Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Luuq: Haween barakac ah oo sheegay in COVID19-ka uusan saamayn nolal- maalmeedkooda

Radio Ergo by Radio Ergo
May 25, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween lagu caawiyey miisas qudaarta ay ku gataan oo ganacsigoodu isbaddelay

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Maxamed Muxumad Waxay ka mid tahay 90 haween ah oo barakac ah oo haysta ganacsiyo yaryar oo ay ku maareeyaan nolasha qoysaskooda. Ganacsiyadan ayay furteen sanadki 2019 iyo billowgi 2020, kadib marki ay sameeyeen ayuuto taasi oo ah qaab dhaqaale oo iskaashi ah. Haweenkan oo ku nool xeryaha barakacyaasha ee degmada luuq ayaa ka badbaaday shaqo la’aanta ku dhacday haweenka la mid ka ah ee ku tiirsanaa shaqooyinka yaryar ee ay ka soo qabtaan xaafadaha, taas oo uu sababay cudurka COVID19-ka.

Faadumo oo miis ay ku iibiso raashin iyo bagaash leh ayaa sheegtay in marki COVID19-ka lagu sheegay dalka uusan wax saamayn ah ku yeelan nolasha qoyskeeda maadaama ay haysato il dhaqaale oo ay ku maarayso nolasha carruurteeda.

‘‘Annaga karoonah jira nama saameyn oo waan ka roonahay, waayo shaqo abuur keena ayaan karoonaha iskaaga maaweelineynaa, dadkii kale ee cows gurashada ama dharka soo dhaqayay aad buu karoonaha u saameeyay. Dadkii dharka loo dhaqayay lacag meel ay kasoo galeyso malaha ama wuxuu ka baqayaa in karoone loo keeno,” ayay tiri Faadumo oo haysta 11 carruur ah oo aabbahood uu shaqo la’aan yahay.

Bishii febraayo ee sanadki 2020, ayay billowday ganacsigan  markii ay heshay lacag ayuuto oo 30 haween ah ka dhexeysay, waxayna geed ku yaalo xerada ay ku nooshahay ku dhax gadataa,raashin isugu jira Sonkor, Digir,Baasto iyo sidoo kale nuucyo kala duwan oo bagaash ah.

‘‘Aniga ahaantay cashada iyo quraacda waan u helaa carruurta qadadse dhaxdaan ka bixyaa illeen sadaxda waqti ma helaayo,” sidaa waxaa idaacadda Ergo u sheegtay Faadumo oo 700 oo kun oo shilin Soomaali ah ay kaga baxdo waxbarashada carruurteeda oo dhigta iskuul iyo dugsi qur’aan.

Qoyskan ayaa abaarihi 2016 ku waayay 70 neef oo  ari ahaa,xilligaas oo ay ku noolaayeen deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool. Ka hor ganacsigan waxay nolashooda ku tiirsanayd qoryo ay ka soo guri jirtay magaalada banaankeeda oo ay u iibgayn jirtay suuqa.

In ka badan toddoba kun oo qoys oo ku kala nool 3 xero ku yaalla magaalada Luuq ayaa intooda badan ay nolashoodu ku tiirsanayd gargaar ay ka heli jireen hay’adaha samafalka iyo shaqooyinka yaryar balse waxaa samayn ku yeeshay COVD19-ka.

Qaar ka tirsan haweenka ganacsiyada yaryar ay u furan yihiin ayaa daymo siiya qoysaska kale eek u shaqo beelay COVID19-ka si ay ugu yaraan raashin ugu helaan carruurta sida ay sheegayso Xaawo Nuur Cali oo 300 oo kun oo shilin Soomaali ah ku leh laba qoys oo xerada kula nool, kuwaas oo labadi bilood ee la soo dhaafay aanan aadin shaqooyinka dharqista kadib marki xaafadaha ay u shaqo tagi jireen ay ku wargaliyeen in inta karoonaha uu ka dhammaanayo aysan u imaanin.

‘‘Intii karoonaha dhacay dadka aad ayay u rafaadsanyihiin, shaqo la’aan ayay noqdeen marka annaga ayay dayn naga qaataan,” ayay tiri Xaawo.

Xaawo ayaa ganacsigan ka hor oo ay ufrtay bishi Janawari waxay nolasha qoyskeeda ka soo saari jirtay dhar-dhaqista iyo sooo gurista cawska. Ganacsigan yar oo ay hadda ku maarayso nolasheeda ayaa waxaa sahalay inay furato kadib marki ay ayuuto la gashay 29 haween ah oo isku caawiyey in ay furtaan ganacsiyo kala duwan.

‘‘Waxaan ku blilaabay lacago aan ka aruuriyay shaqooyinki aan qaban jiray haddii aan baxo afar doolar sadax doolar intaas ayuu alle iga siinaayay intaas ayaan ciyaalkeyga wax ugu gadaayay, calaa qof labaatun kun ayuu bixinayay,” ayay tiri Xaawo oo ku faraxsan ganacsigeeda.

Xaawo ayaa sheegtay in sedex sano oo ay barakac ku tahay degmada Luuq aysan helin wax gargaar ah.

Previous Post

Soomaaliya: Kufsiga ka dhaca dalka oo loo aanayno sharci la’aanta

Next Post

Carruur ku waxbarasho beelay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka gaystay Jowhar iyo deegaanno ku dhow

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Carruur ku waxbarasho beelay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka gaystay Jowhar iyo deegaanno ku dhow

Carruur ku waxbarasho beelay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka gaystay Jowhar iyo deegaanno ku dhow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo