Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kaluumaystada Xaafuun oo ka soo kabanaya shaqo la’aanta ka dhalatay duufaantii Gati

Radio Ergo by Radio Ergo
March 9, 2021
in Arrimaha Bulshada, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Kalluumaysatada deegaanka Binna ee gobolka Bari oo ka cabanaya jariif

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kaluumaystada deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayaa ka soo ka banaya shaqo la’aantii ka dhalatay burburka duufaanti Gati ay u gaystay qalabkii ay ku jillaaban jireen bishii December ee sanadkii hore, boqol afartan iyo shan xoogsataas ah ayaa helay dabayaaqadii bishii hore agab iskugu jira matoorro, shabaago iyo tallaagado ay ka caawisay hay’adda cunnada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO.

Kaluumaystada ka faa’iideystay qalabkan waxaa ka mid ah Muuse Cali Qaal oo helay Matoor uu ku xirtay hal saxiimad oo duufaanta uga badbaadday, shabaag uu ku kaluumaysto iyo tallaagad.

Muuse oo horraantii toddobaadkan dib u billaabay shaqdiisa wuxuu sheegay in uu la soo baxo nolol-maalmeedka qoyskiisa, Kadib labo bil oo hakad ay ku jirtay shaqadiisa, waxa uu ka waramaya sida qalabka la siiyay uu u caawiyay.

“Markii hore waannu fadhinay dad aanan shaqaynaynin baan ahayn, laakiin hadda intii tallaagadaha iyo matoorada naloo keenay waan ku soo ka banay haddana waan ku shaqaynaa, Inkastoo aan u baahannahay in wax kale naloogu soo daro, haddeer qoyska waan ku la soo baxaa kaluunkuu cuni lahaa iyo adeeggiisii, ninka maalintii $3 iyo $2.5 wuu soo helaya waa nolol-maalmeedka uun.”

Muuse ayaa ka hor duufaantii Gati waxa uu ka helayay shaqdiisa wax ka badan $70 oo faa’iido ah toddobaadkii, qoyskiisa oo 10 qof ah ayaa 2 bil kadib ka maarmay raashinkii ay ka heli jireen qoysas ehelkooda ah.

Muuse ayaa sheegay in matoorka lagu caawiyay uu qiimihiiu yahay $2,800, taasi ku adkayd in uu iibsado haddii aysan hay’addu siin lahayn, labo kamid ah carruurtiisa ayaa ku laabtay iskuulka hoose ee deegaanka Xaafuun oo toddobaadkii hore dib loo howl-galiyay, markii duufaantu burburisay dhismahiisa.

Muuse ayaa dadaal ugu jira ka soo kabashada dhibaatadii duufaanta oo wali saamaynteeda uu dareemayo.

“Matoorrada nuucii aan ku shaqaysan jirnay baan u baahannahay oo ahaa matoorro waawayn oo shan iyo labaatanle ilaa afartanle ah oo  badda Hindiya looga shaqaynayay oo wax soo saarka reerka kaabayay oo waxbarashada aan ku bixinaynay, matoorradii aan haysan jirnay 30 ilaa 40 mayl baan ku tagi jirnay, laakiin hadda  5 mayl ilaa 7 mayl ma dhaafi karno.”

Kaluumaystada qaar ayaa koox koox isku kaashaday si qalabka la siiyay uu u noqdo mid ay badda ku gali karaan, Abshir Maxamuud Sheekh oo helay shabaag iyo tallaagad wuxuu saxiimad dib loo hagaajiyay kula midoobay ku dhawaad 10 rag ah, kuwaas oo wax soo saarka ay helaan si toddobaadle ah u qaybsada.

Qoyskiisa ayaa ku tiirsanaa muddadii uu shaqo la’aanta ahaa $100 oo bishii ba mar ay ka helayeen gabar walaashiis ah oo dibadda ku nool. Wuxuu sheegay in lacagtaas aysan soo dhaafi jirin raashinka qoyska.

Abshir ayaa tilmaamay in culayska ugu wayn uu ka haystay qarashka waxbarasho ee labo wiil oo dugsiga sare iyo jaamacad u dhiganaya. Waxaa lagu leeyahay $30 oo ah lacagta waxbarashada dugsiga sare oo uusan bixin labadii bil ee u danbeysay. Iyadoo afar bil kadib laga rabo lacagta simistarka jaamacadda oo hadda uu qorshaynayo sidii uu ku bixin lahaa.

Daqliga ka soo gala shaqadiisa ayuu sheegay in aad u yaryahay inkastoo nolol-maalmeedka qoyska uu ka soo saarto, waxa uu in ay ugu wacantahay qalabka badda looga jillaabanayo gaarhaan doomaha iyo saxiimadaha oo aad u yar.

“Walaalle waagii hore saxiimadda 4 qof ama 3 qof baa ku shaqo tagi jiray. Hadda 8 qof iyo 7 qof ayaa ku shaqo taga. Runtii waa la isgacan qabtaa oo waa la iscaawiyaa, aniga aad bey ii saamaysay horta wax dhimasho ah ilaahey naguma keenin qoys ahaan, laakiin guriga aan dagganahay wax alwaax ah iyo wax qori ah kuma aysan harin, saxiimad way iga burburtay matoorkiina isaga lamaba arag.”

Wasaaradda kauulmaysiga Puntland ayaa u xilsaartay guddiga kaluumaystada Xaafuun soo xulista dadka qalabkooda waayay. Kamaal Cabdi Maxamed oo guddoomiye u ah guddigaas ayaa xusay in 600 oo kaluumaysta ah ay duufaantu saamaysay, balse ku dhawaad 400 oo ka tirsan ay ugu darnaayeen, kuwaas oo qaarkood ay ka faa’iideysanayaan qalabkan.

“Way iska yartahay sidii ay u soo kabtaan oo meeshoodii ugu noqon lahaayeen haddii aan hanta badan la galin oo caawinaad badan aysan helin, nin aan waxba haysan ninkii wax taraa wax wayn bey u tahay waana anfacaysaayoo nin cidlo joogay, laakiin waxbadan oo loo qabto way u baahan yihiin.”

Qoysaska deegaanka Xeebeedka Xaafuun oo intooda badan ku tiirsan wax soo saarka badda ayaa dareemay culays dhaqaale oo ay sababtay duufaantii Gati sida uu sheegay guddoomiyaha iskaashatada, wuxuu xusay in dadaalada lagu taageerayo kaluumaysta ay door muhiim ka qaadan karaan  dib u soo kabasho dhaqaale oo ay helaan qoysaska deegaanka.

Previous Post

Galgaduud: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya cunno yari, hoy la’aan iyo biyo yari

Next Post

Boqollaal qoys oo dulsaar ku ahaa dad barakacay oo guryo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somalia latest news, Somalia live news, Somali news, Humanitarian news

Boqollaal qoys oo dulsaar ku ahaa dad barakacay oo guryo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo