Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya cunno yari, hoy la’aan iyo biyo yari

Radio Ergo by Radio Ergo
March 8, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad lagu qiyaasay 2,500 oo qoys oo deegaanka Xananbuure oo labo bil ka hor dagaal dhexmaray labo qabiil halkaas uga barakacay ayaa xaalad cunno yari, hoy la’aan biyo yari ku ku wajahay deegaanno hoostaga dagmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Faadumo Maxamed Cawaale oo haysata lix carruur ah, wuxuu qoyskeedu ka mid yahay 250 qoys oo shan iyo labaatankii bishii hore degay deegaanka Balli-laasoole.

Waxay sheegtay in nafaqo-xumo ka dhalatay cunno yarida haysata ay ka muuqato carruurteeda. Faadumo ayaa tilmaamtay in subaxdii ay u dawarsi tagto dadka deegaanka horay u degganaa. Waxay soo hesho ayay xustay in 24-kii saac ay hal dabka u saartaa carruurta.

“Fiidkii ayaan wax u karsadaa ciyaalka, waa iska joogaan ilaa maantii oo dhan habeenkii waxaan helan ku cashaysiiyaa. Maacuunta cuntada lagu cuno waaba ka soo cararnayba, halkirli labo saxan koobab afar xabaa ah ayaan wadanaa oo aan garabka ku qaadan karo haddii xabaddu sii cuslaato wax aan qaadan karo ayaan haysanaa.”

Faadumo ayaa sheegtay in geedaha hoostooda ay hoy u yihiin isla markaana aysan haysan wax ay ka galaan qoraxda iyo qabowga habeenkii. Biyaha ay helaan oo qaraar ah ayay tilmaamtay in maalin dhaaf looga keeno deegaanka Bowda-dhogorre oo iyagoo toban qoys ah ayay isku dardarsadaan $7 oo hal fuusto la gado.

Faadumo ayaa barakacan ka hor nolosha qoyskeeda ka maarayn jirtay caanaha toban riyood iyo 40 xabbo oo ukun ah kuwaas oo ay ka heli jirtay lacag dhan $5.5. Waxay intaas ku dartay in carruurta aabbahood oo isna ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha isla markaana ay isku kabi jireen dhaqaalaha ay helaan inkastoo hadda uu ka mid yahay dadka isku horfadhiya deegaanka.

Waxay nooga warrantay dhibaatada xoolaheeda ka soo gaartay dagaalka oo ay ku waysay 150 digaag ah iyo ku dhowaad 10 neef oo ari ah.

“Aniga afar Riyood ayaan hadda haystaa, 15 neef oo shantu waxaro tahay ayaa ii joogtay. Dooradii midna bahalbaaa cunay, midna xabadbaa laysay. Arigii inta raadshay ayaa waxarihiina xeradii ay ku jireen xabado ugu soo galeen, waa baabe’een.”

Faadumo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in marka soo barakacaysay ay la soo lugaysay carruurta oo ay waysay gaadiid ay alaabta iyo ilmaha ay ku qaadato.

Dadka xaaladda nololeed ay haysato ee ka barakacay Xananbuure ayaa deegaannada kale ee ay gaareen waxaa ka mid ah deegannada Olol, Laama-dhaayeed iyo Hanta-dheer oo kan ugu dhow uu 20 km u jiro.

Xaawo Maxamuud Cosoble oo ka mid ah 278 qoys oo u barakacday deegaanka Olol oo Xananbuue u jira 24 km waxay sagaal carruur ah oo ay dhashay la lugaysay muddo saddex saac ah si ay deegaan nabdoon u tagaan.

Qoyska Xaawo waxay ka tageen guri labo qol ah iyo agabkii yaallay. Hadda dadka deegaanka ayaa siiyay kirli, digsi iyo labo koob, iyadoo habeenba qoys ay ka soo qaataan raashinka ay karsadaan.

“Lugtaydaan soo adeegsaday. Anigoo galab ari biyo iyo badar siinaaya oo siibad dhexdeed ay ku jiraan ayaa meel ii dhow ayaa rag lagu laayay. Toddobo saac anigoo neefna wadan, calalna wadan ayaan lug uga soo baxay, markaasna dadkii ayaan iska soo dhex galnay. Sida aan ku jirno marka jeerin hoostiis ayaan seexannaa, geed qurac ahna maalinkii ayaan harsannaa dadku waa ila wada mid oo adigu markii dhibaatadu ay ku qabato waad iska jiitamaysaa.”

Xaawo wuxuu nolosha qoyskeedu ku tiirsanaa shaah ay ku karin jirtay deegaanka Xananbuure oo maalinkii ay ka heli jirtay lacag dhan $5 ilaa $8. Balse waxa ay tilmaamtay in dagaalka oo hadba si goos-goos ah uga dhacayay deeegaanka ilaa bartamihii sanadkii hore uu culeys ku noqday ganacsigeedii.

“Si deggan uma ganacsan markii xabaddu bilaabato waan cararijirnay. Markaan toddobaad meelahaas duurkaa ku jirno ee ciidanka Galmudug uu ku soo kala dhex galo ayaan ku soo laaban jiran. Ganacsi baan ku haysannay oo ku barwaaqo ayay noo ahayd.”

Xaawo waxay rajeynaysaa in ay ganacsigeedii ay dib u yagleesho haddii uu deegaanku nabad noqdo, maaddaama karinta shaahu ay u ahayd isha kaliya ee reerkeedu dhaqaalaha ka helo 12-kii sano ee u dambeeyay.

Aadan Cabdulle Cismaan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo hadda ku sugan deegaanka Balli-laasoole oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa tilmaamay in adeegyadii aasaasiga ahaa deegaanka istaageen.

Labo iskuul oo ay dhiganayeen 874 arday ayaa xirmay maaddaama ardaydii ay la barakeceen qoysaskii ay ka soo jeedeen.

Wuxuu sheegay in dadka ka barakacay deegaanka ay wajahayaan xaalado kala duwan isla markaana ay gurmad u baahan yihin.

Odayaasha dhaqanka qabiillada dirirtu dhexmartay iyo masuuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa wada waanwaan colaadda xal loogu raadinayo, welina ma aysan ku guulaysan in heshiis rasmiya laga gaaro walow xabbad joojin la sameeyay oo kooxihii ay weli is hor fadhiyaan.

Previous Post

Soomaliland: Xoolo dhaqatada oo meel fog fog u hayaamaya si ay biyo iyo daaq ugu helaan xoolaha

Next Post

Kaluumaystada Xaafuun oo ka soo kabanaya shaqo la’aanta ka dhalatay duufaantii Gati

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Kalluumaysatada deegaanka Binna ee gobolka Bari oo ka cabanaya jariif

Kaluumaystada Xaafuun oo ka soo kabanaya shaqo la’aanta ka dhalatay duufaantii Gati

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo