Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Shixnado ganacsi oo dagmada Hobyo ay geeyaan doomo ka yimaaday dalka Imaaraadka carabta oo hoos u dhigay qiimaha raashinka iyo agabka kale

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
1
Xilliga bad-xirranka oo saamayn ku yeeshay nolasha kalluumaysatada xeebaha Puntland

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qiimaha lagu iibiyo raashinka, bagaashka iyo shidaalka ayaa hoos u dhacay waxaana tani ay keentay in culays wayn uu ka dago dadka daggan dagmada Hobyo ee gobolka Mudug. Qiimo dhacaan ayaa yimid ka dib markii bishii koobaad ee sanadkan ay billowdeen doomaha shixnadaha ganacsi ka keenaya dalka isku-tagga imaaraadka carabta ee tagaya xeebta dagmadaas.

Dadka deegaanka ayaa wixii ka horreeyay sanadkan qiimo sare ku iibsan jiray badeecadaha gadiidku ay ka keenayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso oo wax ka badan 500 km Hobyo u jira. Canshuurta looga qaadayay deegaannada ay maamulaan Puntland, Galmudug, Hir-shabeelle iyo alshabaab oo badnayd ayaa ka dhigaysay maciishadda qutul daruurigaa mid qaali ah sida burka, bariiska, sonkorta iyo qaar kale.

Shirkadda Baraarug oo ay ku midaysan yihiin koox ganacsato ah oo dalka iyo dibadda kala jooga ayaa fududaysay ganacsiga yimaada Hobyo. Iyagoo hirgaliyay doomaha alaabaha ka soo qaada iyo qalabka lagu dajiyo, Qoyska Cali Aadan Cabdille oo 5 qof ah ayaa ka mid ah dadka qiimaha hooseeya ku hela raashinka. Waa danyar ay ku adkayd iibsashada raashinka qaaliga ahaa, dhagax-jabinta oo muddo 20 sano ah uu ku jiray ayuu ka soo saarayay nolol-maalmeedka reerkiisa.

“Haafka ama gabdadda bariiska ah waxay nagu tagi jirtay $20 ilaa $30 iyo sonkortaba hadda waxba ma joogaan ba way raqiiseen wax badan. Wixii yaroo la helo ayaa wax lagu helayaa, caanaha iyo timirta iyo wax walba ayaa meeshaas ka yimaada, maba kala go’aan doomuhu haddeer maciishadduna way jabtay.”

Qoyskiisa oo bishii isticmaala min haaf bur, bariis iyo sonkor ah ayaa ku iibsanayay lacag ku dhow $100. Hadda se waxay ku helaan in ka yar $40, Cali wuxuu sheegay in lacagta u baaqatay uu ku kabo baahiyaha kale ee qoyska sida tan wax barashada oo si adag uu ku helayay maaddama shaqada dhagax-jabintu aysan joogta ahayn, Labo wiil ayaa u dhigata dugsiga hoose iyo dhexe ee Hobyo oo uu ka bixiyo $16.

Wuxuu xusay in dhaqdhaqaaqa ganacsi ee deegaankiisa ka jira si kale uu uga faa’iideystay. isagoo fursad shaqo oo xoogsiga ah ka helay dajinta shixnadaha ganacsi. Ugu yaraan labo doon ayaa timaada 30-kii bariba mar, halkii doon oo uu wax ka dajiyo wuxuu ka hela boqol doller sida uu sheegay, Waxaa la mid ah xoogsatada kale.

“Dhaqdhaqaas hadda wax buu ku soo kordhiyay ugu yaraan 500 qof ayaa shaqo ka helay midba qaab ha u helee. Mid baabuur ku xamaasha mid dushiisa ku xamaasha mid wax tiriya iyo mid wax qora ma malayn kartid, marka waxbadan baa ka soo galay dhaqdhaqaaqaas qoyskayguna dadkaas ayuu ka mid yahay wax badan oo faa’iido ah oo caaqibo leh ayaan dareennay.”

Xoogsatada uu ka mid yahay Cali waxaa lacagaha ay ku shaqeeyaan ay ka helaan ganacsatada ay u dajiyaan shixnadaha ganacsi, Bashiir Maxamuud Cawaale oo qayb ka ah ganacsatadaas waa agaasimaha shirkadda Baraarug, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in u jeeddada ay ka leeyihiin keenidda badeecadaha dagmada Hobyo in ay tahay sidii bulshada ay qiimo jaban ay ugu heli lahaayeen maciishadda qutul daruuriga ah iyo agabka iyaguna ay uga baaqsan la haayeen safarada dhaadheer ee ganacsigoodu soo marayay marka dakadaha magaalooyinka waawayn laga soo dajiyo.

“Iyadoo fuustadii shidaalka ah Hobyo la gadayo $140 ayaa shidaal waxaan keennay $95 shidaalkaas dadkii deegaanka aad bey uga faa’iideen shirkadda layrka bixisa way ka faa’iidday dadka kaalmaha shidaalka leh way ka faa’iideen dadka soo kaluumaystaa way anfacaysaa.”

Afar iyo labaatankii saac ba Hobyo waxay korontada heli jirtay afar saac oo ka tirsan ka hor sanadkan sida warbixin Radio Ergo ay tabisay bishii Janaayo ee sanadkii 2020-kii aannu ku sheegnay, hoos u dhaca shidaalka waxay soo dadajisay in shirkad si joogta ah u bixisa adeegga korontada laga hirgaliyo Hobyo.

Dadka korontada joogtada ah ay caawisay ganacsigooda waxaa ka mid Biyood Maxamed Maxamuud oo meherad kaluunka ciiriinka ah iyo cabitaannada lagu iibiyo ku leh Hobyo, ka ganacsi kaluunka ayay dib u billowday 2 sano ka dib, markii ay heshay koronto ku filan, waxay sheegtay in qasaare badan oo ka soo gaartay qaboojin la’aanta kaluunka ay u joojisay.

Hooyadan oo haysta toddobo carruur ah waxaa kordhay bilihii u danbeeyay daqliga soo gala maaddama markii hore ay ku ekayd iibinta cabitaannada oo kaliya, waxay sheegtay in faa’iido ahaan ay u hesho usbuuc kasta lacag u dhaxaysa $15 ilaa $20, waxay sharaxaysaa caqabadii ay kala kulmi jirtay koronto yaridii iyo isbaddelka ay dareemayso hadda.

“Qofkii soolar haystay uun baa kaluunka kaydsan karay ee annagu maanan kaydsan jirin kaluunka, saddex bilood hadda maasha allaha weeye intii ay si toos ah noo ahayd.”

Kirada billaha ah ee korontada ay isticmaasho ayay ka bixisaa $14, guddoomiyaha shirkadda Baraarug ee fududaysay ganacsiga dhanka badda kaga yimaada Hobyo ayaa sheegay in caqabado ay kala kulmaan dajinta shixnadaha maaddama aysan jirin dakad doomuhu ku xiran karaam.

“Doontu waxay istaagaysaa km waxaan ka yarayn ama labo km oo badda ah halkaas baa loogu tagayaa mararka qaarkoodna waxaaba dhacda badeecadihii qaarkood in ay badda ku daataan.”

Previous Post

Jowhar: Kumanaan qoys oo ku hanti beelay fatahaadda webiga Shabeelle

Next Post

Caabudwaaq: Qoysas ka badbaaday daad kadib marki ay xarrig isku xireen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Baardheere: Duruufo haysta 1,500 oo qoys oo guryahoodii ay daadad ka barakiciyeen

Caabudwaaq: Qoysas ka badbaaday daad kadib marki ay xarrig isku xireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo