Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warshado barafka lagu sameeyo oo xasiliyay nolosha barakacayaasha Kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
December 7, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Warshado barafka lagu sameeyo oo xasiliyay nolosha barakacayaasha Kismaayo

Haween la macaamilaya mid ka mid ah warshadaha barafka Kismayo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo konton qoys oo ku nool xerada barakaca ee Marino ee magaalada Kismaayo ayaa nolashoodu isbadashay kadib marki halkaa laga hirgaliyey labo warashado yaryar oo sameeyo barafka. Qoysaskan ayaa barafka ku hela lacag raqiis ah taasi oo ka caawisay inay ku qaboojiyaan cabitaannada iyo biyaha oo ay ka ganacsadaan.

Waxaa dadkaas ka mid ah qoyska Arbaay Maxamuud  oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 14 qof oo 12 carruur yihiin. Arbaay araa Radio Ergo u sheegtay in nolasha qoyskeeda ay ku maareyso 10KG oo baraf ah oo maalin kasta ay ka qaadato warshadaha barafka dhaliya, kaas oo laga siiyo lacag dhan 5000 o shilin Soomaali ah, oo ay ku qaboojiso biyo cad ka dibna ku xidh xidhaa baco yaryar oo ay halkii bac ku iibiso 1000 shilin Soomaali ah.

Biyaha ay bacaha ku xidh xidho ayay ku dhex wareejisaa iskuuladda magaalada Kismaayo, goobaha dhismaha uu ka socdo iyo meelaha kale ee dadka fadhiistaan si looga iibsado.

“Barafkaan wax fiican ayaan ka hellaa. Laba doolar ama hal doolar ayaan dhar ku soo dhaqijiray, waxna iima tarijirin, habeenkii ilmaha gaajo ayey ku seexanaayeen, laakiin hadda maasha Allaah weeye,” ayey tiri Arbaay.

Lacagta ay ka hesho biyaha ay iibiso waa 100,000 oo shilin Soomaali ah, waxaa ayey sheegtay in 70,000 ay reerka ugu iibso adeegooda, halka 10,000 ay maalin kasta ku gasho ayuuto ay dumar kale kula jirto, si ay ugu dabarto baahiyaha ka baxsan biilka maalin-laha ah. Aabaha carruurta ayay sheegtay in uu yahay oday da’ ah oo aan shaqayn karin.

Qoyska Arbaay oo hadda ku nool xerada baracayaasha Al-khayr ayaa ka mid ahaa dadkii beeralayada ahaa ee ay soo barakiciyeen abaarihii 2017, xiligaas oo ay ka imaadeen degmada Jilib oo kismaayo 120km kaga beegan dhinaca waqooyiga.

Labadan warshadood ee barafka laga dhaliyo ee ay barafka ka qaatan dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa hirgaliyey Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jubbaaland iyo hay’adda FAO si fursado ganacsi oo yar yar loogu abuuro dadka barakacayaasha ah.

Dadka shaqo abuurka ka helay warshadahaan ayaa waxaa ay horay uga shaqayn jireen shaqooyin kale, sida dhismaha guryaha, dhagax jabinta iyo dhar dhaqaalka, waxaana shaqadaan barafka u nqotay shaqo uga dhib yar shaqooyinkii ay horay u qaban jireen ugana manfac badan.

Gudoomiyaha xeryaha barakaca ee Mariino Ubax Xassan cadde ayaa sheegtay in dad badan oo xeryaha ku nool ay warshadahan yaryar ee solarka ku shaqeeya ka soo doontaan barafka, dibna uga macaashaan.

“Maalintii ilaa 200kg laba jeer way soo saari kartaa haanta mugeed, xiligii kulay jiro meeshaan way buuxaysaa, marar aysan firaaqo yeelanaynin”.

Cabdiwali Maxamed waxuu ka mid yahay dadka fursadaha shaqo ka helay warshadahan soo saara barafka. Cabdiwali ayaa $100 bishii lagu siiyaa in uu waardiyeeyo warshadda, taas oo uu ku maareeyo nolasha qoyskiisa oo ka kooban lix qof oo afar ay caruur yihiin.

“Iidanka ayay iiga filantahay aniga…Awal dhagax ayan ka shaqayn jiray, dhagaxle ayaan ahaa, dhagaxii waa iska istaagay shaqadii waa iska yaraatay”.

Faadumo Siciid Axmed waxay ka ganacsada barafka oo ay sii iibiso isagoo sidiisa ah, waxaana halka 1kg oo barafka ay siisaa 3000 oo shilin Soomaali ah. Maalintii waxaa ay soo qadataa laba jeer, midkiiba yahay 15kg. Waxaa ay sheegtay in ay ka hesho lacag dhan 80,000 ilaa 90,000, lacagtas oo ay ku marayso qoyskeeda oo ka kooban sideed qof oo lix caruur yihiin.

Faadumo ayaa sheegtay intii ay bilowday shaqada barafka ay nafsad ahaan u xasishay halka markii hore ay maalin walba ka warwari jirtay carruurta maxaad manta u karisaa. Waxaa ay sheegtay in markii hore ay kaluunka ka ganacsanjirtay, taasoo ay deyn badan badan ku gashay, markii dambena iska deysay.

“Haddii aan hal doolar helo, cunto maad ku gadaa, khudaar maad ku gadaa ayaan ku welwali jiray, hada khudaartayda,cuntadayda juusto weeye, sidaan barafkaan ugalay quraac, qado waan helnaa”.

Waxay sheegtay in xitaa ay iska bixisay lacagihii lagu lahaa oo gaadhaayey 670,000 oo shilin Soomaali ah.

Faadumo oo caruurteeda ay agoon yihiin ayaa sheegtay in ay ka mid ahaayeen qoysaskii 2016 ka soo barakacay deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa ay xustay in abaarihii ay ka dhameeyeen xoolo gaadhaya ilaa 150 neef oo adhiya, ka dibna ay go’aan sadeen in ay imaadaan magaalada kismaayo.

Gudoomiyaha Barakacayaasha Xeryaha Kaamamka Mariino Ubax Xassan Cade ayaa sheegtay in maalintii ay warshadaha barafka labaduba ay soo saaran lacag dhan 350,000 oo shilin Soomaali ah, taas oo dib loogu celiyo warshadaha si dadka barakacayaasha ay mudo dheer ugu manafacaadan oo uga biishaan qoysaskooda.

Ubax ayaa sheegtay in labada warshadoodba ay ka shaqeeyaan shan shaqaale ah oo qaabilsan wardiyaha warshadaha iyo nadaafada xarumaha bishiina la siiyo calaa qof lacag dhan $100. Waxaa kale oo ay sheegtay in mashruucaan ay la socdeen laba doonyood oo la siiyey 10 qof oo barakacayaal ah balse lagala soo daahay shabaagtii ay ku shaqaysan lahaayeen, walina aysan shaqo bilaabin.

“Waa wax aadan soo xamaalayn oo adiga guriga jooga laguu keenayo, barafkii aad biyo ka samaynayso, qaar aad gadanaysid, faa’iida ka soo galaysa dhagaxii iyo dhar dhaqaalkii tanaa uga fiican aad ayey ugu riyaaqeen, ayuuto ayey qaarkood ka samaysteen, waxaa ay sii furteen maherado kale”.

Previous Post

Naafada oo ku dhib qabta waddooyinka Muqdisho xilliyada roobka

Next Post

Fatahaadda soo noqnoqota oo niyad jab ku reebtay beeraleyda degmada Balcad

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Gedo oo daadad ka dhashay afar qof ku dhinteen

Fatahaadda soo noqnoqota oo niyad jab ku reebtay beeraleyda degmada Balcad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo