Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hiiraan: Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaal beeleed oo xaalado dhanka nolosha ah wajahaya

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Sawirradda kaydka/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 320 qoys oo beeraley u badan ay ku barakaceen dagaal beeleed tan iyo shantii bishan ka socda tuulooyin hoostaga magaalada Baledweyne.

Dagaalkan oo ka bilowday muran ka dhashay la haanshaha dhulbeereed ku yaalla deegaanka Baladi Nuur waxa uu markii dambe ku fiday tuulooyin kale oo kala ah Buulo-Kaarin, Lug-bari iyo Dharkeeynley.Waxaana lagu gubay ku dhowaad boqol guri sida uu sheegay maamulka gobolka oo deegaanada qaar soo kormeeray.

Qoysaska uu dagaalku saameeyay ayaa imika xaalado nololeed ku wajahaya deegaanada ay u hayaameen, waxeyna colaaddu ku soo aaday xilli ay ku howlanaayeen tacbashada beeraha si ay uga faa’ideystaan roobka guga.

Fahmo Salaad Ibraahin oo ah hooyada sagaal carruur ah oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd dukaan yar oo bagaash lagu iibiyo ayey colaaddu ku qasabtay cunna la’aan iyo hoy la’aan. Waxeyna hadda muddo afar iyo toban beri ah ay la nool yihiin qoys beeraley ah oo ku nool deegaanka Leebow.

“Dadka dariska ah iyo reerka aan la joogo ayaa marka ay dabka shitaan carruurta wax iisiiya, sababtoo ah ilmo oynaya hortooda wax ma lagu cuni karo.”

Qoyska ay la noo shahay oo deggan cariish labo qol ah ayey sheegtay in gurigu uusan ku wada filneyn, taasina ay ku qasabto in carruurta oo kaliya ay seexiyaan qolka, iyada iyo odageeduna ay banaanka dirin dhigtaan, maalinkiina ay geedaha harsadaan.

Gaari yar oo xamuul ah oo kiro ah ayey uga soo guureen tuulada Baladi-Nuur, kaasoo ku soo qaaday $15. Wax shaqo ah ma qabtaan iyada iyo odaygeeda, waxaana war war ku haya duruufta ay dhaxal siin doonto shaqa la’aanta iyo waqtiga ay u sii adkeysan karaan.

“Meel aan u baxo iyo irid kale oo aan galo ma aqaano, odaygiina ma shaqeeyo meel uu wax ka keeno maba yaqaano. Awal raadiyaasha ayuu sameyn jiray oo waxbuu maareyn jiray, laakiin meeshii uu wax ku sameyn jiray waa meesha hadda laga soo barakacay.”

Dhanka kale Qoyska Cabdifitaax Nuur Daa’ud oo ah beeraley waxa hadda ay xaalad hoy la’aan ah iyo nolol xumo kale ay ku wajahayaan deegaanka Shiirkaneeco oo hoos taga magaalada Baledweyne,halkaas oo ay ku soo barakaceen sagaalkii bishan, Kadib dagaal ka bilowday deegaanka ay daganaayeen oo ah Baladi Nuur oo Baledweyne dhinaca galbeedka uga beegan 10km.

Reerkiisa ayaa hadda isticmaala 37kg oo ah bur,bariis iyo sonkor uu ka deynsaday dukaan tuulada ku yaala, raashiinka oo uusan soo deyn qaadan Karin mar kale isagoo aan bixin lacagtii hore iyo shaqo la’aanta uu wajahayo ayaa walaac ku haya.

“Meesha waxaa inoogu daran hoy la’aan iyo raashin la’aan. Waxaa inoo dheer kaneeco mana haysano maro kaneeco. Xilli roobaad ayaa lagu jiraa geed hoostiis dad ku jira ayaa nahay.”

Cabdifitaax oo ah aabaha toddoba carruur ah ayaa xusay in wax alaab ah aysan soo qaadan oo si deg deg ah ay xilli saq dhexe ah ku soo barakaceen, iyagoo ku soo guuray gaari dameer uu leeyahay. Gurigii uu daganaa ayuu sheegay in dab ay qabadsiiyeen maleeshiyo hubeysan.

“Nafsadeena ayaa kala soo baxnay, xilli habeen ah oo la hurday ayey wax dhaceen. alaab iska dhaafe dharka caruurta xataa lagama soo qaadan. Baraako aan lahaa waa leyga gubay.”

Nolosha Qoyska Cabdifataax waxa ay ku tiirsaneyd beer saddex higter ah oo ka hor colaadda uu ku howlanaa soo guridda yaanyo usoo go’day oo u iib geyn lahaa magaalada Baledweyne, balse colaadda ayaa ka hor istaagtay.

Cali Cabdi Nuur oo ah Guddoomiyaha deegaanka Baladi Nuur oo ah halka uu dagaalku ka bilowday ayaa sheegay in dagaalkan barakiciyay boqolaalka qoys uu ka bilowday labo shaqsi oo isku qabsaday beer, kadibna uu isku badalay dagaal beeleed.

Waxa uu tilmaamay in hadda ay socdaan dadaalo uu maamulka gobolka Hiiraan ku kalan siinayo odayaasha dhinacyada dagaalamaya si loo joojiyo dagaalka oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof.

Qoysaska ku barakacay ayuu sheegay in aysan u sii adkeysan karin xaaladan. isagoo tilmaamay in ay yihiin dad nugul oo aan keyd laheyn oo ka soo barakacay beerihii ay ku tiirsanaayeen. qoysaska ku barakacay colaadda ayuu tilmaamay in duruufo nololeed ay wajahaan, colaaduna ay noqotay mid maaro uu u la’yahay maamulka Hiiraan muddo ka badan labo asbuuc oo ay socoto.

“Maanta waan waantii oo socoto dagaal ayaa dhacay, dadkii barakacay qaar ka mid ah ayaa mar labaad sii barakacay markii ay rasaastu gaartay. Dhibaatooyinka dadka barakacay haysto waxaa kamid ah biyo la’aan, hoy la’aan iyo cunto la’aan, aadbey u dhiban yihiin.”

Wafdi ka socda Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo xildhibaano iyo wasiiro ka kooban ayaa hadda Baledweyne u jooga sidii ay qeyb uga noqon la haayeen qorshe xal waara noqda oo la doonayo in lagu heshiisiiyo dhanacyada dagaalamaya si colaada loo soo afjaro.

 

 

Previous Post

Caabudwaaq: Qoysas ka badbaaday daad kadib marki ay xarrig isku xireen

Next Post

Qoysas dadkii u shaqeyn jiray ku waayay daadadka Muqdisho oo wajahaya xaalad dhanka nolosha ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Qoysas dadkii u shaqeyn jiray ku waayay daadadka Muqdisho oo wajahaya xaalad dhanka nolosha ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo