Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qardho: Dhallinyaro xirfado la baray oo shaqo ku helay markii ugu horreysay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 28, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qardho: Dhallinyaro xirfado la baray oo shaqo ku helay markii ugu horreysay

Najiib oo ku guda jira shaqadiisa maalinlaha ah/Maxamuud Nafiif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lixdan qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal la baray xirfadaha korontada, hagaajinta soollarka, dhar-karinta iyo harqaanka ayaa 12-kii bishan ka qalin-jabiyay xarunta Farsamda Gacanta ee magaalada Qardho.

Kaafi Cabdilaahi Yuusuf oo ah 29 jir la baray tolista harqaanka, waxaa iyada iyo siddeed qof oo kale ay xirfadaha ku shaqeysanayeen markii ay labo bil u socotay waxbarashadu si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda.

Gabadhan oo ah hooyada labo carruur ah oo ay keligeed korsato, waxay leedahay xarun lagu tolo dharka dumarka iyo carruurta. Waxay Meesha ka saartay welwelkii ay qoyskeedu ka qabeen helista biilka guriga, kiradda iyo lacagta waxbarashadda oo celcelis ahaan ay bishii uga baxdo $248.

Waxay il dhaqaale u tahay lix walaalaheed iyo labadeeda carruur ah oo markii hore ay u shaqeyn jirtay hooyadeed oo hilib gadi jirtay. Waxayna Raadiyo Ergo u sheegtay in ay u soo dhabar adeygtay marxalado adag taas oo maanta halkaan soo gaarsiisay.

“Markaan halkaan imaaday wax aqoon ah u ma lahayn, haddana waa ku shaqaystaa, wax badan waa ka faa’iiday, run ahaantii ganacsigaan in aan hadda ku shaqaysto. Suuqaygu waa fiican yahay, run ahaantii aniga noloshayda inaan waxaan ka haro waan jeclaa, laakiin waan ku dhabar adaygay, daqiiqad in ay iga xirnaato ma jecli.”

Furitaanka xaruntan ganacsi waxay Kaafi ku maalgelisay $1250 oo ay ka heshay qoyskeeda iyo machadkii ay ka qalin-jabisay.

Dhallinyaradan oo muddo siddeed bil ah waxbarashda soo waday ayaa ka faa’idaysanaya mashruuca waxbarashadu waa iftiin ee ay ka wada-shaqeeyaan wasaaradda waxbarashada Puntland iyo hay’adda Save The Children.

Kaafi keliya ma aha dadka halkaan ka qalin-jabiyay ee xirfadooda ku shaqeysta, waxaa ku jira Najiib Maxamuud Salaad oo ah 20 sano jir qoyskiisa oo ka mid yahay dadka danyarta ah ee magalaada Qardho.

Najiib oo celcelis ahaan shaqadan oo uu billaabay intii uu machadka dhiganayay bishii ka helaa $400, isagoo awood u yeeshay caawinta qoyskiisa iyo bixin lacagta waxbarashada walalaihiis oo bishii ah $74. Waxay horay uga cabsi qabeen in ay dhaqaalo la’aan uga haraan waxbarshada .

Ku biiristiisa machadka ayuu go’aansaday markii uu xogtiisa ka ogaaday saaxiibbadiis laakiin markuu la wadaagay qoyskiisa ayuu la kulmay caqabad ah in aysan ku faraxsanayn barashada xirfadda korontada.

“Caqabada ugu horreysa waxay in dhamaan xaafaddii oo dhan layga soo horjeestay oo lay dhaho, adigu ma baran kartid, korontada, yasan ku dilin, waxaad tahay qof fud-fudud, laakiin run ahaantii waxaan u mahadcelinayaaa aabbahay oo i garabsiiyay inaan halkaan soo gaaro, isagaana igu dhiirigeliyay, wuxuu yiri xirfaddaan baro, waa xirfad muhiim ah, hadhow dadka iyagaa ku baryaya, aduu baryi maysid.”

Jimcaale Cali Geesey maamulaha xarunta Farsamada Gacanta oo hoostagta wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sheegay in dadka ay tababareen ay anfaceen nolosha qoysaskooda iyo iyo bulshada deegaanka iyadoo laga maarmay in xirfadleyaal kale meel magaaladda ka baxsan looga yeero.

“Dadka ka shaqeeya ama machadkaan ka baxay oo dhan waa dadka maanta wax ka beddelay nolosha magaaladda, wax soo saarka magaalada, horumarka magaalada. Waxaan ka caawinnaa inay inaan dhiirigelinno oo siinno qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.”

Kaafi ayaa aaminsan in caqabadaha jira ay si gaar ah u saameyn karaan gabdhaha baranaya xirfadahan balse ay muhiim tahay in ay u dulqaataan. Kusoo biiritaankeeda machadka ayaa iyada u furay daaqad cusub oo nolosheeda rajo badan gelisay. Waxay sheegtay inay leedahay wax soo saar fiican taas oo hididdiilo u ah in ay hormariso ganacsigeedaa.

“Xilli adag baa galaysaa, waqtiga waa yar yahay. Haddaad doonto hooyaad tahay, wax badan baa u baahan tahay sow maaha. Sidaas darteed, waa iska adag tahay noloshu, waxay u baahan tahay dulqaad, dhallinyarada kuwa aan xirfad lahayn waxaan leeyahay waa inay machadka imaadaan oo wax bartaan.”

Najiib ayaa qaba in qofka xirfadda leh uu ka fursad fiican yihiin kuwa waxbarashada tooska ah dhigta islamarkaana qofka dedaalkiisa ay ku xiran tahay inuu wax qabsado. Waxa uu ka warramay sida ay ugu suuragashay inuu macaamiil helo markii uu billaabay shaqada.

“Qofba waxa uu ku xiran yahay shacab, qofna dad buu la shaqeeyaa, laakiin anigu waxaan heli jiray asxaaboo guryo shaqada laga qabanaya ii soo hela, hadba waa ii fududaan jirtay, tusaale ahaan guri dhan baa helaysaa oo dhowr boqol oo doollar lagu hagaajiyo, waa faa’iido dheeraad ah.”

Xaruntan oo furneyd tan iyo sanadkii 2008-dii, waxay soo saartay in ka badan saddex kun oo qof oo u badan dadka iyaga oo waaweyn baadiyaha kasoo galay, ardayda ka hara waxbarashadda tooska ah, iyo dadka waaweyn ee aan waxbarshadda tooska ah billaabi karin.

Previous Post

Suuq casri ah oo laga dhisay Guriceel oo kor u qaaday ganacsiga ariga

Next Post

Dhegeyso barnaamijka tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Dhegeyso barnaamijka tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo