka dhalan doona waxbarasho la’aanta qaab daran oo ah ilmaha in ay fasahaadaan in ay kala haadaan oo magaalooyin kale aadan ilaa Xamar oo ay sidaas waxbarashada ku gabaan. Sidaas darteed ilmo waxbarashadooda lunto ay noqdaan.”

Maamullaha wuxuu walaac ka muujiyay in ay adkaan doonto inta ka harsan sanadkan dib u howl galinta iskuulka hadiiba dhaqaale loo helo, Ardayda fatahaadda Jowhar waxbarashada ku waayay ayaa kor u dhaafay toddobaadkan 500 qof oo ay qayb ka yihiin ardayda wax ka baranaysay iskuulka Baarey sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Hir-shabeelle, waxay iskugu jiraan iskuullo biyo galeen iyo kuwo carruurtii dhiganaysay ay qoysaskooda la barakaceen.

Cismaan Nuur Dhaqane iskudwuaha wasaaradda waxbarashada ee dagmada Jowhar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in wali fatahaadu meelo cusub ay ku sii fidayso oo iskuullo ay ku jiraan, taasi oo adkaynaysa in la qorsheeyo dib u hagaajinta xarumihii hore iyo soo celinta ardayda.

“Iskuullada fatahaaddu saamaysay Baarey kaliya maaha way badanyihiin waxaa ka mid ah Dhaaygawaan, Daanyeerey iyo Kongo, wali hadda biyihii ayaa socda maalinba iskuul bey sii galayaan dhibaatadii wali way socotaa buqihii wali lama xirin iskuulkii u danbeeyay Daanyeerey habeen hore ayay galeen arrintaasna waan u fariisan doonnaa.”

Wuxuu xusay in saamayn xun ay waxbarasho la’aantu ku yeelankarto ardayda maaddama ay hilaamikaraan wixii la baray ama qaarkood ay dib ugu soo laaban waayaan waxbarashada.

Waalidiinta ay carruurtooda waxbarasho la’aanta yo nolol-xumada ay wajahayaan waxaa ka mid ah Nuurto Ciise Cali oo qoyskeedu uu yahay 8 qof, labo gabdhood iyo wiil fadhiyay fasallada afaraad iyo lixaad ayaa uga faa’iideysanayay iskuulkan.

Nuurto oo hadda la halgamaysa sidii ay nolosha qoyskeeda u badbaadin lahaayd kama fekerayso xiligan waxbarashada ubadkeeda maaddama ay hoy la’aan iyo cunno-xumo ay wajahayaan.

“Horta carruurta iskuulkii ay wax ku dhigayeen wuu dumay gurigii ay ku hoyanayeenna wuu dumay waxa dhan biya moxogga ka haya in ay ka baxayaanna looma malaynayo guryaha dhanna way dhaceen, ilmaha xataa meel loo diro maleh arlada dhan (dhulka dhan) biyo weeye wax wabiga hayn oo noo furan malahan carruurna wabi lama galin karo.”

Waxay barakac ku yihiin qoyska Nuurto duleedka Jowhar halkaas oo ay ku heleen gargaar raashin ah bartamihii toddobaadkan oo uu qaybiyay maamulka Hir-shabeelle, min labo kilo oo bur, bariis iyo sonkor isku jira ayay heleen.

Carruurta ayay dhaxanta uga celisaa bustayaal ay ku caawiyeen qoysaska la daggan, Nuurto qoyskeedu wuxuu nolol-maalmeedka ka soo saran jiray beer labo hiktar ah oo bishii saddexaad ee sanadkan ay abuur galisay, dalagga u baxayay oo ka koobnaa qudaar, digir iyo gallay oo ay ku qarash garaysay dhan $200 ayaa ka qasaaray.

 

 

Previous Post

Luuq: Haween barakac ah oo sheegay in COVID19-ka uusan saamayn nolal- maalmeedkooda

Next Post

Puntland: Cilmi-baaris lagu ogaaday in fursado ganacsi ay ka jiraan deegaannada ka baxsan laamiga

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
COVID 19: Bandowga habeenkii oo saameeyay haweenka caanaha ku iibiya Garoowe

Puntland: Cilmi-baaris lagu ogaaday in fursado ganacsi ay ka jiraan deegaannada ka baxsan laamiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo