Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Qoysas u hayaamay bariga gobolka Nugaal oo wajahaya cunno-xumo, markii ay beec u waahyeen xoolahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
March 30, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqatada Jubbada hoose oo ka cabanaya biyo iyo daaq-la’aan

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo-dhaqato u hayaamay dagmooyinka Eyl iyo Dangoronyo ee bariga gobolka Nugaal labadii bil ee la soo dhaafay ayaa ka cabanaya dhaqaalo-xumo iyo biyo yari soo food saartay, roob aan la filayn oo la socday duufaantii Gati oo ka da’ay bishii December ee sanadkii hore ayaa daaqii ka dhashay uu gabaabsi ah yahay.

Maxamed Ismaaciil Hirad oo miyiga Dangoronyo yimid horraantii bishii maarso waxa uu dhaqanayaa boqol neef oo ari ah, wuxuu sheegay in safarka uu kaga yimid deegaanka Noodir ee gobolka bari oo abaar ay ka jirtay uu ku qarash gareeyay $500 oo gaari uu ku kiraystay. Balse culayska abaarta uu haysto wali maaddama ay dul dageen xoolo dhaqato badan daaqii yaraa.

Isku guur-guurka ay sameeyeen qoysaska soo hayaamay ayaa keentay in fuustada biyaha ah looga iibsado Dangoronyo iyo deegaannada u dhow lacag dhan 4$ maaddama ceel-gacmeedyadii ay biyo yareeyeen, qoyska Maxamed oo xooluhu beec u yeelan waayeen wuxuu hadda biyaha la cabaa qoysaska gadan kara ee la daggan.

“Geeddigaas waxaa nagu kalifay dayr-waa iyo meelahaan oo xoogaa roobab ah ay ka da’een oo ummaddu u wada guurtay, dabadeedna ummaddii oo dhan isku martay naqii yaraa oo waa la dhamaystay dadkuna xoolaha uu haysto ayuu qashaa, hadda wax dad ah oo macluul u dhintay ma jiraan. Laakiin biyaha iyo raashinku labadaba way adkaadeen.”

Dhibaatada ugu way ee uu la kulmay qoyskiisa ayaa ah beec xumada xoolaha. Wuxuu xusay in sayladda uu geeyay 2 neef ari ah oo uu doonayay lacagta uu ka helo in raashin iyo biyo uu ku baddesho. Laakiin uusan wali helin cid ka iibsata.

Beec-xumada xoolaha oo soo billaabatay markii uu dillaacay xanuunka Karoonaha sanad ka hor ayaa saamaysay sayladda Dangoronyo waxaana u wehlisa shilinka soomaaliga oo la diiday Dangoronyo dabayaaqadii sanadkii hore sida ay inoo sheegeen dullaaliintu, Maxamed ayaa muujiyay in noloshu ku sii adkaanayso maaddama ay ku tiirsan yihiin nacfiga xoolaha iyagiina suuq loo waayay.

“Qorsheennu wuxuu yahay in la isku leex leexdo inta wada daggani hadba reerkii wax u yimaadaan raashinka laga sii qaad qaato, biyaha reerkii booyad u timaaddo la lacabo.”

Roobkii dayrta oo aan ku di’in deegaankiisa ayaa galisay cabsi ah in uu haleeli waayo kan guga ee la filayo in uu billowdo bartama bisha april, taas oo keentay in uu soo hayaamo.

Maamullada deegaannada bariga gobolka Nugaal ayaan ka ogaannay  in in ka badan 4,000 qoys ay muddo bil gudaheed iskugu yimaadeen dhulka cows laga helay ee miyiga Dangoronyo, duqa deegaanka Dangoronyo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in culays si isku mid ah ay wajahayaan dadka deegaan iyo xoolo-dhaqatada soo guuray oo ilihii biyaha laga helayay ay ku filnaan waayeen.

Wuxuu ka warramayaa sida maamulkiisu u wajahay xoolo-dhaqatada iyo xoolaha badan ee ay la yimaadeen deegaanka.

“Deegaan deegaan baan u kala samaynay waana tirakoobnay waxaana waliba u gudbinnaa qolayaha Humanitarianka ee hay’adaha iyo wasaaradda arimaha gudaha puntland, waxaa ka dhashay isku guurka nabaadkii dhulku lahaa oo dhamaaday iyo ceelashii oo ciriiri noqday, arrinta kale oo inoo dheer waxa ay tahay lacagtii shilin soomaliga ahayd ayaa la diiday, waana caqabadda ugu waawayn ee reer miyiga soo wajahay.”

Deegaannada kale ee daaqa laga helay waxa ka mid ah miyiga dagmada Eyl ee gobolka Nugaal, Siciid Muuse Barre oo afartii toddobaad ee la soo dhaafay 70 neef ari ah ku haya dooxooyin daaqii laga dhamaystay ayaa sheegay in uu qorshaynayo barakac kale oo uu u galo meel xoolihiisu nabaad ay ka heli karaan.

Waxa uu ka dayriyay dhaqaalo xumada soo wajahday qoyskiisa oo 8 qof ah, toddobaadkii ba mar ayuu sheegay in ay biraystaan neef ari ah si ay ugu noolaadaan hilibkiisa maaddama aysan haysan dhaqaale ay raashin ku iibsadaan.

“Dhulkan cunnadiina wa laga dhameeyay xoolihiina way la qabsan waayeen, barwaaqadii hore dhir ka baxday baa lagu soo eexaystay waana biyo la’aan, khayr baan ilaahey ka sugayna wax cunno ah oo lagu haysto ma jirto.”

Waxay biyaha ka helaan qoyskiisy ceel la dhuro oo ay u arooraan mararka qaarna biyaha laga waayo si xoolihiidu ay u sii noolaadaan intii lagu jiray sanadkan ayuu qoyskiisa la galay saddex hayaan oo ku maray waqooyiga mudug oo deegaan u ahaa, miyiga Xaafuun iyo hadda oo uu toddobaadyo ku nagi yahay bariga Nugaal.

 

Previous Post

Mudug: Qoysas xoolihii ka dhammaadeen oo deegaanka Gawaan u yimid si ay carruurtooda gaajada uga bedbaadiyaan

Next Post

Somaliland: Xoolo dhaqato ka faa’iday calaf laga sameeyey miraha geedka cali garoobka iyo qamadi la isku shiiday

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Somaliland: Xoolo dhaqato ka faa’iday calaf laga sameeyey miraha geedka cali garoobka iyo qamadi la isku shiiday

Somaliland: Xoolo dhaqato ka faa'iday calaf laga sameeyey miraha geedka cali garoobka iyo qamadi la isku shiiday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo