Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Somaliland: Xoolo dhaqato ka faa’iday calaf laga sameeyey miraha geedka cali garoobka iyo qamadi la isku shiiday

Radio Ergo by Radio Ergo
March 30, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland: Xoolo dhaqato ka faa’iday calaf laga sameeyey miraha geedka cali garoobka iyo qamadi la isku shiiday

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)- Usaame Xasan Cabdillaahi oo tuullada Ceel-Xume oo 35KM u jirta magaalada Oodwayne ee gobolka Togdheere oo shan iyo toban neef oo lo’ah haysta ayaa daaq la’aanta ka jirta deegaankiisa ay xoolihiisa ka badbaadeen calaf  laga sameeyay geedka Cali Garoobka (Garanwaaga) iyo qamadi la isku shiiday. Wuxuu ka mid yahay 200 oo qoys oo bishi febrawari loogu deeqay calafkan si ay xoolaha u siistaan. Wuxuu siiyaa shan kilo labada galin. Usaame  Xasan ayaa sheegay in markii calafkan uu siiyay lo’diisa ay yeelatay hilib, taasi oo meesha ka saartay  welwelki ahaa in ay kaga dhimato jilaalka kulul ee xilligan jira.

Hay’dda beeraha iyo cuntada ee Qaramada Midobay ee FAO ayaa xoolo dhaqatada ku sugan deeganno kala duwan oo Soomaalilnad ah ugu deeqday.

“Isbedel fiican ayaan ku arkay lo’da oo dhogortii way soo celisay, way cunaysaa oo wax dhibaya maaha waa sida daqiiqda ama burka oo kale dhiig joojin ayay u noqotay neefafka aan haysto,” Ayuu yiri Usaame.

Tuullada Ceel-xume oo dadkii xoolo dhaqatada ahaa intooda badani ay u hayaameen dhinaca xuduudka Itoobiya ayaa waxaa ku soo haray qoysas kooban oo xoolo tiro yar haysta kuwaasi oo quudin uga dhiga boorash ay u soo gadaan iyo calafka loogu deeqay.

Xasan oo nolosha qoyskiisa ku dabara caanaha uu ka helo lo’dan iyo yaanyo uga baxda dhul laba hiktran  ayaa xusay in marki hore uusan ogayn in geedka Cali garoobka ah uu leeyahay faa’idadan, wax uu qorshaynayaa uu ku tume mooye kadibna uu cunto uga dhigo xoolihiisa.

“Xoolaha abaar daran ayaa haysay runtii meel aan u kaxeeyana waan waayay oo carruurta ayaa yaryar balse ilaahay idamkii way noolaanaysaa oo roobka ayaan sugeynaa bishan, biyaha waxaan ka helnaa ceel riig ah oo tuullada noogu yaala, runtii lo’du inay maalin walba cabto ayay rabtaa haddase shanti maalinba mar ayaan soo waraabiyaa oo wax duruuftu keentay.” Sidaa waxaa yiri Usaame.

Usaame waxaa abaartii 2017 kaga le’eday afar neef oo ahaa iyo sodon neef oo ari ah.

Shirkada Fooxle oo ay ku midoobeen dhakhaatiir xanaannaada xoolaha bartay ayaa markii u horeysay sameeyay boqol iyo sadex iyo sideetan kun oo tan oo calafka xoolaha ah, kaasi oo laga sameeyay  Qamadi iyo miraha geedka Cali Garoobka (Garanwaaga) oo ay shiideen (Ridqeen). Waxaana la aaminsan yahay in xilliga abaaraha ay xooluhu ku barbixi karaan.

Dr Xasan Cali Bulaale oo ah guddoomiyaha shirkadan ayaa sheegay ay arrintan ku dhalatay kadib marki abaaraha soo noqnoday ay ku le’edeen xoolo fara badan, ay ka fikireen in loo helo raashin ay cunaan xoolaha.

Dabayaaqadii 2018 ayay sameeyeen daraasad ay ku ogaanayaa waxyaabaha looga faa’ideysan karo geedka Cali Garoobka, waxayna heleen xog ururin caalami ah oo ay sameeyeen khuburo Tansaaniyaan ah oo soo bandhigay in geedkan looga faa’ideyn karo calafka xoolaha marka la shiido.

“Markaan ogaannay faa’idooyinka geedkan oo ah in caladka xoolaha laga samayn karo ayaannu isku shiidnay asaga iyo qamadiga si ay daaq uga dhigtaan xoolaha abaartana ay uga badbaadaan waana ku guuleysanay.”

Deegaanada miyiga ah ayay ka soo guraan dhallinyaro ka tirsan shirkadu miraha Caligaroobka halka qamadiga cad ay ka soo iibsadaan Itoobiya, marka ay isku shiidaan ayuu sheegeen in si fudud neefku u cuni karo, tijaabadii u horeysay ayay soo bandhigeen bishii January ee sanadkan.

Shirkadda fooxle ayaa waxaa taageeray hay’adda FOA iyo ururka dhaqaatiir xoolaha ee aan xuddudda lahayn ee Jarmalka. Xoolo dhaqatada ka faa’ideystay ayaa ku kala sugan gobollada Maroodijeex, Daadmadheedh, Hawd, Togdheer, Sanaag iyo Sool.

Dr Maxamed Xasan Maxamuud oo ka tirsan wasaarada xannaanada xoolaha Soomaaliland, ahna khabirka calafka xoolaha iyo beeraha ayaa sheegay in calafkan ay xoolaha ku yeeshaan awood badan, balse wuxuu ka digay ay xoolaha siiyaan geedkan oo aan la shiidin taasi oo uu tilmaamay inay halis ku tahay caafimaadka neefka.

“Cunada marka la diyaariyo ee la ridqo amma la shiido,garanwaagu marka ay timaado waxaa uu u baahanyahay in laga dhigo daqiiqda oo kale, burkii oo kale uu noqdo oo la baabiiyo sababtoo ah, iniintiisa amma midhihiisa ayaa mindhicirka u fadhiisanaya, sida dameeraha oo kale wuu dilaa haddii  miraha oo aan la shiidin  cunaanoo tijaabo ayaan ku sameynay, marka la shiido dux yar yar ayuu leeyahay oo neefka ayuu anfacayaa”

Previous Post

Qoysas u hayaamay bariga gobolka Nugaal oo wajahaya cunno-xumo, markii ay beec u waahyeen xoolahooda

Next Post

Laascaanood: Qoysas booyado biyo sida waddada ku suga si ay biyo uga baryaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Somaliland: Xoolo-dhaqatada oo ka ag-dhowaanaya deegaannada uu roobka ka da’ay

Laascaanood: Qoysas booyado biyo sida waddada ku suga si ay biyo uga baryaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo