Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Tirada dhallinyarada ka tahriibaysa magaalada Laascaanood oo korartay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 19, 2021
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa labadii ee la soo dhaafay waxaa ka tahriibay dhallinyaro ka badan 30, oo da’doodu u dhexeyso 14-20 sano jir. Dhallinyaradan oo sii mara dalka Itoobiy ayaa ka gudba magaalada xadka ku taalle ee Wajaale iyo deeganno ka tirsan gobolka Awdal.

Cabdifitaax Cabsiiye Ducaake, ayaa loo soo sheegay geerida walaashiis toddobaad kadib marki laga bixiyay lacag dhan sagaal kun oo dollar oo madax furasho ahayd oo la siiyay koox magafe ah, oo ay u xirnayd walaashiis. Cabdifitaax walaashiis oo lagu magacaabi jiray Caasho oo ahayd hooyada sedex carruur ah, ayaa tahriibtay bil iyo bar ka hor.

“Walaashay ilaahay ha u naxariisto aniga ayay oo oan jirtay walaal ha tahriibin laakiin ma garanayo waxa ku kallifay inay tahriibto.” Ayuu yiri Cabdifitaax.

Wuxuu sheegay in ilaa lix jeer ay la soo hadal siiyeen, marki ugu dambaysay oo ahayd 18 bishi Febrawari ayay u soo direen muuqaal aysan u ekaa inay huruday, kaasi oo welwel ku beeray Cabdifitaax.

“Welwelka ugu badan ee hadda na haya ayaa ah in weli maydkeedi yaallo bannaan oo aan la aasin, inay dileen baan umalaynayaa, oo wiilal baa ii sheegay inay dhimatay, kadibna waxaan ka xaqiijiyay kuwii lacagta iga qaatay.”

Sidaa waxaa yiri Cabdifitaax oo aan garanayn meesha saxda ah ee lagu hayay walaashiis. Wuxuu intaa ku daray in kooxda haysatay walaashi ay waydiisteen laba kun oo doolar si loo aasso.

Cabdifataax Cabsiiye ayaa sheegay in dhallinyaro ka badan 20 oo uu garanayo ay tahriibeen, oo ka ka tirsan loo sheegay inay dhinteen.

Caasha la waayay 7 bishi koobaad ee sanadkan, 11maalin marki ay maqnayd ayaa waxaa la soo hadlay kooxda magafayaasha ee dadka tahriibiya, waxayna u sheegeen inay hayaan walaashiis oo gacan ka jaban ayna ka doonayaan lacag. Waxaa la sheegay in laba wiil ay la socdeen oo ay isku xaafad ahaayeen.

Inkastoo aan la xaqiijin in Laascaanood ay iska raaceen iyo meel kale iska heleen. Dadka tahriiba ayaa sii mara dalka Itoobiya oo ay uga Suudaan sidaana ku gaara dalka Liibiya oo ah meesha kooxaha magafayaasha ah, ay ku xirtaan dadka kana qaataan lacago madax furasho ah.

Dadka tahriibaya ayaa marka la waydiiyo waxa ku kallifaya inay qaataan go’aanka tahriibka waxay sheegaan in shaqo la’aan ay ka jirto magaalada. Faadumo Jaamac, waxaa muddo bil ah u xiran magafayaasha wiilkeeda.

Cabdiraxmaan Maxamed oo 17 sana jir ah. Waxay ka dalbadeen lacag dhan 11 kun oo doollar oo madax furasho ah oo aysan awoodin.

Wuxuuna tahriibay bil iyo bar ka hor, hooyadii waxay ogaatay maalin kadib marki uu ka baxay magaalada Laascaanood, si u soo celiso ayay u aadday magaalada Hargeysa, nasiib darro ma aysan helin. Kooxda uu u xiran yahay wiilkeedu ayaa ku haya dhibaatooyin kala duwan sida garaacis iyo dhaawac xabbad ah oo ay kaga dhufteen lugta.

“Runtii dhibaato wayn ayaa aniga i haysata waayo lacagta wiilkayga laga rabo ma haysto mana garanayo cid iga caawinaysa habeen-kii ma seexdo maalintii oo dhan meelahaasi ayaan wareegaa bal inaan cid uun dayn ka helo laakiin waan waayay cid xitaa wax i daymisa. Habeenkii waxay ila soo hadal siiyaan iyagoo garaacaya oo uu ooyayo.” Sidaa waxaa tiri Faadumo oo ay ka muuqato murugo badan.

Faadumo ayaa sheegtay in laba jeer ay ballan u qabteen taaso ah haddii lacagta ay ku bixin waydo muddo sedex beri ah inay dili doonaan wiilkeeda. Balanta ugu dammbasya ayaa loo qabtay 18-ka bishan Maaj. Faadumo waxay intaasi ku dartay in wiilkeedu hadda uusan waxba baran jirin shaqana hayn. Nolasha qoyska Faadumo ayaa ku tirsan saygeeda oo ka shaqeeya dhismayaasha.

“Habeen walba xilliga hurdada ayay ila soo hadal siiyaan ayaga oo jir dilaya oo uu ooynayo, dhawaaqiisa ayaa madaxaxayga ka yeeraya, lacagtana i waydiiyaan.” Sidaa waxaa mar kale tiri Faadumo.

Saynab Ducaale Gaadh oo ah gudoomiayaha ururka haweenka Now laantiisa gobolka Sool, ayaa sheegtay in labadi bil ee u dambaysay ay diiwaan galiyeen 30 dhallinyaro ah, oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo da’doodu u dhexayso 14-20 sano jir.Waxay sheegtay in bil gudadeeh ay gacan ka gaysteen soo qabashada  7 qof oo rabay inay tahriibaan kadib marki waalidiintood ay ka codsadeen inay ka caawiyaan goobaha kontoroollada inay ula hadlaan.

“Waxaan oo oran karnaa laba arrin ayaa hadda u sabab ah, dhanka Ethiopia oo maritaankeedii fududaaday iyo sidoo kooxihii magafayaasha oo billaabay in dhallinyarada kala soo xiriiraan baraha bulshada oo wakiillana ku leh gudaha, kharashkana ka bixiya illaa Liibiya, markii dadkii tahriibayay joog-sadeen ayay arinkan billaabeen.”

Saynab ayaa sheegtay in xogta ku saabsan tahriibka ay ka heleen hooyooyin waayay carruurtooda kadibna ka codsaday inay ka caawiyaan in baraha kontorollada ay ula hadlaan si loogu qabto.

Dhalinyarrada tahriibsay ee la soo celiyay waxaa ka mid ah Cabdinaasir Jaamac Barre oo 20 sana jir. Shan iyo tobanki bishi Febraayo ayaa laga soo qabtay magaalada Wajaale kadib marki uu ka warhelay adeerkii kadibna sawirradiisa ayaa la dhigay baraha kontoroollada ee magaalada, taasi oo sahashay in la soo qabto.

“Tobankii Febraayo xilli fiid ah, ayaa waxaa what’sup-ka iga soo wacay nin, wuxuuna ii sheegay wiil tahriibay oo Saalim la dhoho oo aan saaxiibbo ahayn in uu ka soo helay lambarkayda. wuxuu igu yiri wax qarash ah lagaama rabo ee sidii Saalim ayaan liibiya ku gay-naynaa.” Sidaa waxaa Radio Ergo u sheegay Cabdinaasir.

Cabdinaasir ayaa sheegay in lambarkiisa loogu soo diray lacag 30 doollar ah, taas oo u muuqtay in uusan ka welwelin dhanka lacagta, basle waa la soo qabtay asaga iyo sedex wiil oo kale. Sababta ugu wayn ee uu noolashiisa halista u galinayo ayuu ku sheegay inay tahay shaqo la’aan.

Previous Post

Awdal: Xoolo-dhaqato biyo iyo daaq raadsaday oo qalleyl kala kulmay deegaannadii ay u hayaameen

Next Post

Baladweyne: Shan maxaabiis oo laga helay cudurka karoona

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Baladweyne: Shan maxaabiis oo laga helay cudurka karoona

Baladweyne: Shan maxaabiis oo laga helay cudurka karoona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo