Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdishu: Sidee roobku u saameeyey qoysaska barakacay ee degmada Hodan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab ka da’ay Dollow oo hoy la’aan dhigay 350 qoys oo barakacayaal ah

Keydka Sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhawaad boqol oo barakac ah, ayaa muddo labada toddobaad ah ku hoyanaya banaanka kadib marki daad ka dhashay roob ka da’ay magaalada Muqdishu uu biyo galiyey, qaarna dumiyey guryahadooda oo ka samaysan coolashada iyo jingado. Qoysaskan ayaa kala deganaa xeryaha barakaca ee Siigaale iyo Al-furqaan ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xaawo Maxamed Abuukar oo muddo shan sano ah ku noolayd xerada Al-furqaan, ayaa ayada iyo lix carruur ah, waxaa hoy u ah darbiga guri dabaqa ah oo xerada ku agyaalla oo ay bac ku xiratay. Waxaa taas u dheer inaysan shaqo tagin muddadaas maadaama aysan ahayn meel ay carruurta uga tagto.

“wuxuu saameyn igu yeeshay ilmihii lagama tagi karo, guri ay galaana meesha kuma heyno magaaladana wax lagama raadsan karo oo ilmihii waa dandareysan yihiin, wax loo hayana malahan, war ayaa noo dhow ilmaha waa isaga dhex dhici karaan”

Waxay nolasha carruurta ku maarayn jirtay shaqooyin yar yar oo ay ka soo qabato magaalada sida dhar-dhaqista oo ay ka soo heli jirtay lacag dhan 3-5 doollar oo ugu filaynayd nolal maalmeedka. Xaawo ayaa shan sano ka hor ka soo barakacday gobolka Shabeellaha dhexe kadib marki webiga uu ku fatahay deegaanki ay ku noolayd.

“Afar madaal (koombo) oo galleey ah ayaa wiil iikeenay wax aan ku shiito ma heysto, jalamad uu muslim isiisay ayaan canbuulo ugu kariyay, alaabtii dhan biyaha iga qaaday subixii rooti angagan ayaa nala siiyaa kaasa ilaa habeenkii lagu gaaraa haddii la wayaana carrurta waa la seexiyaa ayagoo oynaya, waxaa na siiyaa guriga darbigisa aan seexano ninka iska leh”.

Muumino Xasan Xaaji iyada iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay waxay ku seexdaan hal joodari oo la siiyay markii agabki biyuhu ka qaadeen.

Dhisme ka agdhow halkii ay ka soo barakacday dhinaciisa ayaa hoy u ah, maalinkii carruurteeda meel hoos leh ayey u raadisaa balse habeenkii darbigaas ayey dhaxanta ka galaan. Xilli seqdhexe ah oo la hurdo ayay biyaha u galeen gudaha gurigi ay deganaayeen, ma aysan fududayn in la isku gurmado oo qof kasta asaga ayaa tiisa la tacaalayay.

“Annaga meel godan ayaan daganahay marka uu roobku imaanayay waa hurudnay ilmihii markaan soo bixinay, mid baa biyo iga cabtay, ilaaha baa nabad baadiyay, nin deris nala ahaa ayaa noo soo grmayday oo carruurta iga saaray biyaha, joodariyaashii iyo sijaadihiina biyaha ayaa qaaday oo warta ku daray”.

Waxay sheegtay in marki biyaha guriga ay soo galeen gabar sanad iyo bar jirta ay ku hafatay basle laga badbaadiyey. Ma heli karto raashin ku filan oo ay siisato carruuteeda, kaliya hadda waxay ku noolyihiin wixii ay ka helaan dadka kale oo caawimaad aan joogta ah ahay siiya.

Faadumo Cabdulqadir Macow, waa haweenay kale oo degan xerada Siigaale oo uu saameeyay roobka ayaa ka walaacsan maaraynta noolasha lix carruur ah oo abbahood ay kala tageen sida ay radio Ergo u sheegtay.

Sedex iyo toban habeen ayay ku hoyanayaan bac ay ku xiratay gurri darbigiis si ay gabaad ugu noqoto carruurta xilliga habeenki oo dhaxan ah iyo roobka oo wali ka da’aya magaalada Muqdishu.

“Habeenki ma seexdo oo carruurta ayaan waardiyeeyaa, waxaan sidoo kale ka cabsadaa nimanka habeenkii wareegaya, waxaan kaloo ka cabsadaa in nala kufsado sidaa darteed waan iska soo jeedaa”

Ka hor xaaladdan waxay biilka carruurta ka maarayn jirtay shaqada dabista timaha ee gabdhaha yaryar oo qofkiiba ay ka qaadi jirtay hal illaa laba doolar. Radio Ero ayay u sheegtay Fadumo in gurigii ay daganeyd ku weyday roobka dartii mana awoodo in markale ay dib u dhisato.

Xeryaha Siigaale iyo Al-furqaan ayaa ku yaalla meel u dhow Warta Siigaale oo ah meel loogu talo galay biyaha roobka ee magaalada inay galaan, taasi oo ah sababta keentay in guryaha iyo biyo galaan maadaama ay ku yaallaan dhul godan. Sababta ugu muhiimsan ee ay halkan u degan yihiin qoysaskan ayaa ah inaysan awoodin kirada lagu dago guryaha magaalada.

Horjoogaha labadan xero Cabdi Xuseen Xaashi, ayaa sheegay in 30 guri ay dumeen inta kalana ay biyo fadhiyaan. Cabdi wuxuu ka mid yahay qoysaska barakaca ah, laba qol oo meel taag ah uga dhisan ayuu sheegay in qol ka mid ah ay biyo galeen.

“Welwelka ugu badan ee jira ayaa ah in roobku wali uu ka da’ayo magaalada, oo aysan rajo jirin oo mar kasta oo uu roob do’o ay biyo horleh galayaan guryaha”.

Previous Post

Laascaanood: Sicir barar saamayn ku yeeshay nolasha danyarta

Next Post

Roobab dabeylo wata oo dib u barakiciyay Boqollaal qoys oo ku nool dagmada Luuq

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Baydhabo: Kumanaan barakacayaal ah oo daadadku ugu galeen xeryahooda

Roobab dabeylo wata oo dib u barakiciyay Boqollaal qoys oo ku nool dagmada Luuq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo