Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Laascaanood: Sicir barar saamayn ku yeeshay nolasha danyarta

admin by admin
November 12, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qiimaha lagu kala iibsada maciishadda asaasiga ah ee magaalada Laascaanood oo qaali noqotay, kadib marki uu sare u kacay sarifka lacagta doollarka ah, ayaa saamayn ku yeelatay nolasha qoysaska danyarta ah.

Dadka ay sida gaar ah u saamaysay ayaa ah xoogsatada sida maalinla ah u helo noolal maalmeedka iyo kuwa haysta ganacsiyada yaryar sida haweenka iibiya caanaha, khudaarta iyo hilibka.

Sare u kaca sarifka ayaa sababtay in ganacsatada waawayn diidaan qaadasha shilin Soomaaliga taasi oo cabaqabad kale ku ah dadka danyarta ah ee ku adeegta lacagta cad ee aan adeegsanin habka mobile-ka.

Maxamuud Aadan Cali wuxuu ka xamaasha dejinta iyo rarista alaabooyinka kala duwan ee gawaarida xamuulku qaaddaan. Wuxuu shaqadan oo maalinti uu ka soo helo lacag dhan 100-150 kun oo shilin Soomaali ah ay ku filnayd qoyskiisa oo ka kooban 8 qof.

“Waxaan ku iibsan jirnay raashin, adeeg iyo kirada guriga laakiin maanta waxba way ii goyn wayday, kiradii guriga ayaa laygu leeyahay raashinkii in nalagaga iibiyo xitaa waxaa diiday dukaamadii, dhibaato wayn oo dhanka nolosha ah ayay nagu yeelatay arrintani runtii”

Kirada guriga uu deganyahay ayuu sheegay inay tahay 70 doollar. Muddo bil ah oo xaalku sidan yahay ayuu sheegay in raashinka iyo koosaarta uu dayn ahaan uga qaato dukaan uu horay uga adeegan jiray. Wuxuu sidoo kale lacagta uu soo shaqeeyo ku dabari jiray waxbarashada laba carruur ah oo u dhalay, oo bishi laga qaado 16 doollar.

Sarifka halka doollar oo bil ka hor ahaa 30-33 kun oo shilin Soomaali ah, ayaa hadda maraya 45 kun oo shilin Soomaali ah, taasi oo ah sababta keentay in wax walba qiimahooda uu kor u koco.

Faadumo Cabdiraxmaan Cali oo hilib ku iibiya suuqa magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in muddo bil ah aysan qaban wax shaqo ah kadib marki laga diiday lacagta shilin Soomaaliga ah. Shaqadan ayay ka biili jirtay afar carruur ah oo ay kala tageen aabbahood sida ay sheegtay. Waxay maalinti ka heli jirtay lacag u dhexeysay 5-10 doollar.

“Lacagtii shilin Soomaaliga ahayd waa laygu diiday in wax laygaga iibiyo aniguna doollar wax kuma iibiyo, dadkiina waxay wataan oo ay wax ku iibsadaan waa lacag Soomaali, nolosha carruurtaydu waxay ku tiirsanayd oo aan ku maarayn jiray waxay ahayd shaqadan, hadda dayn ayaan muddadaasi ku maaraynayay”.

Hadda waxaa lagu leeyahay lacag dhan laba boqol iyo koronto doollar ah, welwelka ugu wayn ee ay qabto ayaa ah in laga saaro guriga ay degan tahay oo kiro ah.

Qiimaha lagu iibsado raashinkana ay iibsadaan dadka danyarta ah ee la kiilo miiso ayaa kor u kacay. kiilada bariis-ka ah ayaa hadda qiimaheedu yahay 35 kun oo shilin Soomaali ah halka marki hore ayay ahayd 18 kun.

Cabdikariim Maxamuud Ismaaciil, oo ka tirsan sariflayaasha magaalada ayaa sheegay in lacagta doollarka ah oo yaraatay iyo shilinka Soomaaliga oo badan ay sababtay sicir bararka. Waxaa sidoo kale ka dhashay in ganacstada oo doonaya inay helaan doollar diiday shilinka.

“Dhibaatada jirka waxaa kow ka ah ganacsatada qaadka oo halka dollar haddii ay 60 kun oo shilin Soomaali ah ku helayaan qaadanaya sababtoo ah markii hore laascaanood qaadan ma imaan jrin haddase qaad badan ayaa yimaadda oo ka soo gala dhanka Itoobiya markii la joojiyay qaadkii Kenya. Sidoo kale waxaa jira in lacago shilin Soomaali ah dhanka garoowe ka soo gelayaan, ganacsatada iyo sariflayaasha qayb ayay ka yihiin dhibaatada jirta”.

 

 

Previous Post

Lughaya: Xoolo-dhaqato iyo beeralay uu ayax saameeyay oo helay caawimaad dhaqaale

Next Post

Muqdishu: Sidee roobku u saameeyey qoysaska barakacay ee degmada Hodan

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Roobab ka da’ay Dollow oo hoy la’aan dhigay 350 qoys oo barakacayaal ah

Muqdishu: Sidee roobku u saameeyey qoysaska barakacay ee degmada Hodan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo