Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dadka Afxirka qaato oo takoor ka la kulma bulshada magaalada Boorama

Radio Ergo by Radio Ergo
March 25, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka Afxirka qaato oo takoor ka la kulma bulshada magaalada Boorama

Saciid Hassan waxaa lagu takooray afxirkiisa/Cabdalla Cali Yuusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada Boorama ayaa sheegaya in lagu takooro afxirka oo k amid ah waxyaabaha loogu talogalay in looga hortago cudurka COVID19-ka oo hadda la soo werinayo in meelaha uu ku faafayo ka mid tahay magaalada.

Gudaha magaalada Boorama in aad xirato Afsaarka waxaa la kala kulmaa takoor oo daddku marnaba ma xasuustaan dhibaatada cudurka COVID19-ka oo ka hortag mooyee aan daawo lahayn. Dadka xirta bulshada qaarkeed kala kulma aflagaado, gacan ka hadal iyo astaan walba oo uu takoor bulsho leeyayahay sida uu Bashaar Cilmi oo tan iyo bishii march ee sanadkii 2020 xiranayay afxirka uu sheegay in loogu yeero Karoone iyo eryo kale.

“Dadku qaar meelaha ciriiriga ah markaan marayo oo kale way i riixaan, qaar ayaa I dhaha maxaad iska qarinaysaa miyaad buktaa ma in lagu shaxaado ayaad ka dhuumanaysaa, qaar waxay igu yeeraan fayras, ma annaga ayaa jirran iyo miyaad naga faabaysaa lama soo koobi karo takoorka aan kala kulmay facemask-ka.” Sidaa waxaa yiri Bishaar.

Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaalilnad ee gobolka Awdal Dr. Mustafe ayaa radio Ergo u sheegay in tan iyo bishi janarwai gobolka laga diiwan galieyy 54 kiis oo 52 ka mi dah ay yihiin maaj oo kaliya. Wuxuu sidoo kale ka hadlay labada faa’ido oo uu leeyahay afxirka.

“Dadku inay afsaarka isticmaalaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay laba dhinacba, tan koowaada qofka uu asiibay xanuunkan oo uu ka caawinayo in uu bulshada badbaadiyo oo aanu xanuunkii dadkii kaleuusan u gudbin. Tan labaad ayaa ah in qofka ka caafimaadka  qaba cudurka uu difaac u noqdo.” Ayuu yiri Dr Mustafe iskuduwaha wasaaradda caafimaadka.

Waxaa mudan in la is waydiiyo sababta ay dadku u diidayaan inay xirtaan afsaarka, Siciid Xasan Habane oo ah bare Jaamacada Camuud ka dhiga culuunta bulshada oo ayaa radio Ergo u sharaxxaya wax keenaya in dadku diidaan facemask-ka.

“Waxyaabaha keena takoorka ka dhanka ah Afsaabka  waxa ka mid ah in qofka markii lagu arko afsaarba ay dadku xasuustaan ama niyadda galiyaan cudurka COVID19. Waxa kale oo sababay takoorkan kala duwanaasho dhaqan, tusaale ahaan bulshadeenna dhaqan umalayn qofkii lagu arkana lagu ceebeeyo. Waxa kale oo jirta in qofka afsarka xidha loo arko qof bulshada inteeda kale iskalawayn oo ka faanaya. Sidaa waxaa yiri Siciid Xasan Habane.

Siciid Xasan Maxamed Waa 44 jir kna yimid qurbaha sanadkan horaantiisi oo isticmaala afxirka ayaa sidoo kale ka mid ah dadka la kulma in lagu colaadiyo afsaarka. Wuxuu inta badan takoorka la kulmaa marka uu gaadiidka raacayo iyo marar kalaba.

“Qaar way kula yaabayaan oo waxay oranayaan oo ma heerkaas ayaad gaartay in aad afka daboolato. Waxa kale oo jira oo aan la yaabay in marka aan taleefan ku hadlayo in dadku idhahaan kuma maqalnno oo waliba ay igu soo celceliyaan ee ma afka ayaa kuu xiran mise luqaddi wadankii aad ka timid ayaad ku hadlaysaa, waxana qasab igu noqotay in aan iska furo si la ii maqlo.” Ayuu yiri Siciid Xaan Maxamed.

Bahdaha caafimaadka ayaa wada wacyigalin ku saabsan COVID19-ka iyo afxirka, Waxayna dadka u sharaxaan ahmiyada afsaarka bulshada u leeyahay. Barnaamijyadan wacyigalinta ah oo la yiraahdo RCC—Emergency Response Risk Communication and Community engagement, oo ay iska kaashadaan wasaaradda caafimaadka iyo hay’dda UNICEF, ayaa waxaa ka shaqeeya 20 qof kuwaas oo guriguri u taga xaafadaha magaalada Boorama si ay dadka ugu gudbiyaan farriimaha COVID19-ka.

Maxamed Nuur Muuse oo kamid ah hawl-wadeennada ka shaqeeya xaafada Sh. Cali Jawhar ee Boorama ayaa radio Ergo u sheegay in dadka ay la kulmaan oo kala duwan ay qaarkood ku dhahaan nala dhaafa balaayada aad la wareeygaysaan halka kuwalana ay dhegeystaan.

“Subaxa hore marka aan shaqada billawno waxaan garaacnaa albaabada, dadka qaarna way ku eryayaan oo waxa ay ku oranayaan balaayada nagala taga, halkaa marka ay joogto, qoysaska noo istaaga waxa aan siinaa talooyin caafimaad, faraxalka haboon oo kale waan siinaa,  waxa aan u sheegnaa oo kale afsaarka ama facemaska inuu badbaado u yahay naftooda. Sida ugu wanaagsan oo kale ee ay u xidhan karaan.” Ayuu yiri Maxamed.

Prof. Siciid Habane oo talooyin ayaa ku talinaya in si loo hirgaliyo xirashada afsaarka la fududeeyo helitaankiisa, gaar ahaan maamulka ayuu u sheegayaa inay dadka ku siiyaan si bilaasha ah.

“Dawladaha hoose ayay tahay in in marka wacyigalinta la samayno loo raaciyo dadka si u helaan, waxa kale oo laga bixi karaa in bulshada cida u indhaha ah sida culimada iyo odayaasha dhaqanka iyo hogaamiyaasha kaleba in lagu arko afaxirka, taasi waxay fududayn karta dadku inay qaataan.”

Previous Post

Kalkaaliso soo bandhigtay dhibaatooyinka aan jirin ee bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka

Next Post

Hiiraan: Beeraleyda oo ka cabanaya cayayaanka Malabisada oo xaaluf ku haya beerahooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 22, 2026
Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 21, 2026
Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Jowhar: Abuurkii bariis-caddaha oo dib loo soo nooleeyay

Hiiraan: Beeraleyda oo ka cabanaya cayayaanka Malabisada oo xaaluf ku haya beerahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo