Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Qoysas dadkii u shaqeyn jiray ku waayay daadadka Muqdisho oo wajahaya xaalad dhanka nolosha ah

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Sawiradda kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Daadadkii ka dhashay roobkii gu’ga ee bishan May ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saameyn nolooleed iyo mid hantiyeed ba ku yeeshay qaar ka mid ah dadka barakacay ee deggan xeryaha degmooyinka Dayniile, Hodan iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ifraax Ciise Cali oo walaasheed ay 12-kii bishan ku dhimatay daad soo galay gurigeeda, waxay sheegtay in hadda ay wajahayaan dhaqaalo xumo daran.

Gabadhan oo ah hooyada shan carruur ah oo ku nool xerada Al-cadaalla degmada Dayniile ayaa tilmaamtay in gabadha dhimatay oo 35 jir ahayd ay il dhaqaale u ahayd qoyskeeda, walaalaheed iyo waalidkeed oo 12 qof ka kooban.

Waxay qaban jirtay shaqada dhar-dhaqista oo labadii maalmoodba ay ka soo heli jirtay lacag dhan 130 kun oo shilin soomaali ah oo u dhiganta 5 doollar. Ifraax ayaa Raadiyo Ergo uga warrantay xaaladda ay hadda ku sugan yihiin.

“Annaga dhib mooye dheef ma helin, qof walba wuu niyad jabay. iyadaa noo wayneyd, iyada wiil iyo gabar noo ahayd. Waxay noo keento ayaan cunaynay. Hannoo yaraadaan, ha noo badnaadaan. Markay dhimatay wax la’aan iyo duruuf weyn baa na heshay.”

Ifraax oo leh uur sagaal bil ah, waxay sheegtay in hadda aysan shaqeyn karin isla markaana ay siddeed bil ka hor kala tageen saygeedu oo waxba ku soo kordhin reerkooda. Waxay hadda cunnaan cambuulo ay hal waqti u soo qaaraamaan qoysaska xerada la deggan.

Guryahooda ayaan ahayn kuwo u adkaysan kara roobabka iyo dabaylaha socda, waxaana sidoo kale ku soo dumay darbi u dhowaa oo daadku hoosta ka galay kaas oo sababay dhimashada walaasheed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Ifraax ayaa tilmaamtay in sidoo kale uu dhaawac soo gaaray sayga gabadha dhimatay iyo wiil la dhashay oo toban sano jir ah.

Sahro Cali ah oo ah guddoomiyaha xerada Al-caddaala ayaa noo xaqiijisay in daadka soo galay xerada ay ku geeriyoodeen toddobo qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Waxaa ay xustay in ku dhowaad 50 qoys ay guryo la’aan ku noqdeen oo hadda aysan haysan meel ay ku hoydaan. Toban qoys ayay sheegtay in dadka deggan xerada ay u qeybiyeen baco iyo ulo ay iska soo uruuriyen si ay guryo ku dhistaan.

“Nolol aad u liidata ayeey ku nool yihiin wixii haray na meel ay ku nooladan bay rabaan mana haystaan  maacuuntii iyo gogooshi waa uga baba’een wax ay heli karaan ma leh cidna uma maqna ceelna uma qodna,” ayey tiri Sahro.

Aamin Xasan Maxamed oo wiilkiisu ka mid noqday dad 12-kii May daadad ku dhintay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in saameyn nololeed ay ku yeelatay geeridiisa maaddaama uu ahaa qofka keliya ee reerkooda u soo shaqeyn jiray.

Wiilkiisa oo Maxamed la dhihi jiray ayaa ku shaqeysanayay caseynimo. Wuxuu maalintii heli jiray lacag dhan 50 kun oo shilin Soomaali ah, taas oo qoyskiisa ka caawin jirtay in labo waqti ay wax karsadaan.

Aamin ayaa sheegay in hadda ay taasi meesha ka baxday noloshooduna ay ku jirto xaalad adag. Qoyska oo ka kooban afar carruur iyo hooyadood ayaa hadda hela cunada hal waqti oo ay ka caawiyeen dariskooda, maaddama aysan haysan cid kale oo u shaqeysa.

“Gurigayga asaga biili jirey aniga waxa ugu badana oo an ku shaqaysan jirey Dareewal ayaan ahaa Badamuundo dayda ayaa iska badneyd marna waan heli jiray shaqo marna waan waayi jiray. Laakiin isagu caseeyu guriga igu biili jirey wiilkayga igu weyn bu ahaa alxamdulilaah darbi ayaa ku soo dumay. Allaah baa qaddaray.”

Waxaa uu sidoo kale sheegay in geerida curadkiisa oo 19-jir ah ay ku soo beegantay xilli afar maalin ka hor da’dii ka yareyd ay koronto dishay, isagoo ka qeyb qaadanaya dhismaha guri ku yaalla meel aan ka fogeyn xerada oo ay leeyihiin dadka ag deggan xerada.

Roobka guga oo weli ka da’aya magaalada ayaa dadka barakacay yihiin kuwa ugu nugul ee uu saameeyo, iyadoo daadadku ay ku qaadeen cooshadihii ay degganaayeen. Waxay qaarkood noo sheegeen in haddii aysan helin gurmad deg deg ah ay khatar ugu jiraan daadadka kale ee imaan kara.

Previous Post

Hiiraan: Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaal beeleed oo xaalado dhanka nolosha ah wajahaya

Next Post

Soomaaliya: Kufsiga ka dhaca dalka oo loo aanayno sharci la’aanta

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

Soomaaliya: Kufsiga ka dhaca dalka oo loo aanayno sharci la’aanta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo