Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Jowhar: Kumanaan qoys oo ku hanti beelay fatahaadda webiga Shabeelle

Radio Ergo by Radio Ergo
May 14, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Kumanaan qoys oo ku hanti beelay fatahaadda webiga Shabeelle

Mid ka mid ah qoysaskii fatahaada ka soo barakacay oo harsanaayo geed hoostiisa/Maryan Sheikh Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan shan kun oo qoys oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ayaa ku barakacay 10 tuulo oo uu ku fatahay webiga Shabeelle iyo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmada Jowhar. Fataahadda webiga ayaa waxaa sababay marki ay go’een laba buq oo ku kala yaallay tuulooyinka Baarreey iyo Mooyko oo ka wada tirsan Jowhar.

Dadka tuulooyinka ayaa ku soo toosay biyo qulqulaya habeen saq- dhexe ah, aan la filayn khatar fatahaad ah.

Xaawo Moolkaal Muqtaar oo haysta 12 carruur agoon ah ayaa meel bannaan ku hoyaneeysa muddo 11 casho ah. Gurigi ay daganayd oo ku yaallay tuullada Baarrey iyo agabki dhexyaallay waxaa qaaday biyaha.

“Ilmahii waa igu dhagan yihiin meel aan wax uga keeno malahan saacan wax yar oo bariis cadde ah oo la ikeenay ayaan mushaari uga dhigayaa meel banaan ah oo kanaalka korkiisa ayaa robabka iyo kaneecada nagu haystaan guri warkiis majiro”

Hoyga Xaawo oo ahaa hal qol iyo barsad ayaa xilli habeen ay biyaha galeen,  waxaana u suuro gashay in carruurta ay badbaadiso oo ay ula carrarto meel tag ah oo ay dadkan oo dhan isugu tageen. Raashinki iyo guud ahaan agabki waxaa la tagay biyaha oo waxba kama badbaadin.

Qoyasas gaaraya 951, ayaa ku sugan meel buur ah oo kanaalka korkiisa isla markaana geedaha cambaha ka dhigtay gabbaad. waxaan taas u dheer roobabka oo wali da’aya, Qoysaskan aya ago’doon ku ah tuulada maadaama dhan ay ka xigaan halka dhanka kalana uu ka xigo webiga.

“Marka uu roobku imaado waxaan ilamaha u kala qaybiyaa sedex reer oo haysta bacaha roobka, dhaxanna way jirtaa kaneecada way buuxdaa caleemaha cambaha oo soo daatay ayaa loo shidaa si ay u kala cararto,” ayay tiri Xaawo.

Biyaha ka soo baxay tuulooyinka Mooyko iyo Baareey ayaa kala xiray wadooyinka waqooyi iyo koonfureed ee xiriiya Jowhar, Muqdisho iyo Baladweyne,  waxaana wadada dhanka waqooyi looga soo safraa doomo. halka dhanka koonfureed masaafo dhan 3 km gaari dameer ay dadka ku gudbaan.

Biyaha ayaa dhibaato u gastay tuulooyinka kala ah Baareey, Mooyko, Libiga, Xaanshooleey, Dhaay-gawaan, Buulowaas, Maxamed-dhiblaawe, Bannaaneey, Damasha iyo Liinta.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meeyre Marakaan, ayaa sheegay in marka laga soo tago barakaca ay fatahaaddu saamaysay  beeraha, waxaana ku baab’ay dalaggi saarnaa 10,000 kun oo higtar oo qaarkood dhawaan la goosan lahaa.

Inkastoo maamulka oo kaashanaya ganacsatada ay isku dayeen inay xiraan labada buq ee biyaha sababay ay ku guuldaraysteen buqda baarrey balse ay xireen Buqda tuulada Mooyko, laakiin buqda barreey waxay go’day 40 km ooxagal ah, qalabka ay u baahan tahay Jowhar lagama helo, taas ayaa keentay in aan durbo xiri wayno,” ayuu yiri gudoomiye Axmed.

Khadro Muxumad Cismaan waxay ka mid tahay dadkii degenaa tuulada Mooyko ee duleedka degamada Jowhar waxay biyaha ka galeen afar qol oo cariish ah iyo beer sedex hiktar ah oo ay u saarnaayeen dalagyo khudaar u badnaa, inkasta oo qaarood ay goosatay. Hadda waxay dulsaar ku tahay wiil ay dhashay oo xaas leh.

”Biyaha inta aysan beerta soo galin waxaan suuqa iib u geeyay bocor, kabsar caleen iyo kudaare kale laakiin maalmo kadib masiibadan ayaa dhacda,y meel fiid cows ah laga soo gurto xitaa malahan, waxaan hadda ku maareeyaan qoyska khudaar aan dayn ku soo qaato oo markaan iibiyo aan iska bixiyo lacgta,” ayay tiri Khadar.

Previous Post

Qoysas ka barakacay daad ku dhiftay deegaanka Heegaale ee gobolka Doollo oo xaalad hoy la’aan iyo cunno-xumo wajahaya

Next Post

Shixnado ganacsi oo dagmada Hobyo ay geeyaan doomo ka yimaaday dalka Imaaraadka carabta oo hoos u dhigay qiimaha raashinka iyo agabka kale

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Xilliga bad-xirranka oo saamayn ku yeeshay nolasha kalluumaysatada xeebaha Puntland

Shixnado ganacsi oo dagmada Hobyo ay geeyaan doomo ka yimaaday dalka Imaaraadka carabta oo hoos u dhigay qiimaha raashinka iyo agabka kale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo