Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home SOCIAL

Qoysaskii ku noolaa Mustaxiil oo loo raray magaalo cusub

Radio Ergo by Radio Ergo
April 19, 2021
in SOCIAL, Wararkii u Danbeeyay
0
In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

Kedka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar kun iyo toddobo boqol oo qoys oo degganaa magaalada Mustaxiil ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maamulka magaaladu bishii labaad ee sanadkan ku raray deegaan kale. Dadkan oo la dejiyay deegaan bannaan waxaa sanad kasta saameyn jiray fatahaadda webiga Shabeelle oo maamulku sheegay in wax laga qaban waayay.

Baar Aadan Xaaji oo ah danyar muddo sanad ka badan ku nooleyd aqal cooshad ka samaysnaa wuxuu qoyskeedu ka mid noqday 900 oo qoys oo laga caawiyay hoyga iyo dhulka ay daggeen. Waxay deegaamayntan ku heshay labo qol oo jiingad iyo alwaax ka samaysan iyo musqul.

Waxay sheegtay in deegaanka cusub ay ku haysto biyo-galin iyo waxbarasho. Carruurteeda oo sagaal ah ayaa afar u dhigtaan iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Mustaxiill oo dhismihiisa laga hirgaliyay dhulkan cusub. hooyadan ayaa ka waramaysa isbaddelka ay ku dareemayaan dhulkan cusub oo ka durugsan webiga.

“Hadda farqi wayn baa u dhaxeeya meesha aan daggannahay iyo meesha aan ka soo guurnay, kow markaan soo dagnay macuun bey nasiiyeen meeshii aan biyaha ka cabi lahayn bey noo iclaamiyeen wax naga maqan ma jirto. Aad baan u mahdinaa, fatahaaddiina ilaahey wuu naga reebay.”

Baar ayaa tilmaamtay in dhibaatadii ugu dambeysay ay ka soo gaartay biyo baxadii uu sameeyay wabigu bishii Oktoobar ee sanadkii 2019-kii. Waxaa ka dumay labo qol oo mudullo ahaa, iyadoo ay ka dhinteen 32 ari ah iyo 3 lo’ ah oo ay dhaqanaysay taas oo ku qasabtay inay barakac noqoto.

Qoyska Baar ayaa intii ay xerada degganaayeen ku tiirsanaa min haaf bariis, bur, sonkor iyo saliid ah oo ay ka heli jireen hay’dda Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Deegaankan cusub ayay ka billowday iibinta khudaarta oo ay ka hesho lacag u dhiganta hal doollar ama wax ka badan kaas oo ay ku maarayso nolosha qoyskeeda oo wali qaata raashinka ay siiso hay’addu. Baar ayaa xustay in sanado badan ay ku noolaayeen xaalad walbahaar leh markasta oo la galo xili roobaadka balse hadda ay dareemayaan cabsi la’aan.

“Innagoo raali ah baan soo guurnay oo dagmadaan aan soo dagnay, boqolkii boqol waan ku fiicannahay guryahan ka dhisannay kolba uma maleynayo kuwaan ka cabsanaynay in aan biyaha mise fatahaadda uga baxno kolba uma maleynayo, dowladduna intii tabarteeda ah way nacaawisay.”

Siciid Ugaas Cali guddoomiyaha dagmada Mustaxiil oo hadda loo baddelay magaca Mustaqiim ayaa sheegay in xalka kaliya ee ay u heleen badbaadinta dadka ay noqotay in laga raro magaalada halka ay ku taallay. fikradda ka guuridda Mustaxiil ayaa timid markii sanadkii 2019 ay toban qof ku dhinteen fatahaadda, iyadoo guud ahaan qoysaskii dagganaa hantidoodii biyuhu burburiyeen taas oo barkacisay sida uu sheegay guddomiyuhu.

Qorshaha magaalaynta Mustaqiim ayaa billaabatay billowgii sanadkii 2020, waxaana tan iyo xilligaas laga hirgeliyay adeegyada aasaasiga u ah bulshada. Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’adda IOM ay kala shaqaysay dhismaha xarunta waxbarashada, biyo galinta iyo samaynta waddooyinka.

“Qorshe hagihii master planka loo yaqaannay ayaa loo dhamaystiray, ruux walba guriga uu ka lahaa cabbirkiisa yaa waxaa laga siiyay meeshaan cusub, annaguna waxaan ku guuleysannay annagoo kaa shanayna odayaasha dhaqanka, hooyooyinka, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada in meeshaas Mustaxiishii hore ahayd oo macnaheedu yahay in aysan macquul ahayn in lagu noolaado ama nolol lagu samaysto, hadda badbaado waxaa u ah meeshaan ay daggan yihiin.”

Waxa uu xusay in hadda ay ku howlan yihiin dhamaystirka xaruntii caafimaad ee deegaanka oo laga dhisayo Mustaqiim. Magaalada cusub oo ku taalla dhul taag ah oo dhirtu ku yart ahay waxaa laguu beeray sanadkan in ka badan 1,500 oo geed.

Dadka aan saboolka ahayn ee dagay deegaankan cusub waxaa laga taageeray dhulka oo kaliya, dadkaas waxaa ka mid ah Aadan Cabdullaahi Xuseen oo beeralay ah, Waxaa dowladdu siisay dhul 20+20 ah oo aqoonsigiisa lagu wareejiyay, iyadoo uu ka dhistay guri muddul ah. Qoyskiisa 7 qof ayaa dagay deegaankooda cusub bishii labaad ee sanadkan.

Sanadkiiba labo jeer ayuu sheegay inay ka barakici jireen Mustaxiil, taas oo dhibaato badan ku haysay. Waxay ku taallaa dhul godan oo dhinacyada buuro ay ka xigaan isla markaana u nugul in si fudud webigu ugu soo fataho. Saddex guri iyo dhul uu kulahaa deegaankiisii hore ayuu ka yimid si uu ugu noolaado cabsi la’aan.

“Hadda waxaan noqonay dad dagan magaalo maanta hantidii aan haysanna aan u hurayno, sidaas bey u kala duwan yihiin maanta meeshan waa waa magaalo istaatiiji ah bey noqotay awalna waxaan ku jirnay meel yar oo kooban, hadda se meel waasac ah baan soo dagnay aad iyo aad baan uga raysannay tii hore.”

Wuxuu leeyahay beer 4 hektar ah oo ay ugu yaallaan dalagyo khudaar iyo raashin ah. Qoyska Aadan ayaa ku tiirsan dhaqaalaha iyo raashinka uu ka helo beertiisa.

Sanadihii danbe waxaa xoogaystay fatahaadda wabiga waxaana u sabab ah moolka wabiga oo ciid ay xirtay islamar kaana aan helin wax dayactir ah iyo halkii uu mari jiray wabiga oo isbaddel uu ku dhacay, Cabdififaax Cismaan Barre oo bartay cilmiga deegaanka islamarkaana bare ka ah jaamacadda Jigjiga wuxuu aqoon fiican u leeyahay Mustaxiil.

“Magaalada Mustaxiil markii hore ba meel deegaan ku fiican ma ahayn, waxay ahayd in dadku meesha ay dagayaan ay ka fogeeyaan meesha ay ku taallay magaalada Mustaxiil, gabi haanba wabigii baa ku soo leexday, farraqyo cusub iyo meelo cusub bey ka baxaan biyuhu, marka magaalada iyadu dagitaan danbe maleh. Laakiin su’aasha meesha taalla waxaa weeyaan beerahan dadka in ka mid ahi ay sii fashaan ma sii socon doontaa, taasi oo aan la garanayn.”

 

Previous Post

Boqollaal qoys oo beeralay ah oo deggan 54 tuulo oo ka tirsan Ceelbarde oo la siiyay abuur ay tacbadaan

Next Post

Dhaqaale xumada haysata qoysaska barakacay oo ku qasabta inay marba xero degaan si ay gargaar u helaan

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Gedo: Qoysas cunto iyo biyo yaraan ka soo barakacay oo ku biiray xeryaha barakacayasha ee Luuq

Dhaqaale xumada haysata qoysaska barakacay oo ku qasabta inay marba xero degaan si ay gargaar u helaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo