Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaaliya: Kufsiga ka dhaca dalka oo loo aanayno sharci la’aanta

Radio Ergo by Radio Ergo
May 25, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka u ololeeya dumarka loo gaysto tacadduyada ayaa ku baaqay in la soo saaro sharciyo adag oo ku aadan kufsiga si haweenka iyo gabdhaha looga badbaadiyo kufsiga iyo dilka iswata iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Duniyo Maxamed Cali oo u dhaqdhaaqda arrimaha haweenka lana shaqaysa hay’adda IIDA ayaa u sheegtay radio Ergo in la’aanta  sharciyo cad cad oo ku saabsan dambiyada falalka la xiriira kufsiga ay noqdaan tacadiyadda sii kordhaya oo lagula kaco haweenka iyo gabdhaha yaryar  ee u nugu dhibaatooyinka.

Duniyo ayaa sheegtay in dhibaatada barakaca iyo dagaallada ka jiray dalka ay sabab u noqdeen  in haweenku ay la kulmaan waxyeello kala duwan islamarkaana ay aad ugu nuguk yihiin wax walba.

“Haweenka waxaa looga cabsani jiray ragga eheladooda ah ka hor intii ay dowladdii dhexe aysan dhicin,” ayey tiri.

“Dagaaladii sookeeye iyo abaarihii ayaa ku qasbay haweenka inay u soo barakacaan magaalooyinka waweeyn oo ay cidna ka aqoonin iyagoo aan la socon jirin rag ehel u ah. Tani ayaa keentay inay u nuglaan kufsiga.”

Duniyo oo ka qayb qaadatay dood ay qabatay idaacadda Ergo ayaa sheegtay in kufsigu uu in muddo ahba uu soo jiray, balse waxaa bilihii u dambeeyay ku soo kordhayay naf-goynta oo tan iyo billowgii sanadki 2019 oo abuurtay welwel badan. Waxaa jira meelo badan oo ay ka dheceen falalkan waxaana ka mid Puntland,  Galmudug, Banaadir, Somaaliland, Koonfur Galbeed iyo iyo deegaanno kale.

Dhacdadii kufsi ee u dambaysay ayaa haweenkii labaad ee ciida loogu gaystay haweenay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, xilli ay ka soo laabatay damaashaadka ciida. Dhibanahaas ayaa hadda lagu daawaynayaa isbitaalka Madiina, sida ay noo xaqiijiyeen urur u dooda haweenka.

Fadumo Sheekh oo ah abuukaate la shaqaysa hay’adda SWDC, ayaa sheegtay in kiisaska kufsiga ay badankooda xalliyaan odayaal- dhaqameed ka hor inta aan la soo gaarsin maxkamadaha. Tani ayay ku tilmaantay inay qayb ka tahay kororka kiisaska kufsiga ah madaama kuwa dhibka gaysta aan la marsiiin jidka caddaaladda.

“Sharciga dalka waxuu qabaa in qofka kufsi gaysta lagu ciqaabo xarig 15 sano ah, balse bulshadii ayaa qoyska dhibanaha ku cadaadiyo inay xaltamaan intaan maxkamad la isla soo gaarin,” ayay tiri Fadumo.

Fadumo ayaa sidoo kale sheegtay in marar badan ay ka war-heshay kiisas ay u doodaysay lagu xalliyay qaab dhaqameed, ayadana lagu khasbay inay joojiso kiiska.

Maxkamadaha Soomaaliya ayay sheegtay inaysan awood u lahayn inya kiiska ay dhegeystaan si walba oo ay xaddayn hayaan marka ay soo dhaxgalaan qoyska uu ka soo jeedo qofka falka gaystay.

Sida ay qabto Duniyo korarka kufsifa iyo dilalka isla socda ayay ku sheegtay inay tahay in dadku isticmaalaan mukhaadaraad, uu ka mid yahay xashiishka oo lagu iibiyo goobo ganacsi oo dalka gudihiisa ku yaalla.

“Nimanka markii ay waxaan soo isticmalaan miyirkoodu saxda ahaa maahan mid jooga marka haddii ay gabar yar oo darsad isaga jirto arkaan ma jirto wax ka celinaya oo kufsi bay kula dhaqaaqayaan,” ayey tiri.

Sheekh Cabdi Xayi oo ka tirsan culimada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diinta Islaamka ay qabto in qofkii kufsi iyo dil isla gaysta aan loo naxin oo qabkii u dilka u fuliyay loo dilo.

“Hadii uu dhagar qabaha kufsiga uu isticmaalo hub, diinta waxay qabtaa in la dilo,” ayuu yiri.

Dadka loo gaysto kufsiga ayaa oo ah gabdho yaryar iyo haween aan awood badan lahayn ayaa hadana la kulma eedayn, taasi oo mararka qaar laga dhigo inay dambiilayaal yihiin loona sheego inay qarsadaan dhibta ku dhacday si aysan u ceeboobin.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa ugu baaqay ragga Soomaalida in ay badbaadiyaan haweenka, wuxuuna sidoo kale ugu baaqey bulshada inay joojiyaan duridda ay hayaan gabdhaha loo gaysto kufsiga isagoo ku tilmaamay arrintaas inay tahay mid ka soo horjeeda diinta Islaamka.

Previous Post

Qoysas dadkii u shaqeyn jiray ku waayay daadadka Muqdisho oo wajahaya xaalad dhanka nolosha ah

Next Post

Luuq: Haween barakac ah oo sheegay in COVID19-ka uusan saamayn nolal- maalmeedkooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Haween lagu caawiyey miisas qudaarta ay ku gataan oo ganacsigoodu isbaddelay

Luuq: Haween barakac ah oo sheegay in COVID19-ka uusan saamayn nolal- maalmeedkooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo