Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Jabista shan ceel oo sababtay biyo yari

Radio Ergo by Radio Ergo
March 2, 2021
in Arrimaha Bulshada, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo-la’aan ka jirta tuulooyin ka tirsan Gedo

Sawir/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Wasaaradda tamarta iyo biyaha ee Galmudug ayaa sheegtay in biyo yari ay wajahayaan dad lagu qiyaasay 17 kun oo qoys oo ku nool gobolka Mudug.

Sababta ugu wayn ee biyo yarida  keentay ayaa ah inay jabeen shan ceel oo ku kala yaalla deegaannada Wargalo,Wisil, Bajeela, Laaso-cadale iyo Dhar-dhaar.

Iskuduwaha wasaaradda tamarta iyo biyaha, Axmed Xasan Faarax ayaa sheegay in 17 kun ee qoys, sagaal kun oo ka mid ah yihiin xoolo dhaqato, halka inta kale ay yihiin dad deegaannadooda uga soo barakacay colaado iyo kuwa ka soo gudbay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan.

Xog ururin 28 Janawari ilaa iyo 3 Febraayo ay si wada jir ah u sameeyeen wasaaradda tamarta iyo biyaha, wasaaradda gargaarka, maamulka gobolka Muqdug iyo qaar ka tirsan hay’adaha gargaarka ayay ku ogaadeen in xaalad bani’aadamnimo oo ka dhalatay biyo yarida ay ka jirto degaannaada ceelashu ka cilladoobeen.

“Marki laga soo qaxay magaalada Bacaadwayne , waxaa lagu soo qaxay magaalooyinka Wisil iyo Bajeela, culayskaas wuxuu keenay in cillad ay ku timaaddo labada ceel ee ugu muhiimsanaa, shanta ceel ee jabay waa shanta muhiimka ah ee saamaynta badan  leh, xoolo dhaqatadana saamaynta ku leh, walina wax gargaar ah oo la gaarsiyay ma jiro.”

Biyo yaridan ayaa ku soo beegmaysa xilli jilaal kulul uu ka jiro Soomaaliya, xoolo dhaqatadana ay samaynayaan hayaan aad u badan kuwaasoo raadinaya deegaanno ay xooluhu biyo uga helaan. Dadka qaarkii ayaa sheegaya in qiimaha biyaha uu sare u sii kacayo taasi oo samayn kale ku leh xoolo dhaqatada oo ka cabanaya in xooluhu iib fiican aysan lahayn.

Jimcaale Cabdulqaadir Xasan oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 ruux oo ku nool duleedka tuulada Laaso Caddale oo 20 kiilo mitir u jirta magaalada Docol , ayaa ka mid ah meelaha biyo yaridu saamaysay kadib marki uu jabay ceelki ay cabbi jireen dadka iyo xooluhu laba toddobaad ka hor oo ku yaalla tuulada.

Jimcaale oo dhaqada tiro ari iyo labaatan neef oo geel ah, ayaa hadda xoolaha ku waraabiya biyo booyado looga keeno deegaanka Docol . Qoyska Jimcaale iyo laba qoys oo kale ayaa booyadda biyaha ee kontonka fuusta qaadda ku iibsada lacag dhan 80 doollar.

“Sedex qoys ayaan ku qaybsan si dadka iyo xooluhu biyo u wada helaan, qoys kasta waxaa nagu soo aadaysa 27 doollar, lacagtaas waxaa iga caawiya dad aan qaraabo nahay oo ku sugan magaalada Muqdishu.”

Jimcaale iyo qoysaska kaleba waxaa wel-wel ku haya xaalka ay hadda ku sugan oo biyo yaraanta ah, maadaama ay saamayn nolaleed iyo mid dhaqaale ku yeelatay. Jabitaanka ceelka ayuu sheegay in uu ku soo aaday xilli jilaal kulul ah oo aan waxba la qaban karin. Dadka deegaanka ayaa sheegay in labadi xilli roobaad ee la soo dhaafay uu ku yaraa roobka, cawski yaraa ee ku soo baxay roobki dayrta ee yaraa ayaa waxaa ka cunay ayax guurguurayay.

“Wax wayn ayaa iska badalay dad awalba miyi joogay, xoolo dhaqato ahaa iska abaaraysnaa haddana ceelki ay ka cabbi jireen uu ka hallaabay baannu naha, biyuhuna waa nolosha koobaad.” Sidaa waxaa yiri Jimcaale.”

Ubaxo Cali Shirwac, oo degan tuulada Laaso-Caddale, ayaa radio Ergo u sheegtay in biyo yarida ay sabab u noqotay inay xiranto goob ganacsi oo ay ku iibin jirtay shaaha. Dadka ceelka u soo aroora ayaa ka cabbi jiray shaaha, maadama uu ceelka jabay oo aysan cidi imaan ayay ku khsabanaatay inay iska xirto.

Ubax oo haysata sideed Carruur ah, waxay ku tiirsan yihiin biyo iib ah oo laga keeno deegaanka Docol.

“Dadka ceelka cabba iyo dadka dhaanka keena ayaa maqaayada imaan jirey, meeshaas baa lacag fiican oo nolosheena ku maarayno ka heli jirney, kadib markii ceelkii jabay dadkii kala guureen maqaayadii waa iska xirmatay marka hadda wax shaqa ah ma hayo.”

Maalinti waxaa ka soo gali jiray lacag u dhexaysa 15-20 doollar oo oo faa’ido ah. Hadda waxay ku tiirsan yihiin ninkeeda oo aaday magaalada Gaalkacyo si uu shaqooyin xammaali ah uga soo qabto si u maareeyo nolasha.

“Matoorkii baa naga jabay saas awgeed baa biyo la,aan unoqoney ,wax yaabaha noogu dhibaatada badan waa biyihiiyoo aan weyno lacag aan ku soo gadano weyno tuuladii oo dhan oo ay kamuuqato oon iyo  rafaad abaar baar saa’id ah baan dareemaynaa.”

Previous Post

Haween ku shaqaysta gaari-dameer ay biyaha ku dhaamiyaan oo waxbarashada Jamaacadda ka bixiya carruurtooda oo Jigjiga ku nool

Next Post

Sanaag: Hooyo haysata 8 carruur ah oo agoon ah oo dhibaato ay ka haysato helitaanka cuntada iyo biyaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Sanaag: Hooyo haysata 8 carruur ah oo agoon ah oo dhibaato ay ka haysato helitaanka cuntada iyo biyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo