Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ganacsatada suuqa Doolow oo ku guulaystay dedaallada looga hortagayo faafista cudurka Koroona

Radio Ergo by Radio Ergo
July 3, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –Boqollaal ka ganacsata khudaarta iyo hilibka ee suuqa degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa ku guuleystay inay dhaqangeliyaan dadaalka lagu xakamaynayo faafidda cudurka Koranaha.

Ganacsatadaa ayaa go`aansatay inay miisaskooda kala fogeeyaan, kuwaasoo markii hore isu jiray in ka yar hal mitir, waxayna ku tallaabsadeen in qaarkooda la dajiyo dhul cusub oo bannaanka ka ah suuq ah.

Xasan Aadan Cabdullaahi oo horjooge u ah ganacsatada suuqa ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in tan iyo markii dalka laga sheegay cudurka Covid-19 ay bilaabeen dedaallo looga hortagayo sidii ganacsatada suuqa iyo dadka wax iibsanaya badqabkooda caafimaad loo ilaalin lahaa, haatanna ay ku guuleysteen iyagoo kaashanaya hay’adda socdaalka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee IOM oo ay ka heleen wacyi-galinno iyo agabka afxirka iyo gacmo gashiga.

‘‘Markii hore waxay isu jir-jireen hal mitir iyo waliba, nus mitir, aad bey iskugu dhax-jireen way is dhax-gashanayeen way isla cabbayeen; hal koob baa laga yaabaa saddex qof, afar qof inay ku cabbayeen, Intii hadda uu yimid cudurrada ama la sheegayba dadaal farabadan baan sameenay, oo kamid ah in iyagii isla noolaa isla wada-shaqeysanayay ay kala fogaadaan, gacmaha sidoo kale inay gashtaan galoofis markii la shaqeynayo oo kaleeto, weyna naga-qaataan weyna sameynayaan hadda.’’

Xaawo Mukhtaar Cabdiraxmaan oo haysato afar carruur ah waxay kamid tahay lixdan haween ah oo suuqa ku iibiya hilibka, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay iney si wayn uga faa`iideysteen wacgelin ay hay`adda IMO iyo idaacadaha u sameeyeen dadweynaha deegaanka gaar ahaanna dadka ka ganacsada labadan suuq, si fiicanna looga dhaadhiciyay habkii ay uga hortagi lahaayeen Koronaha.

‘‘Waan kala fogaannay waan kala dheeraannay, dadka wax naga gadanayo banaankaas naga istaag walaalow, beesadeeda i sii ayaan ku dhahnaa; cuduraa jiro walaalow banaankaas iga istaag ee beesada meesha iiga soo dhiib ayaan dhahaa.’’

Xaawo waxay ka warrantay ineyan sidii hore jirin ee qof walba uu iskiis isu saarayo mas`uuliyadda inuu ka shaqeeyo sifadii uu uga hortagi lahaa dhibaatada cudurkan Koroonaha.

‘‘Hadda sidii hore ma jirto dariska xitaa markii hore waan isku imaan jirnay, waan sheekeesan jirnay, laakiin hadda nabadaa nabad ma-jirto weeyee, kursi isla fariisigii iyo isla sheekeesigii ma-jiro. Dadka kulli waan isla wada qaadannay,” ayay tiri Xaawo oo ku faraxsan dadaalka lagu wada jiro iyo natiijadiisa.

Haweenka Khudaarta ka ganacsada oo tiro ahaan ka badan kuwa hilibka ayaa iyaguna wax badan iska beddalay hab-dhaqankoodii hore.

Maymuun waxay kamid tahay haweenka ka ganacsada Khudaarta, waxayna ka biishaa siddeeda carruur ah. Tanag yaanyo ah iyo juuni basal ah oo ay ka hesho beeraha deegaannka ayay ku iibisa suuqa markii ay istaagtay khudaartii uga iman jirtay gudaha dalka Itoobiya, taasoo uga soo gudbi jirtay buundada labada Doolow. Waxay sheegtay in arrintaas ay saamayn ku yeelatay masaariiftii qoyskeeda, sababna ay u tahay Koronaha.

‘‘Awal dhaqaale fiican ayaan ka heli jirnay. Awalkii faa’ido adi saddax boqol, saddax boqol  iyo kontanaa heli jiray, ilmahayga igu filan. Hadda maxaaba la helaaba wax la helaba ma jiro waxaan sheegi karnaba malaha, deeman sidaan u qaadanaynay sadaxdan bilood, sadax kun iyo todobo boqol baa la igu leeyahay,’’ayay tiri Maymuun oo ka warramaysa saamaynta dhaqaale uu ku yeeshay Koronaha ganacsigeedii.

 

Previous Post

Muqdisho: Sheekada dhaqtarad iyadoo caawinaysa bukaannada Koroonaha uu cudurku dhacay.

Next Post

Hargaysa: Hay’adda Horizon oo dalbaneysa in baaris madax-bannaan lagu sameeyo kiis kufsi ah

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Hargaysa: Hay’adda Horizon oo dalbaneysa in baaris madax-bannaan lagu sameeyo kiis kufsi ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo