Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Caabudwaaq: Qoysas ka badbaaday daad kadib marki ay xarrig isku xireen

Radio Ergo by Radio Ergo
May 19, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Duruufo haysta 1,500 oo qoys oo guryahoodii ay daadad ka barakiciyeen

Sawirrada keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hoy La’aan iyo cunto yari ayaa haysata, 750 qoys oo ku nool xerada barakaca ee Salaama oo ku taalla duleedka dagmada Cabudwaaq ee gabolka Galgaduud, kadib markii roob halkaasi ka da’ay uu ka dumiyay guryo ka samaysnaa cooshado. Roobka oo da’ayay sedex toddobaad oo xiriir ah ayaa sidoo kale sababay daad fara badan oo qaaday guud ahaan agabki ay isticmaalayeen.

Maxamed Xuseen Cigaal oo qoyskiisu ka kooban yahay 7 qof  ayaa ka mid ah qoysaskan oo muddo toddaab ah ku sugan meel taag ah, oo u dhow xerada si uga badbaadaan daadka ka dhashay roobka. Ma haystaan wax ay ka galaan qabowga habeenki iyo qoraxda maalinti. Maxamed waxa uu reerkiisu deganaa laba buush oo cooshado oo ka samaysnaa maryo, kartoomo iyo qoryo.

“Wax weel ah mahaysanno wax cuntaa mahaysanno, dadka kalana waa ila mid,” ayuu yiri Maxamed oo noolasha qoyskiisa ku maaraya shaqooyin muruq maal ah oo ka soo qabto magaalada Caabudwaaq.

Qoyska Maxamed  waxa uu hadda dagan yahay meel bannaan oo taag ah  tan iyo 10-ki bishan May. Habeenkaas oo roob lixaad leh u da’ay ayuu sheegay in carruurtiisa uu si dirqi ah uga badbaadiyay biyaha.

“Markaan arkay biyuhu in ay wataan xarig baan soo qaatay guriga iigu xirnaa toddobadiiba waan ku wada xiray, aniguna gacanta geed baan ku xirtay sidaas ayaan ku hayay aniga, oo caloosha ayaan kaga wada xiray,” ayuu yiri Maxamed.

Qoyska Maxamed ma helaan raashin joogta ah balse axay caawimaad ka helaan guddi ka jira xerada oo qoysaska xaaladoodu darn tahay cunto yar siiya. Marka laga soot ago raashinka waxa kale ee ay aadka ugu baahan yihiin ayaa ah baco ay ka galaan roobka.

“Dadkaas wax duunya haysta ma jiraan, bacda roobka haddaan helno waa kaalmo haddaan maalin karsi helno kaalmay noo ahaan lahayd,” ayuu yiri Maxamed.

Qoysaskan oo qaarkood ku xoolo beelay abaarihi 2016-2017-ki ayaa siyaabo kala duwan u maarayn jiray nolashooda balse roobkan oo saamayn ku yeeshay waxaa ad inay shaqo u raadsadaan magaalada.

Dadka taag ku nool hadda waxaa ka mid da’a ah oo qaarkood aragga naafo ah, oo dhalliyaro la degan xerada ay ka badbaadiyeen biyaha oo hadsana ku sugan xaalad adag. Dadkaasi waxaa ka mid ah  Faaduma Shaal Maxamuud iyo saygeeyda oo labaduba da’ ah, Faadumo iyo saygeeda waxay ku noolaayeen buush ku yaallay bartamaha xerada balse qulqulka biyaha oo aad u awood badnaa ayaa la tagay. Waxaa si diriqi biyaha uga soo badbaadayey dhallinyaro kula noolayd xerada.

“Biyihii darbi ayay igu dhufteen afku waa imarooq sanyahay wiilal ayaa noo soo gurmaday oo meeshii naga qaaday anigii oo darbigii ku dhaggan odaygina gacan uu sidaas iigu hayo, mustayaal qoyan bay isaareen labo habeen iyo labo maanlood ayanan hadlin,” ayay tiri Faadumo oo ka hadlaysay dhibaatada soo gaartay.

In kasta oo laga soo badbaadiyay biyahii haddana mahelin cid dib u soo eegtay nolashooda maalinkaas kadib, marka laga reebo gabar ay daris yihiin oo magaalada u aada in ay dadka magaalada soo waydiisato caawinaad in ay siiyaan taas oo marba waxa ay soo hesho wax ka siisa. Habeenkii waxay wada huwdaan hal buste oo ah agabku ka qaaday uga haray.

“Haddii roob kale yimaaddo guryo malihin dee naf Allaa haya, Haddii aanan helin caawimaad sida bacaha roobka mindhaa xaaladdu sidan way ka sii daraysaa,” ayay tiri Faadumo oo aad uga welwelsan xaalka ay ku sugan yihiin.

Dadka waayeelka ah oo aan awoodin inay shaqaystaan ayaa badankoodu ku tiirsanaa guddiga xerada oo caawimaad u sameeya.

Gudoomiyaha xerada Salaama Indiriis Aadan Cabdulle ayaa sheegay in qoysaskan si ay caawiyaan ay aadaan magaalada Caabudwaaq oo dayn iyo deeq waydiista ganacsata balse maalinti ay soo helaan wax ku filan 50 qoys ooh al mar karsi ah.

 

Previous Post

Shixnado ganacsi oo dagmada Hobyo ay geeyaan doomo ka yimaaday dalka Imaaraadka carabta oo hoos u dhigay qiimaha raashinka iyo agabka kale

Next Post

Hiiraan: Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaal beeleed oo xaalado dhanka nolosha ah wajahaya

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Hiiraan: Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaal beeleed oo xaalado dhanka nolosha ah wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo