Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Baladweyne: Shan maxaabiis oo laga helay cudurka karoona

Radio Ergo by Radio Ergo
March 22, 2021
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Baladweyne: Shan maxaabiis oo laga helay cudurka karoona

Urur dhalinyaro oo wacyigalinta Karoona sameeya oo buufinaayo xabsiga dhexe ee Baladwayne/Cabdirisaaq Axmed Xuseen/Radio ERGO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxaabiis ku jirta xabsiga dhexe ee Baladwayne oo laga helay xanuunka Karoona iyo qaar kale oo la karaantiilay.

Walaac xooggan ayaa ka taagan xabsiga dhexe ee magaalada Baladwayne oo 16-kii bishaan maarso laga helay 5 maxbuus oo ku xiran xanuunka Karoona. Waxaa la karaantiilay askartii iyo maxaabiistii kale ee xiriirka la sameeyay sida ay sheegeen xarunta shaybaarka Hiiraan oo baaritaanka samaysay iyo taliska ciidamada asluubta ee gacanta ku haya xabsiga.

Dadka laga helay xanuunka ayaa qayb ka ahaa ku dhawaad 30 maxbuus oo laga baaray Karoona, Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo ah madaxa xarunta shaybaarka Covid-19 ayaa sheegay in maxaabiista laga waayay xanuunka si gaar ah qolol gooni ah loogu hayo halka kuwa aan wali la baarinna qaybo kale oo xabsi ka mid ah lagu karaantiilay.

Waxa uu sheegay in saraakiisha gacanta ku haysa xabsiga ay kala hadlayn ilaalinta shanta qof ee xanuunka laga helay, kuwaas oo lagu gaar-yeelay hal qol maaddama xabsiga uusan lahayn goob caafimaad.

“Islamarkiiba taliyaha ayaan wacnay waana la fariisannay waana ogaysiinay inta bukaan ee laga helay, waxaan amar ku bixinnay in maxaabiista aan lagu sii dhexhayn oo uu ka bixiyo sidaas baa karaantiil loogu sameeyay, baaritaanka waan wadnaa marba meel baa la’aadaa.”

Maxaabiista laga helay xanuunka ayaa u dhexeeya da’aadda 20 ilaa 35 jir waxaana labo ka tirsan ay yihiin haween ku jiray qaybta dumarka lagu xiro, Dr. Cabdulqaadir ayaa xusay in baaritaannada ay sameeyeen markii urur dhalinyaro oo wacyigalinta Karoona sameeya ay la socod-siiyeen in maxaabiista qaar ay ku arkeen astaamaha cudurrada Karoonaha iyo TP-da.

Saddex qof ayuu sheegay in laga helay cudurka TP-da islamar kaana uusan u wehlin xanuun kale. Wuxuu tilmaamay in ay u qoreen daawooyinka lagu la tacaallo cudurkaas, wuxuu ka warramaya xaaladda maxaabiista Jeelka ku xiran ee xanuunku haleelay.

“Aad bey u fiicnaanyeen qandho uun baa haysa maahane wax neef ku xirnayd iyo ogsajiin u baahna ma jirin, taas baa nasiib wanaag ah, xabsi waa taqaanaa nadaafaddiisa iyo dhibkiisa. Laakiin se waxa ay u sameeyeen ururka dhallinyarada wacyigalinta buufin. waxay ka nadiifiyeen musqulihii, bannaanka iyo qolalka.”

Xabsiga dhexe ee Baladwayne oo ay ku xiran yihiin 48 qof oo iskugu jira rag iyo dumar agabka looga hortago xanuunka kama jirin sida af-xirka, gacmo gashiga iyo goobo faraha lagu dhaqdo sida uu sheegay taliyaha xabsiga dhaxe ee magaalada Baladweyne Diirow Xasan Aamine.

Wuxuu tilmaamay in la baddelay dhamaan askartii u xilsaarnayd ilaalinta maxabiista iyo kuwii cunnada u karinayay oo ku dhawaad labaatan qof ahaa si loo hubiyo badqabkooda, kuwaas oo isku karaantiilay guryahooda.

“Maxaabiista markii laga helay ka bacdi, qol gooni ah wixii Covid19 ayaan ku xaraynay, 4 qol waa maxaabiista qololkooda hal qolna qoladii cudurka qabtay ayaan karaantiil uga dhignay. Aniga wax daawo ah oo aan kula tacaalo wax ii keennay ma jiraan annaguna uma hayno. Lakiin maxkamadahii inoo keenay dadkan ayaan aqbaartaas u gudbinay oo la wadaagnay.”

Tirada qololka xabsigu uu ka kooban yahay oo yar misna cariiri ah ayuu sheegay in kala fogaanshaha maxabiista aysan suuro gal ka dhigeen haddii aan xal kale dowladdu u helin, halkii qol ayuu tilmaamay in ku dhawaad toban qof lagu xiri jiray markii hore hadda se maxabiista siyaabo kala duwan loogu karaantiilay qaybo bannaan oo xabisga ka mid ah, taasi oo dhinaca kale caqabad ku ah maxabiista maaddama habeenkiina qabow jiro maalintiina ay qorax tahay.

“Caqabadda kale ee jirta waxa weeye qof haddii saqdhexe cudur ku yimaado ama amarjansi uu noqdo gaadiid xitaa xabsiga ma yaallo la gula soo cararo, maalintii markay tahay bajaaj baa loo kireeyaa  waxaana loo geeya dhaqaatiirta. Annaga haddaanu nahay ciidamada asluubta ayaa intaas samayna dhaqaatiir kale oo la tacaasha ma joogto meeshan.”

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Maamin Cilmi ayaa sheegay in xabsiga labadii maalin ee la soo dhaafay laga dhaqan galiyay af-xirka, gacma gashi iyo fara-dhaqashada maaddama dowladdu ay gaysay agabkaas.

Wuxuu xusay in ay qorshaynayaan qayb karaantiil in ay ka dhex-sameeyaan maalmaha soo socda Jeelka iyaga oo la kaashanaya wasaaradda caafimaadka Hir-shabeelle maaddama ay adagtahay in maxbuus meel ka baxsan xabsiga la geeyo.

“Sidii ugu wanaagsanayd oo aan samayn karnay waxay ahayd maaddama xabsigu uu wayn yahay qayb ka ka mid ah oo bannaanayd oo loogu talo galay haddii ay bataan dambiilayaashu in lagu xiro oo faaruq ahaa in iyaga lagu karaantiilo, isbitaal dad shacab ah la gaynayo ama meel loogu talo galay caronavirus-ka oo bulshadii reer Hiiraan ama reer Baladwayne ay tagayaan in ciidamo lagu wareejiyo  iyadoo nimankaas meesha ku jira oo la karaantiilayo owgeed loo sameeyo oo maamooyin soomaliyeed ay ka naxaan ama dhibaato ay ka soo gaarto. Annaga naguma habboona ka dowlad ahaan.”

Xarunta shaybaarka Covid-19 ee magaalada Baladwayne ayaa sheegay in toddobaadka soo  socda ay baaritaan ku samayn doonaan maxaabiista kale iyo ciidamada si loo hubiyo badqabkooda.

 

Previous Post

Tirada dhallinyarada ka tahriibaysa magaalada Laascaanood oo korartay

Next Post

Kalkaaliso soo bandhigtay dhibaatooyinka aan jirin ee bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dab baabi’iyay boqollaal ganacsi oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

November 18, 2025
Haween iyo rag ka shaqeeya nadaafadda Kismaayo oo hela raashin bille ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween iyo rag ka shaqeeya nadaafadda Kismaayo oo hela raashin bille ah

November 17, 2025
Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo

November 13, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhaqaale la’aan ku qasabtay qoysas ku nool Hargaysa in ay ku biiraan xeryo barakac

November 12, 2025
Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda

November 11, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Haween qaxooti ah oo dib uga soo kabanaya nolol xumo markii xoolo la siiyay

November 10, 2025
Next Post
Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

Kalkaaliso soo bandhigtay dhibaatooyinka aan jirin ee bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-NOV-2025

IDAACADDA 18-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 18-NOV-2025
November 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-NOV-2025
November 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-NOV-2025
November 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-NOV-2025
November 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-NOV-2025
November 14, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo