Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sanaag: Hooyo haysata 8 carruur ah oo agoon ah oo dhibaato ay ka haysato helitaanka cuntada iyo biyaha

Radio Ergo by Radio Ergo
March 4, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Loogada Raadiyo Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deeqo Cali Cabdullaahi oo tan iyo bishii siddeedaad ee sanadkii hore barakac ku ah magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxay dulsaar ku tahay qoys deggan magaalada, taas oo ah saameyn ka dhalatay abaar, ayax iyo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ee deegaannada Puntland.

Deeqo oo ah 50 jir haysata siddeed carruur ah oo agoon ah oo la soo xiriirtay Raadiyo Ergo ayaa sheegtay in dhibaato ay ka haysato helitaanka cuntada iyo biyaha. Waxay muddo saddex bil ku tiirsan tahay raashiin ay ku caawiyaan qoysas daris la ah.

Raashiinkaas ayay sheegtay in maalinkii labo waqti ay karsadaan, walow ay xustay in iidaan aysan inta badan u helin oo ay carruurtu cunaan bariis iyo canjeero aan waxba lagu darin.

“Quraacda markaan dubanno qado iyo quraacbaa ka dhiganaa, cashadana haddii la helo alxamdulilah. marka dadkaasbaa adigu marba wixii naloo awoodo noo keen keenna.”

Deeqo ayaa intaas ku dartay in barkado ay dadku ku keydsadaan xareedda roobka ay biyihii ka dhamaadeen dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore, taasina ay sababtay biyo yiri ku soo beegantay xilli kulul oo jiilaal ah. biyaha hadda laga cabo magaalada Badhan ayay xustay in ay yihiin kuwo booyado looga soo dhaamiyo ceel biyood ku yaalla deegaanka Yalho oo Boosaaso qiyaastii u jira 30km, maadaama magaalada Badhan aysan laheyn ceel biyood.

Foostada biyaha ah ayaa looga iibiyaa $5, taas oo ay tilmaamtay inay ku adag tahay dadka danyarta ah. Biyihii ugu dambeeyay ee ay iibsatay oo ahaa labo fuusto ayaa looga gatay lacag $9 ah oo ay u soo dirtay walaasheed oo joogta magaalada Boosaaso. Waxay xustay in marka ay awoodi wayso gadashada biyaha ay ku caawiyaan qoysaska dariska la ah.

“Biyaha meeshoo dhan aad bay u adag tahay ma garatay. booyad baad dabo ordeysaa,illaa saaka oo dhan bannaankaan wareegayay meel ay ka soo galaanaa isku taagay, markaa Illaahay waa isiiyay.”

Deeqo ayaa tilmaamtay in aabbaha carruurta uu geeriyooday dhammaadka sanadkii hore oo ah intii ay ku jireen xaaladdan barakaca ah, taas oo ku yeelatay saameyn dhaqaale iyo mid nololeed, maadaama uu ahaa xoogga kaliya ee ay ku tiirsanaayeen. Hadda waxa ay deggan yihiin hal qol oo nin ay qaraabo yihiin uu siiyay. Xoolo ma leh, shaqana ma hayso.

Culeyska ay wajahayso darteed, waxay Deeqo bishii sagaalaad ee sanadkii hore billowday ka ganacsiga khudaarta oo ay ku iibineysay miis yar oo ay dhigatay iridka guriga ay deggan tahay, kadib markii ay heshay lacag $50 oo uu ku caawiyay carruurteeda awowgood. Hase yeeshee waa uu ka burburay ganacsigaas saddex bil kaddib, markaas oo deegaannada Puntland laga diiday qaadashada lacagta Shillinka Soomaaliga ah Diseembar 2020. Waxaa lagu leeyahay deyn $150, taas oo ka soo raacday kudaar u gadmi weysay.

“Hablo halkan joogaan ka qaad qaadan jiray khudaarta, markii hore toban-toban kiilo ayaan ka miistay, marka Intii anoo iibsada ayey qudaartii iiga istaagtay Lacagtii shilinka Soomaaliga oo la qaadan waayay. waa ku daymoobay.”

Haweenaydan ayaa sheegtay inay awoodi waysay in carruurteeda ay ka bixiso lacagta waxbarashada isla markaana labada ugu weyn oo 18 ku dhow ay afar bil ka hor mas’uulayadooda nololeed iyo tan waxbarasho ay kala wareegeen qoysas qaraabo la ah oo deggan magaalooyinka Boosaaso iyo Sheekh.

Carruurta kale ayey xustay Deeqo in hadda ay u dhigtaan dugsi gaar loo leeyahay oo lagu barto waxbarashada aasaasiga ah iyo dugsiyo qur’aanka lagu barto oo bilaash ah.

“Gabar carruurta joogta ugu weyn, gabar saaxiibtay ah baa macadka ka bixiya, quraankay barataa, shantaa kale wey ka yaryar yihiin, Saddex baa adigu gelinka dambe taga oo uula ah, waa carruur iska yar sagaal jir, siddeed jir oo iska reer miyi ah.”

Qoyska Deeqo oo ahaa reer guuraa miyiga magaalada Badhan ku dhaqda ari 150 neef ah, ayaa abaartii 2017 ku waayay xoolahoodii taas oo sababtay inay u barakacaan ilamaha adeerkood oo ahaa beeraley deggan tuulada Mashxaleed oo hoostagta degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag.

Labo sano oo ay halkaas joogeen ayay ku tiirsanaayeen khudaar iyo maseggo uga soo go’I jirtay beerta inkastoo markii dambe uu ayax ku habsaday bartamihii sanadkii hore. Sidoo kale isla sanadkaas dhammaadkiisa waxaa xilliyo kala duwan geeriyooday seeyga Deeqo iyo walaalkiis.

Markii ay noloshu ku adkaatay ayaa Deeqo ku qasabtay in qoyskeedu uu ku soo barakaco magaalada Badhan. Waxa ay nooga warranay saameynta ay arrintaas ku yeelatay taas oo u horseedday inay deegaankeeda ka hayaanto.

“Abaar sima la yiraahdo unbaa arigii dhamaaday, markaa waaba iska xaroonay anagu beerahayakaas baan iska tagnay oo beertaas baan naf moodnay, beertii Ayax ayaa galay, dee waxaan is niri xagga magaalada Badhan gala oo meesha buurta ka soo baxa baan is niri.”

Deeqo ayaa sheegtay in haddii ay hesho lacag ay ku guurto in ay qorsheyneyso in ay tagto magaalooyinka waaweyn ee Burco ama Boosaaso oo ay aaminsan tahay in ay ka heli karto shaqooyin xoogsi ah.

Previous Post

Mudug: Jabista shan ceel oo sababtay biyo yari

Next Post

Soomaliland: Xoolo dhaqatada oo meel fog fog u hayaamaya si ay biyo iyo daaq ugu helaan xoolaha

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA TODDOBAADKAN IYO QEYBO KA MID AH DALKA

Soomaliland: Xoolo dhaqatada oo meel fog fog u hayaamaya si ay biyo iyo daaq ugu helaan xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo