Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Soomaliland: Xoolo dhaqatada oo meel fog fog u hayaamaya si ay biyo iyo daaq ugu helaan xoolaha

Radio Ergo by Radio Ergo
March 8, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
QIIMAHA XOOLAHA TODDOBAADKAN IYO QEYBO KA MID AH DALKA

keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hay’adda u diyaargaroowga masiibooyinka iyo kaydka cuntada ee Soomaaliland ayaa sheegtay in  konton iyo shan kun oo qoys ay saamaysay biyo yaraanta ka dhalatay roobki dayrta oo ku yaraa gobollada Soomaaliland qaarkooda sida gobollada Hawdka, Maroodijeex, Sanaag, Sool iyo Togdheer.

In ka badan 30 kun oo tiradaasi ka mid ah waxay ku sugan yihiin gobolka Togdheer oo ah meesha ugu daran ee ay ka jirto biyo yarida, taasi oo keentay inay adkaato nolal maalmeedka caadiga ah ee dadka iyo duunyada sida  uu sheegay gudoomiyaha hay’adda Faysal Cali Sheekh oo wareysi siiyay idaacdda Ergo.

Waxaa aad u badan qoysaska xoolo dhaqatada ah, ee hayaamaya, qaarkood ayaa dhawr jeer u hayaamay deeganno kala duwan si xoolaha ay ugu helaan biyo iyo baad. Dadkaasi waxaa ka mid ah Jaamac Maxamuud Xasan oo laba toddobaad ka hor hayaan ku tagay buurta gacan libaax oo Hargeysa u jirta 120 kiilo mitir oo ka xigta dhanka waqooyi bari, halkaas oo uu labaatan neef oo geel ah uga helay iyo daaq.

Jaamac oo marki hore ku noolaa tuulada Kaam Abokar oo 160 kiilo mitir u jirta magaalada Hargeysa dhanka koonfureed, Balse hoostagta degmada Gaashaamo ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in uu dhawr jeer u hayaamay deegaanno kala duwan si uu neefafka geela ah, ugu helo biyo iyo daaq.

“Dhibka jiraa wuxuu yahay biyo la’aan  xun ayaa dhacday, xaalku wuxuu noqday in xoolihii  la raro, si caws iyo biyo u helaan, haddii kale way dhammaanayaan, tan iyo bishi sagaalaad ee sanadki hore waan guurayay oo hadba meesha biyo iyo daaq la igu sheego ayaan aadaa”

Ninkan oo lug ku guurayay deegaanada bilowgii bishii sagaalaad hayaamay kaddib markii roobka gu’ga ku yaraaday deegaankiisa waxaa uu tagay Xaaxi, Go’da yar, Salaxley, Daroor iyo Waabariyaale oo ka kala tirsan Somaliland iyo Itoobiya.

Deegaanka uu hadda joogo ee Gacan libaax ayuu qorshaynayaa in uu mar kale ka hayaamo maadaama dad badan ay isugu yimaadeen oo daaqi uu gabaabsi yahay, wuxuu doonaya in uu guuro dhanka gubanka ee waqooyiga xeebaha Berbera oo loogu sheegay biyo iyo daaq.

“Markii hore waxaan ahaa nin xaafadiisa iyo reerkiisa ku barwaaqaysan oo wax la is barbar dhigaba maaha, nin barakacay oo baradiisii iyo dadkiisiiba kala lumeen ayaan hadda ahay, xaaladdii qoyska meeshi hore ee aan uga soo tagay ayay joogaan.

Qoyskiisa ayaa ku tiirsan raashin deyn ah oo ay ka qaataan dukaan ku yaalla deegaanka Kaam Abokor oo uu doonayo in uu bixiyo marka roobku do’o. Xoolo dhaqatada ayaa ka cabanaya biyo yaraan iyo xoolaha oo aan iib lahayn taasi oo ka dhalatay jiilaalka kulul ee jira oo ay sabab u tahay roobki dayrta oo meelaha qaar aad ugu yaraa.

Faysal Cali Sheekh oo ah, gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga masiibooyinka iyo kaydka raashinka, ayaa sheegay in wax ugu badan ee hadda dadka haysata ay tahay biyo la’aan iyo cunto yaraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannada qaar ay ka sameeyene biyo dhaamin iyo raashin qaybin naf badbaadin ah.

“Nolosha dadku aad bay u daciiftay waayo, biyo la’aan ayaa ugu sii daran haddii biyo la waayay dadkii wax ay wax ku karsadaan ayay waayeen. Meelaha qaar baad wuu jiraa, meelaha qaarna waa la iskugu guuray oo baadkii wuu ku yaraaday, marka runtii culeys badan ayaa jira.”

Deegaanada ugu daran ayaa ah kala tuulooyin badan oo ka tirsan gobolkaTogdheer,  deegaannada Garadag, Ceel-afweyn, Fiqifuliye oo ka tirsan gobolka Sanaag ah,  degmooyinka Xudun, Saaxdheer iyo Taleex oo ka tirsan gobolka Sool iyo gobolka Maroodijeex oo ay ugu liitaan tuulooyinka Farowayne, Balligubadle, Salaxley iyo Sabawanaag sidaa waxaa radio Ergo u sheegay Faysal Cali Sheekh.

Xamse Cabdi Aw Aadan oo teleefoon ugu warramay wariyaha radio Ergo ee magaalada Hargeysa xilli u ku jiray hayaan uu ugu socday gubanka xeebaha waqooyi ee magaalada Berbera, ayaa sheegay in marki sideed jeer uu biyo u shubay 30 neef oo geel ah iyo 50 neef oo ari ah, kana dhammaatay lacagti uu haystay uu go’aansday in uu hayaamo si biyo iyo daaq uu ugu helo xoolaha. Kow iyo toban habeen isagoo socda ayuu xusay inaanu wali gaadhin goobtii loo soo sahamiyay.

“Waxaa na wadaa waa kulyl iyo biyo la’aan waxaa dhulka ka dhacay oo wakhtigan la joogo cadceeddii oo kululaatay kaliilna lagu jiro, oo biyo la haynin, baad la haynin, markaas sidaas ayay reeruhu u hayaamayaan”

Xamse oo ah aabbaha qoys ka kooban lix qof, ayaa qoyskiisa iyo lix qoys oo kale oo ay isku deegaan yihiin ku wada jiraan safarka ay calafka iyo biyaha ku raadinayaan. Dadkan oo ku guuraya gaadiid ayaa waxaa kaga baxaya lacag dhan 180 doollar oo lagu soo kireeyay gaariga.

 

Previous Post

Sanaag: Hooyo haysata 8 carruur ah oo agoon ah oo dhibaato ay ka haysato helitaanka cuntada iyo biyaha

Next Post

Galgaduud: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya cunno yari, hoy la’aan iyo biyo yari

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Galgaduud: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya cunno yari, hoy la’aan iyo biyo yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo