(ERGO) – Ibraahim Xasanow, 36 jir, oo ka mid ah dadkii ka soo noqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya ayay 15kii bishii August fatahaaddu ka baabi’isay beer hal hiktar iyo bar ah oo uu ku abuurtay sisin, galay iyo digir, taas oo ka tuul tuulada Beerweyn-celi oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ibraahim wuxuu Radio Ergo u sheegay in uu ka walwalsan yahay sida uu raashin ugu heli lahaa saddex carruurtiisa ah iyo hooyadood, kuwaas oo horay u sii deggenaa xero barakac oo lagu magacaabo Iftin oo ku taalla Muqdisho. Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu leeyahay lacagta uga baxday cagaftii beerta u fashay iyo abuurka oo uu soo deynsaday.
“Lacag labo milyan ku dhow ayay noqotay, beertu waa shan saac, makiinaduna halkii saac waxey qaadataa 350 kun oo shilin soomaali ah…ilaahbaa igu og waa leygu leeyahay. Waan iska joognaa, waxaan sameeyaan garan la’ahay, hadda hadaan dhaho ilmihii aan aadayaa wax aan ku aado mahayo, hooyadii waxey leedahay biil ayaa la rabaa, waxaaba iigu daran ilmihii iyo hooyadood, anigu dadka ayaanba iskala noolaan karaa.”
Fatahaaddaas waxay wiiqday isku-day uu Ibraahim Xasanow sameynayay si uu beeraley u noqdo, nolosha qoyskiisana uu ugu filnaado. Waxaa beerta oo markii labaad ay fahataad ka saameysay ku saaciday nin kale oo beeraley ah oo ay Xamar isku barteen 2019-kii. Isla ninkaas ayaa abuurka siiyay, beertana u makiinay. Hase yeeshee ballankoodu wuxuu ahaa inuu deynta iska bixiyo marka uu dalaggu u soo go’o.
Ibraahim waxuu sheegay in maaddaama labo mar oo beer uu tacbaday aysan wax natiijo ah uga soo bixin fatahaadaha dartood uu qorsheynayo inuu shaqooyin kale raadsado. Wuxuu yaqaannaa luqadda Ingiriiska, tababarro caafimaadna wuu haystaa.
Wuxuu deggenaa xerada qaxootiga ee Ifo halkaas oo ay ugu dhasheen labo gabdhood, ka hor intii uusan go’aansan inuu iskiis dib ugu soo noqdo Soomaaliya, isagoo ka faa’ideysanaya kaalmada hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ay ku caawinaysay dadka noqonaya.
“Muddo 30 sano ku dhow ayaan meesha ku noolaa, 2018-kii anagoo iska joogno ayaa waxaa nala yiri wadankiina nabad ayaa ka jirta ee ku laabta. 2018-kii bishii sidexaad, 27-keedii ayaan Xamar ka soo degnay UN-ka ayaa na soo qaaday, kadib waxaa nala yiri wadankiinii hooyo waad joogtaan, ku soo dhowaada, magaaladii waa tan ee dhinac ka gala. Markii aan bil joognay, ayey UN-ka na soo waceen, waxeyna na siiyeen $500.
Waxaan kireysanay guri ceelasha biyaha ku yaala maaddaama markii hore aan dad kor saarneyn, shantii boqol wey naga dhamaatay, kadib waaan soo guurnay, waxaan nimid xero barakac oo ku taalla degmada Xaxda.”
Fatahaad uu bishii hore sameeyay biyo-xireen lagu magacaabo Jameeco oo ku fadhiya dhul gaaraya 50 km ayaa sababay inuu baabo’o dhul beereed ka badan 2000 hektar iyo barakaca kumannaan qoys oo deggenaa 49 tuulo oo hoostaga Balcad, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Cabdullaahi Axmed oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee maamulka degmada Balcad.
Dadka kale ee ay fatahaaddu saameysay waxaa ka mid ah Xasan Cali Mire oo ah aabbaha 26 carruur ah. Beertiisa oo 8 higter ah kuna taalla tuulada Mukay-dheere oo hoostagta Balcad ayay biyuhu ka baabi’iyeen. Waxaa ka khasaaray dalag isugu jira digir, galley, bocor iyo yaanyo. Waxay sidoo kale biyuhu ka qaadeen galley ugu keydsaneyd 20 fuusto, cagafta beeraha lagu falo iyo gaari yar oo kuwa raaxada ah.
Qoyskiisu wuxuu u barakacay dhul taag ah oo aan ka fogeyn tuuladiisa, halkaas oo boqollaal qoys oo kale ay deggan yihiin waa go’doon ay biyaha fatahaaddu ka jareen waddooyinkii loo marayay. Wuxuu Raadiyo Ergo uga warramay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo halka ay nolol maalmeedka ka helaan.
“Waaxan deganahay meel yaroo buuroo oo tukura ayaan saagara camal saaranahay, wax hadda meesha lagu haayo malahan, biyahana afarta gees ayey marooyaan, wax talo ah oo lahaayo malahan, wax aan ka aheyn dharka aan xiranahay oo noo dambeeyo malahan,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee maamulka degmada Balcad, Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay sababta uu biyo-xireenku u fatahay inay tahay biyo xaddigiisa ka badan oo uu ku soo daray webiga Shabeelle. Meeshii jilicsaneyd ee uu ka fatahay weli way furan tahay, biyuhuna way qulqulayaan.
“Waxaa jira qoysas go’doon ah oo la’ qaab ay biyaha uga soo baxaan maadaama ay biyahu qatar badan yihiin oo bahalo ay ku jiraan, weyna adag tahay in caruur lasoo dhex marsiiyo, ilmaha yaryarna aan ku aamini karin biyo 50km oo isku wareeg ah, oo doonyaha 5 saac ku soconayaan,waa dhibaatada ugu weyn oo dadkaas haysata,” ayuu yiri.
Waxuu si gaar ah ugu mahadceliyay bulshada Balcad oo uu sheegay in ay garab istaageen oo ay kaalmeeyeen dadkaas dhibaateysan, isagoo dhanka kale hay’ada ka dalbaday in loo soo gurmado.
In ka badan 20 tuulo ayaa doonyo la isugu gudbaa, waddooyinkii berriga ahaa oo ay biyo fariisteen awgeed. Sidoo kale waxaa go’an waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo xarun u ah gobolka Shabeellaha dhexe.
Doonyaha lagu safro waxay mararka qaar la kulmaan shilal. Saddex isbuuc ka hor 5 qof ayaa ku dhintay labo doon oo biyaha dhexdooda ku rogmaday, kuwaas oo ahaa carruur ay da’doodu ka yareyd 11 jir.










