Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qashin buux-dhaafiyay xeryaha barakaca Guriceel oo dhallinyaro ay si isxilqaan ah uga qaadayaan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 28, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qashin buux-dhaafiyay xeryaha barakaca Guriceel oo dhallinyaro ay si isxilqaan ah uga qaadayaan

Wiilal dhalinyaro ah oo qashin ay ka gureen xerooyinka guriceel saaraya gaari qashinka qaada/Cabdirisaaq Xersi/ERGO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhallinyaro is-abaabulay ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay shan xeryo bakarac oo ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka qaadaya qashin buux dhaafiyay xeryahaas oo dhibaato caafimaad darro ay ku qabeen dadka barakacay.

Axmed Xasan Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in markii hore ay xeryaha u tageen in dadka ay u sameeyaan baaritaanno iyo daaweyn balse ay xeryaha ku arkeen qashin badan oo sababay cudurrada maqaarka.

Iyagoo ka kooban soddon dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar ayuu sheegay in go’aansadeen inay xeryaha qashinka ka qaadaan si ay u bedbaadiyaan dadka. Wuxuu sheegay inay iska uruuriyeen $450 oo ay ku kireeyeen gaadiidka qashinka qaada.

“Xeryaha waa meel ay iskugu tageen dadka jilicsan oo aad u daruufeysan,waana cooshado. Dadkii waxay isticmaaleen oo ay meesha ku daadiyeen oo aan ahayn wax kala soocan waxay keentay in wixii ay xerada ku dhex daadiyaanba ay iyaga dib ugu soo noqoto. Musqulaha ayaa sidoo kale dhibaato ku ah.”

Maryan Jeylaani Xasan oo ku nool xerada Daryeel ayaa sheegtay in gurigeeda iyo xerada ay ku nooshahayba ay dhallinyaradu ka caawiyeen in laga qaado qashin badan oo aysan iyado awoodin lacagtii ku bixi laheyd qaadidiisa. Shan sano oo ay deggan tahay xeradan, waa markii ugu horreysay ee ay aragto howlo nadafadeed oo laga fulinayo.

“Meel kasta ayuu ku jiray qashinka. Xitaa geedaha noo wareegsan qashinka ku jiray way naga gurbiyeen. Waxyaabo iska silicsan ayay noo hagaajiyeen. Qashinka marka la qaadayo wuxuu u baahan yahay qarash, xoog iyo gaadiid. Annaga midna ma heysanno. Waqtigeena ugu badan waxaan ku bixinnaa in aan raadsano waxaan cuni laheyn, marka ma awoodno in aan iska qaadno. Walaalaheen waa ay ku mahadsan yihiin.”

Maryan oo ah hooyada saddex carruur ah, qoyskeeda wuxuu ku tirsan yahay shaqada muruqmaalka sida dhar-dhaqidda iyo dhul-xaaqa, taas oo ay marmar soo wayso, waxaana u sii dheer ilmaheeda oo aad u yaryar. Waxay uga tagto gabar ay deris yihiin oo labadooda qofba maalin shaqada aado si qofka kale u sii hayo carruurta labada qoys. Waxay nooga warrantay dhibaatada qashinka ay ku qabtay.

“Saameyn ayuu leeyahay qashinka. Tan kale bahallo ayaa gala oo masas iyo waxba gala ilmaha cunaya. Ciyaalka hargab kama baxayo, waa ay iska qufacayaan. Canugga maanta dhan qashin ayuu cunayaa, bir ayaa soo jeexeysa, kiimiko ayaa galeysa, mana ka daaweysan karno.”

Dhallinyarada ayaa shaqadan ay xeryaha barakaca ka qabtaan sameeya maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha. Waxay isticmalaan gadiid ay kireyaan, iyadoo dadka xeryaha ku nool ay qashinka ka soo uruuriyaan meelaha uu ku kala firirsan yahay sida uu sheegay Axmed Xasan Maxamuud. Wuxuu ka hadlay sida ay dhaqaalaha ku keenaan.

“Dhaqaalaha hadda cid naga baxsan oo naga caawisa ma jirto. Dhallinyaradeenna is aruursatay ayaa garannay in dadkeenna wixii aan ku kaalmeyn karno aan u sameyno. Qofkii markaas wax haysta oo aan is dhahno hebel war wuu idinka yeelayaa hadduu wax nagu biirin karo wuu nagu biiriyaa.”

Maxamed Axmed Cabdulaahi oo ah guddoomiyaha xerada Barwaaqo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhul ay dadka xerada ku nool degi lahayeen qashin badan xiray kaas oo hadda ay dhalinyaradan baneeyeen qoysas meelo ciriri ah ku jirayna ay hada dhulkaas qashinka laga qaaday degi doonaan.

“Qashin badan ayaa yaallay. Habeenkii marka dadka magalada ka yimaadaan baabuur iska yaaca ayaa qashin iskaga shuba meelahaan agagaarkeenna ah. Kaamka geeskiisa qashin badan ayuu ahaa, annaguna tabar uma hayn in aan qaadno. Allaah ayaa dhallinyarada noo soo adeejiyay.”

Dhallinyaradan ayaa qorsheynaya in dhammaan xeryaha barakacay ee ku yaalla Guriceel ay ka sameeyaan howlahan nadaafadda ah.

 

 

Previous Post

Puntland: Cilmi-baaris lagu ogaaday in fursado ganacsi ay ka jiraan deegaannada ka baxsan laamiga

Next Post

Qoysas uu daad ka barakiciyay guryahooda oo helay gargaar raashin, maacuun iyo teendhooyin iskugu jira

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas abaaraha ku cayroobay oo ka faa’iideystay gargaar raashin ah

Qoysas uu daad ka barakiciyay guryahooda oo helay gargaar raashin, maacuun iyo teendhooyin iskugu jira

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo