Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kalkaaliso soo bandhigtay dhibaatooyinka aan jirin ee bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka

Radio Ergo by Radio Ergo
March 23, 2021
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dowladda Puntland oo 62,127 maro-kaneeco u qaybisay dadka deegaankaas

File Photo/ERGO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) : Samsam Jaamac oo ah kalkaaliso ka shaqeysa isbitaalka Adna iyo isbitaalka guud ee Hargeysa ayaa qortay buug Soomaali ah oo ay uga hadlayso waxyaabaha aan jirin ee bulshadu ka sheegto arrimaha caafimaadka iyo talooyin guud.

Buugga oo ay u bixisay Faraadin ayay kaga warramaysaa fikiradda ay bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka ee ‘ku tiri ku teenka caafimaadka’. Waxa ay sheegtay in dhib badan kala kulantay dadka ay isbitaallada ku qaabbisho ee aan fikradda ka haysan cudurrada.

Samsam ayaa wareysi ay siisay weriyaha Raadiyo Ergo Hargaysa Ilyaas Cabdi ayaa marka sharraxaysa waxa buuggu ku saabsan yahay.

Samsam: Guud ahaan buugga Faraadin wuxuu ku saabsan yahay waxyaabaha aan jirin oo ay Soomaalida ka aaminsan yihiin arrimaha caafimaadka kuwaas oo aan wax tix raac ah ku laheen maaddada sayniska.

Qaar ka mid ah waxyaabahan khuraafadka ah ayaa ah sida la isaga daaweeyo xanuunada marka uu qof xanuunsan yahay, daawooyinka la isticmaalo, sida la isaga qaado cudurrada iyo khaladaadka laga aaminsan yahay naas-nuujinta iyo tallaalka caruurta.

Ka kaaliso ahaan, waxaan la kulmay dhowr khuraafaad caafimaad oo ay aaminsan yihiin dadku. Maanan awoodin in aan dhammaan waxyaabahaas soo qaato buuggayga, waxaan keliya ku soo qaatay qaar ka mid ah, sida Ilko-Dacawo.

Radio Ergo: Waa maxay Ilko-Dacawuhu?

Samsam: Ilko-Dacawuhu waa arrin aad ugu baahsan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Bulshada ayaa aaminsan in ka saaridda ilkaha ugu horreeya carruurta ay ka hortagayso cudurrada carruurta. Fikraddan ayaa laga aaminsan yahay dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Waxyaabaha kale aan buugga ku soo qaatay ayaa ka mid ah daawooyinka dhalmada lagu kala fogeeyo, kuwaasi oo wax weyn u tarro haweenka qalliinka ku dhala. Daawadan ayaa la qaataa lix bil, si loo kala fogeeyo dhalmada inta hooyada cunugga lagu qalo ay ka bogsaneyso, balse bulshada Soomaaliyeed ayaa badankooda aaminsan in daawooyinkaan ay sababaan dhalmo la’aan.

Hooyo dhallaanka lagu soo qalay ayaad arkaysaa in ay uur qaaddo iyadoo weli aan bogsanin tani ayaa khatar galinayso nolosha hooyada iyo midda dhalaankeeda.  Dhowr daraasadood oo laga sameeyay arrintan oo aan qaar ka mid ah qaatay buugga ayaa lagu sheegay in daawooyinkan aysan wax dhib ah u ku keenin hooyada balse ay un kala fogaynayso dhalista.

Radio Ergo: Bal noo faahfaahi haweenka aan cuntada la siin markay yar-yihiin iyadoo laga cabsi qabo makaan dheelli in uu ku dhaco?

Samsam: Taasi waa wax aan waxbo ka jirin. Makaan dheelliu waxuu dhacaa kaliyaha markay haweenka ay ka dhaliso qof aan cilmiga aqoon. Waxaa dhacda in dhallaanka si xun loogu soo jiido. Taasina waxaa looga badbaadi karaa in haweenka ay aadaan isbitaallada oo aysan u aadin umuliso-dhaqameedka.

Radio Ergo: Maxaa ka mid ah faa’iidooyinka ay nuujinta ka helaan dhalaanka, oo aad wax ka qortay buggaaga?

Samsam: Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in naas-nuujinta badan ay waxyeello u leedahay ilmaha yar. Si kastaba ha noqotee, naas-nuujintu waxay muhiim u tahay ilmaha. Waxaa jira nafaqooyin badan oo u cunugga ka helo naas-nuujinta. Xitaa waxaa Qu’raanka kariimka ah naloogu sheegay inaan carruurta quudinno muddo labo sano ah. Haddii hooyadu ay joojiso naas-nuujinta ilmaha yar, waxay cunugga u horseedi kartaa arrimo caafimaad maaddaama aysan haysan nafaqadii ay ka heli lahaayeen naas-nuujinta.

Radio Ergo: Waxaad buugga ku sheegtay in aad la kulantay waalidiin si qaldan u fahamsan tallaalka carruurta, bal inoo faahfaahi arrintaas?

Samsam: Haa, waxaan la kulmay hoyooyin aaminsan in tallaalka uu yahay cuddur carruurtooda lagu durayo iyadoo lagala dagaalamayo koritaankooda, taasi oo keentay in aysan caruurtooda tallalka siin.

Fikradahaan qaldan ee caafimaad ee hooyooyinka qabaan ayaa laga sii dhaadhiciya gabdhahooda oo aan u maleynayo aniga ahaan inay dhibaato ku keeni karto bulshadeena. Waxaan buuggan ku qoray Af-Soomaali si aan u saxo fikradahaas qaldan, waana rajadayda inuu buuggan wax badan ka beddeli doono bulshadayda dhexdeeda.

Dhallinyarada wax akhrisa waxaan ku boorinayaa in ay u akhriyaan ama u sheegaan dadka aan wax akhrin oo hooyooyinka u badan qodobbada buugga aan ku soo koobay.

Previous Post

Baladweyne: Shan maxaabiis oo laga helay cudurka karoona

Next Post

Dadka Afxirka qaato oo takoor ka la kulma bulshada magaalada Boorama

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Dadka Afxirka qaato oo takoor ka la kulma bulshada magaalada Boorama

Dadka Afxirka qaato oo takoor ka la kulma bulshada magaalada Boorama

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo