Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Haween ku shaqaysta gaari-dameer ay biyaha ku dhaamiyaan oo waxbarashada Jamaacadda ka bixiya carruurtooda oo Jigjiga ku nool

Radio Ergo by Radio Ergo
March 1, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo-yarida Baydhabo oo gaartay in hal ceel la isugu tago

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haween danyar ah oo deggen tuulada Lafo-ciise oo Jigjiga waqooyi galbeed uga beegan 30 km ayaa lacag ay ka helaan biyo-dhaamin ku dabbara nolosha iyo waxbarashada carruurtooda.

Haweenkan oo tiradoodu ay gaareyso 26 qof ayaa ku shaqeeya gaari-dameerro ay biyaha kaga soo daabulaan ceel-biyood 10 km u jira deegaanka, iyagoo ka iibiya qoysas macaamiil u ah oo deggan deegaanka oo oomane ah.

Hinda Siyaad Axmed oo kamid ah haweenkaas, waxay  50$ simistarkii ka bixsaa gabadheeda oo sanadkii labaad dhiganaysa heerka koobaad jaamacadda.

Haweenaydaan oo ah hooyada 10 carruur ah, waxay maalintii iibisaa 8 fuusto oo biyo ah, iyadoo shaqaysa toban saac oo xiriir ah. Howshan oo caan ay ku yihiin ragga islamar kaana masaafada biyaha laga doonayo ay durugsan tahay ayay u bareertay Hinda 4 sano ka hor.

“Maalintii 300  riyaal way isoo gashaa. Saddexdaas boqol ayaa noloshana lagu dabaraa. inna daasad baan ku  aruuriyaa oo jaamacadda looga bixiyaa, duruufta way adagtahay, heerkaas ayay awlaaddu iskaga nooshahay waxna ku baranaysaa oo buuggooda, qalinkooda dharkooda iyo kabahooda ay ka helayaan, sidaas yaan kaga nool nahay.”

Gabadha Hind ayaa dhigata kulliyada caafimaadka ee jaamacadda Jigjiga. Sidoo kale 7 carruur ah oo u dhigata dugsiga hoose iyo sare ee deegaanka ayay ka bixisaa lacagta dharka, qalimaanta iyo buuggaagta.

Waxa ay xustay in gabadheeda ay la joogto qoys ehelkeeda oo Jigjiga daggan, halkaas oo jiifka iyo cunnada ay ka hesho. Sababaha ku qasabtay shaqadaan adag ayay ku sheegtay sidii heer fiican ay u gaari la haayeen carruurteeda.

“Mustaqbalka waxaan rajaynayaa in aan ciyaalkaas jaamacadaha kaga saaro shaqadaan dameerka, markaan jaamacadaha kaga saarana in iyagu ii shaqeeyaan oo ay i anfacaan ayaan doonaya.”

Masaafada ay lugayso si ay gaarto ceelka ay biyaha ka dhaamiso iyo safka loo galo helidda biyaha ayay sheegtay in ay yihiin caqabaddaha ay la kulanto inta shaqada ay qabanayso. Hinda oo kaligeed korsata carruurta ayaa tilmaamtay in ay ka baddelaan maalaha Sabtida iyo Axadda shaqada biyo-dhaaminta.

Haweenka guusha ka gaaray waxbarashada carruurtooda ee biyaha-dhaamiya waxaa kamid ah Sahra Muuse Caways oo 56 jir ah. 30-kii bishii Janaayo ee sanadkan ayuu qalin-jabiyay curadkeeda oo dhiganayay jaamacadda Jigjiga muddo 6 sano ah. Sahra oo ku faraxsan heerka waxbarasho ee wiilkeeda ayaa sheegtay in ay shaqaynaysay maalin walba si qarashka waxbarashada iyo nolol-maalmeedka qoyskeeda oo 9 qof ah ay u hesho.

Deegaanka Lafe-ciise oo ay ku nooshahay ayay 7 sano ah uga shaqaysaa gaari-dameerka, $50 ayay waxbarashada jaamacada uga bixinaysay wiilkeeda. Sidoo kale waxaa dheeri ka ahaa lacago si joogta ah ay ugu diraysay si uu ugu maareeyo noloshiisa.

Sahra oo leh macaamiil ku xiran biyaha ay dhaamiso ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in lixda subaxnimo ay shaqadeeda billowdo.

“Yoomkii waxaan dhaamiyaa 6 ilaa 8 fuusto marka ay sii dheeraatana 10 fuusto, anigu waxaan leeyahay macaamiil ilaa 11 aqal ah. Dharaar aan 6 u dhaamiyo iyo dharaar aan 5 u dhaamiyo, waa intaas macaamiisha adag ee aan haysto.”

Sahra ayaa sheegtay in maalintii $6 ay ka hesho shaqadeeda. Lacagtaas ayay u qaybisaa nolol-maalmeedka qoyska iyo qarashka waxbarashada carruurteeda oo ay dhigaalsato, waxa ay qorshaynaysaa in jaamacadda ay u dirto sanad kadib wiil ay dhashay oo hadda dhiganaya fasalka afaraad ee dugsiga sare ee deegaanka Lafa-ciise oo bilaash ah.

“Duruufo kale ayaan soo marnay dhowr iyo tobankaas sano ee carruurtu qalan jabinaysay, kolaan haruur tumo  kolaan dullaalno, xamaal iyo waxaan ahayn dullaal, Alla waxaa iigu darnayd inanka jaamacadda markuu hal sano dhiganayay inta taleefoon ii soo dhacay la igu yiri inankii wuu xanuunsanayaa oo dhaqaale aan ku gaarana aan waayay.”

Waxa ay sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaabo Cabdiraxman Cabdullaahi Xirsi ay waxbarashadu ka istaagtay markii dugsiga sare uu ka qalin-jabiyay, taasi oo keentay in shaqadaan ay billowdo si ay dhaqaalo fiican oo ay waxbarashada jaamacadda uga bixiso u hesho.

Cabdiraxmaan oo bartay cilmiga Ingineerinka ayaa hadda rajaynaya helidda fursad shaqo, waxa uu sheegay in uu isku arko mid ka duwanaa ardayda kale maaddama hooyadiis si dhib badan ay waxbarashada uga bixinaysay.

“Juhdi adag bey igalisay hooyadey in aan u mahad-celiyana waan doonaya, waxyaabaha aan ugu mahad-celinayana waxaa kamid ah. Kow in iyada nolosheeda aan maareeyo oo aan u fariisin lahaa, hadafkayga ugu horreeya waa taas.”

Ardaya ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaanka Lafe-ciise marka ay waxbarashada dugsiga sare ka gudbaan sida kaliya ee ay jaamacad ku heli karaan ayaa ah in ay Jigjiga tagaan, haweenka shaqada xoogsiga ah qabta ayaa se noqday waaliddiinta kaliya ee carruurtooda u suurto-galiyay in ay safarkooda waxbarasho sii wataan.

Previous Post

Coronavirus prevention and what Islamic religion says about taking precautions as new wave starts

Next Post

Mudug: Jabista shan ceel oo sababtay biyo yari

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Biyo-la’aan ka jirta tuulooyin ka tirsan Gedo

Mudug: Jabista shan ceel oo sababtay biyo yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo