Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo

Caabudwaaq: Qoysas ka badbaaday daad kadib marki ay xarrig isku xireen

Radio Ergo by Radio Ergo
May 19, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Duruufo haysta 1,500 oo qoys oo guryahoodii ay daadad ka barakiciyeen

Sawirrada keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hoy La’aan iyo cunto yari ayaa haysata, 750 qoys oo ku nool xerada barakaca ee Salaama oo ku taalla duleedka dagmada Cabudwaaq ee gabolka Galgaduud, kadib markii roob halkaasi ka da’ay uu ka dumiyay guryo ka samaysnaa cooshado. Roobka oo da’ayay sedex toddobaad oo xiriir ah ayaa sidoo kale sababay daad fara badan oo qaaday guud ahaan agabki ay isticmaalayeen.

Maxamed Xuseen Cigaal oo qoyskiisu ka kooban yahay 7 qof  ayaa ka mid ah qoysaskan oo muddo toddaab ah ku sugan meel taag ah, oo u dhow xerada si uga badbaadaan daadka ka dhashay roobka. Ma haystaan wax ay ka galaan qabowga habeenki iyo qoraxda maalinti. Maxamed waxa uu reerkiisu deganaa laba buush oo cooshado oo ka samaysnaa maryo, kartoomo iyo qoryo.

“Wax weel ah mahaysanno wax cuntaa mahaysanno, dadka kalana waa ila mid,” ayuu yiri Maxamed oo noolasha qoyskiisa ku maaraya shaqooyin muruq maal ah oo ka soo qabto magaalada Caabudwaaq.

Qoyska Maxamed  waxa uu hadda dagan yahay meel bannaan oo taag ah  tan iyo 10-ki bishan May. Habeenkaas oo roob lixaad leh u da’ay ayuu sheegay in carruurtiisa uu si dirqi ah uga badbaadiyay biyaha.

“Markaan arkay biyuhu in ay wataan xarig baan soo qaatay guriga iigu xirnaa toddobadiiba waan ku wada xiray, aniguna gacanta geed baan ku xirtay sidaas ayaan ku hayay aniga, oo caloosha ayaan kaga wada xiray,” ayuu yiri Maxamed.

Qoyska Maxamed ma helaan raashin joogta ah balse axay caawimaad ka helaan guddi ka jira xerada oo qoysaska xaaladoodu darn tahay cunto yar siiya. Marka laga soot ago raashinka waxa kale ee ay aadka ugu baahan yihiin ayaa ah baco ay ka galaan roobka.

“Dadkaas wax duunya haysta ma jiraan, bacda roobka haddaan helno waa kaalmo haddaan maalin karsi helno kaalmay noo ahaan lahayd,” ayuu yiri Maxamed.

Qoysaskan oo qaarkood ku xoolo beelay abaarihi 2016-2017-ki ayaa siyaabo kala duwan u maarayn jiray nolashooda balse roobkan oo saamayn ku yeeshay waxaa ad inay shaqo u raadsadaan magaalada.

Dadka taag ku nool hadda waxaa ka mid da’a ah oo qaarkood aragga naafo ah, oo dhalliyaro la degan xerada ay ka badbaadiyeen biyaha oo hadsana ku sugan xaalad adag. Dadkaasi waxaa ka mid ah  Faaduma Shaal Maxamuud iyo saygeeyda oo labaduba da’ ah, Faadumo iyo saygeeda waxay ku noolaayeen buush ku yaallay bartamaha xerada balse qulqulka biyaha oo aad u awood badnaa ayaa la tagay. Waxaa si diriqi biyaha uga soo badbaadayey dhallinyaro kula noolayd xerada.

“Biyihii darbi ayay igu dhufteen afku waa imarooq sanyahay wiilal ayaa noo soo gurmaday oo meeshii naga qaaday anigii oo darbigii ku dhaggan odaygina gacan uu sidaas iigu hayo, mustayaal qoyan bay isaareen labo habeen iyo labo maanlood ayanan hadlin,” ayay tiri Faadumo oo ka hadlaysay dhibaatada soo gaartay.

In kasta oo laga soo badbaadiyay biyahii haddana mahelin cid dib u soo eegtay nolashooda maalinkaas kadib, marka laga reebo gabar ay daris yihiin oo magaalada u aada in ay dadka magaalada soo waydiisato caawinaad in ay siiyaan taas oo marba waxa ay soo hesho wax ka siisa. Habeenkii waxay wada huwdaan hal buste oo ah agabku ka qaaday uga haray.

“Haddii roob kale yimaaddo guryo malihin dee naf Allaa haya, Haddii aanan helin caawimaad sida bacaha roobka mindhaa xaaladdu sidan way ka sii daraysaa,” ayay tiri Faadumo oo aad uga welwelsan xaalka ay ku sugan yihiin.

Dadka waayeelka ah oo aan awoodin inay shaqaystaan ayaa badankoodu ku tiirsanaa guddiga xerada oo caawimaad u sameeya.

Gudoomiyaha xerada Salaama Indiriis Aadan Cabdulle ayaa sheegay in qoysaskan si ay caawiyaan ay aadaan magaalada Caabudwaaq oo dayn iyo deeq waydiista ganacsata balse maalinti ay soo helaan wax ku filan 50 qoys ooh al mar karsi ah.

 

Previous Post

Shixnado ganacsi oo dagmada Hobyo ay geeyaan doomo ka yimaaday dalka Imaaraadka carabta oo hoos u dhigay qiimaha raashinka iyo agabka kale

Next Post

Hiiraan: Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaal beeleed oo xaalado dhanka nolosha ah wajahaya

Related Posts

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

May 19, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news
Wararkii u Danbeeyay

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

May 17, 2022
Food delivery
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

May 16, 2022
BARNAAMIJKA TACAB
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

May 13, 2022
Houses in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

May 12, 2022
Biyo, Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

May 11, 2022
Next Post
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Hiiraan: Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaal beeleed oo xaalado dhanka nolosha ah wajahaya

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo