Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Sheekada dhaqtarad iyadoo caawinaysa bukaannada Koroonaha uu cudurku dhacay.

Radio Ergo by Radio Ergo
July 3, 2020
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Sheekada dhaqtarad iyadoo caawinaysa bukaannada Koroonaha uu cudurku dhacay.

Dhaqtar Xamdi Cabdiraxmaan oo ka mid ahayd howlwadeennadii ka shaqeynayay isbitaalka Martiini oo lagu karantiilo dadka uu ku dhacay cudurka Karoona/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhaqtar Xamdi Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ahayd dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee ka shaqeynayay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah goobta lagu daweeyo dadka la soo dhaca xanuunka Koronaha ayaa saddex bilood kaddib ku soo noqotay gurigeeda.

Xamdi oo bishii Oktoober ee sanadkii hore kamid noqatay howlwadeennada caafimaadka ee isbitaalka Martiini ka hor intaaan loo beddelin goob lagu karantiilo dadka Koroonaha la xanuunsan ayaa ku dhiirratay inay qaadato go’aanka ah inay sii shaqayso, kana mid noqato dhakhaatiirta waqtigooda iyo naftooda huray iyadoo dhiirrigelin ka heshay waalidkeed.

Waxay Raadiyo Ergo uga warrantay caqabadihii ay la kulantay intii ay shaqada wadday, kala duwanaanta shaqada isbitaalka intii lagu jiray xaaladda cudurka iyo sida ay u aragtay inay ka shaqeyso howl saamayn ku yeelan karta caafimaadkeeda.

“Saamayn wayn ee igu yeelatay muddadaas aan guriga ka maqnaa. oo aan isbitaalka ka shaqeenayay, wax hadda la qori karo maaha, qoyskeeyga inaan muddo ka maqnaado waligeey ma dhicin, inaan gurigayna muddo seddex bilood ka maqnaado, dadka u shaqaynayo inay yihiin dad waalidiintay oo hooyaday oo kale, aabbahay oo kale ayeeyo, awoowe ii noqon kara inaan u shaqeeyo waxay ahayd dareen gooni.”

Dhaqtar Xamdi oo ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee u bareeray ka shaqeynta isbitaalka markii cudurka laga helay qofkii ugu horreeyay horraantii bishii Maarso ayaa sheegtay in aysan marna ka welwelin in cudurku uu ku dhaco oo ay u heellanayd caawinta dadka cudurka qaba. Iyada iyo howlwadeennadii caafimaad ee la shaqaynayay qaarkood ayuu ku dhacay cudurka Koronaha inkastoo aysan haynin tiradooda oo sax ah sida ay sheegtay Xamdi.

Waxay sheegtay in howsha ay hayeen ay ahayd mid adag oo u baahnayd ka go’naan iyo inay diyaar u yihiin in ay daris la noqdaan bukaannada oo kaliya maaddaama aysan jirin cid kale oo la kulmaysay bukaannada cudurku ku dhacay ee isbitaalka joogay. Waxay sharaxaysaa waxyabaha ay bukaanada u qaban jirtay.

“Meesha ugu badan ee aan ka shaqeenayay bukaan jiifka ayay ahayd, shaqada markaan soo galo bukaannada waan wareysan jirnay maaddaama bukaanka aan loo oggalayn in  qoyska la jooga, oo goobta ay ahayd goob karantiil,” iyadoo sheekadeeda sii wadata waxay si gaar ah farta ugu fiiqday waxyaaba ay u qaban jirtay bukaanka, “Bukaannada annaga waxaan u samayn jirnay inaan dhiirrigalinno, aan la joogno kuwooda cafimaadka qabo,  marmarna in bannaanka aan waqti kula qaadanno,  la shekeysanno, dhiirrigalin u samayno, kuwi kale ee aan awoodin in bannaaka waqti lagula qaato inaan u imaanno, dawooyinkooda kontaroolno waxay u baahan yihiin u qorno.”

Dhaqtar Xamdi ayaa tilmaamatay inay shaqadaas adag ka dhaxashay waayo-aragnimo islamarkaana dadkii ay u shaqeynaysay ay u galeen booskii dadkooda ee aysan caawin dhaqtarnnimo oo keliya ku ekayn.

Waxay xustay in hilow badan ay u qabtay aragtida qoyskeeda laakiin ka dhabaysay go’aankii ay qaadatay.  Waxay ka warrantay sida iyada iyo qoyskeeduba ay dareemayaan muddo kaddib markii ay soo laabatay.

“Muddo saddex bilood oo aan guriga ka maqnaa markaan dib ugu soo labatay qoyska aad ayay ii soo dhaweeyeen, farxad gooni ah aniga nafsiyaan, in muddo seddex bilood ani qoyskeeyga hooyaday iyo aabo arkin guriga ugu imaado wallaalahay aan waqti la qaato waxay ahayd Faraxad wayn.”

Dhaqtar Xamdi Cabdiraxmaan oo sanadkii 2012-kii ka qalinjabisay dugsiga sare ee Maxamed Cusmaan Baarbe waxay sidoo kale kullyadda caafimaadka ka dhigatay jaamacadda Soomaaliya oo ay ka baxday sanaddkii 2019-kii. Waxay sheegtay in ilaa yaranteedii ay ahayd mid ay ku hammineeysay inay noqatayo takhtarad taasi oo ay xustay inay markii hore ay caqabado ay dareemaysay dhanka dhaqalaha waxbarashada, balse ay garab wayn ka heshay waalidkeed.

Previous Post

Muqdisho: Haween lagu caawiyey miisas qudaarta ay ku gataan oo ganacsigoodu isbaddelay

Next Post

Ganacsatada suuqa Doolow oo ku guulaystay dedaallada looga hortagayo faafista cudurka Koroona

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Ganacsatada suuqa Doolow oo ku guulaystay dedaallada looga hortagayo faafista cudurka Koroona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo